Home Blog Page 372

Madaxweynaha JFS oo ku Bogaadiyey Shacabka Difaacida dhulkooda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku Bogaadiyey Shacabka Soomaaliyeed sida dowladooda ay ugu garab istaageen Difaacida Dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dareenka ay muujiyeen dhammaan shacabka soomaaliyeed ee ku aaddan xadgudubka Itoobiya iyo sida ay u diideen damacaas gurracan,waxa u sheegay in taa ka turjumeyso isku duubnida shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay dalka ka joogaa.

“Waxaan ammaanaya wiilasha iyo gabdhaha qarkood xabadaha lagu ridayay, qaarkood xir-xiranyihiin oo xuriyadda laga qaaday, waxa ay u taagnayeen oo intaas u muteysteen,waa dalka Soomaaliya mitir kamid ah in aan la bixin,waan ku ammaaneynaa sharaf iyo cisi ayeyna barri ku nolaanayaan” ayuu yiri Madaxeyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel walba ay jogaan in ay u midoobaan, difaaca qarannimada dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,shacabka Itoobiya ayuu dhankooda ugu baaqay in aysan ku kadsoomin isku dayga liita oo ay waddo Xukuumadda Itoobiya.

Damaca gurracan ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu la saxiixday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka dhashay falcelin xoogan oo gudaha iyo dibadaba ah, iyadoo Baarlamaanka Jamhuuriyadda uu dhawaan ansixiyey, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda qararaar lagu buriyay is-afgarad beenaadkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo u rajeeyey in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.

Dowladda Jabuuti oo ka hadashay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay damaca gurracan ee dowladda Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay muhiim tahay ilaalinta Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Urur Gobolleedka IGAD.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabuuti.

Dowladda FS oo ka xun tallaabooyinka maamulka Somaliland ee lagu caburinayo warbaahinta iyo dadweynaha

Muqdisho, 08, Janaayo, 2024: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu la soo galay dowladda Itoobiya.

In la beegsado weriye iyo warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga.

Dareenka waddaniyadda iyo dal jaceylku ku jiro ee dadka gobollada waqooyi, xoog laguma maquunin karo, lagumana af qaban karo, waxaana ay xoojinaysa in kacdoonka shacbigu laba kacleeyo.

Hay’adaha amniga ee maamulka Somaliland waxaan uga baaqaynaa in ay ka waantoobaan u hiilinta iyo garab siinta is afgaradka sharci daradda ah iyo damaca Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed taas oo qatar ku ah mustaqbalka iyo karaamada dadka gobollada waqooyi ku nool iyo guud ahaan umadnimada shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda u bogaadinaysaa uguna mahad celinaysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka gobollada waqooyi oo sida lagu yaqaanay dadkeena meel adag iska taagay, iskana diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda iyo dhulka Soomaaliya.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada gole Baarlamaan JFS ee gobolka Awdal oo digniin adag ka soo saaray damaca gurracan ee Itoobiya.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Awdal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin adag ka soo saaray damaca xun ee Dowladda Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliyeed.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Federaalku ka istaagtay damaca gurracan ee Itoobiya.

Sidoo kale wasiiradda iyo Xildhibaanadu waxay hambalyo u direen Shacabka Gobolada Waqooyi ee diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku boobto qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

“Anagoo ah Siyaasiyiinta, Xildhibaannada Labada gole, Wasiirrada ka jeeda gobollada galbeedka Soomaaliland, waxaan halkan ku soo jeedineynaa is-fahamka dhalanteeda ee itoobiya, waxaan bogaadineynaa waxgaradka, Odayaasha, Dhallinyarada iyo haweenka ka gadooday damaca gurracan ee itoobiya” ayuu yiri xildhibaan Dr. Cilmi Nuur oo warbaahinta u Akhrinay warka ka soo baxay.

Ugu dambayn waxay Wasiiradda iyo Xildhibaanadu baaq u direen dhamaan Shacabka Soomaaliyeed si gaar ah shacabka Gobolada Waqooyi in ay u midoobaan difaaca dhulkooda iyo Baddooda.

Halkan ka daawo warsaxafadeedka oo dhamaystiran.

Dhalinyaradda Deegaanka Lughaya oo hubka qaatay “SAWIRRO”

Dhalinyaradda Deegaanka Lughaya oo maanta dhigay Banaan bax ay ku diidan yihiin in Deegaankooda la siiyo Itoobiya ayaa la soo baxay hubkooda iyagoo sheegay in ay dhimasho ka xigaan in taako dhul ah laga siiyo Baddooda Itoobiya.

Dhalinyaradda ayaa baaq u diray Dadka Soomaaliyeed kaas oo ah in lagu garabsiiyo difaaca Badda Soomaaliya oo ay Itoobiya rabto in ay sife boob ah ku qaadato.

Guud ahaan Gobolka Awdal ayaa maanta waxa ka socda Mudaharaad looga soo horjeedo damaca xun ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

General Gacma-duule ”Qofkii soo dilo xubin Khawaariijta ka tirsan labo kun oo dollar ayuu leeyahay”.

Generaal Cali Caraaye Cosoble ( Gacma-duule) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo uu weheliyo Khaliif Cumar Macallin Nuur ayaa dhiiragelin u sameeyay Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwooda ku sugan degmada Ceeldheere ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo guulo wax ku ool ah ka soo hoyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab.

Ragga geesiyaasha ah ee la abaalmariyay waxaa ka mid ah Cabdi Muxudiin Dhalo-weyne oo ku guuleystay in uu meel 94-km u jirta degmada Ceeldheer ku dilay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta, wuxuuna helay abaalmarin lacageed oo ka timid Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Fareey, (lacagta ayaa gaareysa toddobo kun iyo shan boqol oo dollar).

‘’Waxaa la abaalmariyay nin la yiraahdo Cabdi Muxudiin Dhalo-weyn oo aad la socotaan in 48-saacadood ka hor meel degmada Ceeldheer u jirta 94-km inuu ku dilay dhagar-qabe ummaddan dhibaato ku hayay, sidaas darteedna ummadda Soomaaliyeed oo dhan u duceysay, laga bilaabo saacaddan hadda aan hadleyno Inshallah tacaallaa socon doona, nin kasta oo fuliyana waajibaad dagaal guulna ka keenna cadowga Al-shabaab sida ee Dhallo-weyne oo kale, wuxuu leeyahay ninkii madax Al-shabaab keenna 2-kun oo dollar” ayuu yiri Generaal Gacma Duule.

Sidoo kale, Generaalka Gacma-duule ayaa sheegay in si loo dhiirageliyo Dhalo-weyn, taliyaha ciidamada xoogga dalka uu amar ku bixiyay in  saacaddan laga bilaabo uu ka tirsan yahay ciidamada xoogga dalka, taas oo horseedeysa in geesiyaal badan ay ku dhiiradaan in ay dilaan horjoogayaasha Khawaarijta.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo guud ahaan madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga dadweynaha ee dagaalka kula jira Khawaarijta in ay sii laba jibaraan howlgallada lagu ciribtirayo  Khawaarijta,islamarkaana askarigii ama shaqsigii soo dila horjooge Al-shabaab la siin doono abaalmarin lacageed uu ku farxo.

Howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaannada Galmudug ayaa laga gaaray guulo, waxaana laga sifeeyay arxan-laawayaasha dhul ballaaran oo muddo 15-sanno ka badan shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateynayeen, kuwaas oo aan helin adeegyadii asaasiga ah ee ay u baahnaayeen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo maamulka Soomaaliland “SAWIRRO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SHARCIGA BURINTA IS-AFGARADKA DOWLADDA ITOOBIYA IYO MAAMULKA SOOMAALILAND EE AY ANSIXIYEEN LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA FS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna.

DHAMMAAD

Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS

0

waxaa Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa kulan ku yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka BJFS iyo Wasiir Dowlaha Wasaardda Arimaha dibada ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Cali cumar (Balcad) Oo ay wahlinayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Mudane Isxaaq Mohamuud Mursal iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS iyo Khuburo iyo agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda.

Kulanka waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga xil.Aweys Hussein Mo’alin iyo Xoghayaha Guddiga Xil.Sayid Ali Isak Mohamed Yonis waxa goob joog aha xubnaha Guddiga.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa Kadoodista Heshiis Beenaadkii ay Dowlada Ethiopa lagashay Maamulka Soomaaliland.

Xubnaha guddiga oo door kooda ku aadan Hishiis beenaadkaasi ayaa wasaaradda usheegay mowqifkooda ah in taako kamid ah dhulka Soomaaliya aan gorgortan laga galin ayagoona su.aalo kawayeeydiiyay ka wasaarad ahaan tilaabooyinka ay qaadeen iyo sababah uu wali Dalka u ujoogo Safiirka ethiopa.

Wasiir Dowlaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaardda arimaha dibadda ayaa mid mid ugu jawaabay waydiimaha Guddoonka iyo xubnaha Guddiga ayagoona faahfaahiyay dhamaan su.aalihii laweydiiyay.

Ugudambeyntii guddoomiye ku xigeenka gudiga ayaa soo xiray kulanka maanta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Mawlid oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo fursadaha maalgashi ee jira maadaama dalkeena laga cafiyey deyntii.

Dhankiisa, Danjire Axmed Al-Mawlid ayaa muujiyey in ay Dowladda Sacuudigu ay diyaar u tahay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyo taageeridda dowladda Soomaaliya ee dhinacyada mashaariicda kala duwan ee horumarineed oo dalka laga hirgeliyo, isagoo si gaar ah u ballanqaaday ay ka qaybqaadan doonaan xasillinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga mahadceliyay taageerada dowladda Sacuudiga iyo garab istaagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.