Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo la kulmay safiirka Maraykanka ee dalkaas

Date:

Safiirka dowladda FS u fadhiya dalka Kenya danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Maraykanka ee Kenya Margaret Whitman, iyagoo ka wada hadlay ka faa’iideysiga xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta wadahadal la yeeshay Danjire Margaret Whitman, Safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya, iyadoo aan wadahadalka diiradda ku saarnay nabadda iyo amniga gobolka” ayuu yiri danjire Jibriil.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen xaaladaha siyaasadeed ee ka jira gobolka geeska Afrika, iyadoo loo marayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood ka dhexeeya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

 Dadaalka diblomaasiyadeed ayaa kor u kacay si loo xaqiijiyo xabbad-joojin.

Wafdi ka socda Xamaas ayaa Masar u yimid wax...

Baqdin ka taagan magaalada Suudaan ee go’doonsan

waxaan Khatarta duullaanka ayaa mugdi gelinaysa halganka nolol maalmeedka...