Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay kulan looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya

Date:

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay Kulan weyne looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya.

Kulankan oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka qaranka ayaa waxa ka hadlay Madaxda kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyagoo ku dheeraaday in Wasaaraddu markasta safka koowaad kaga jirto difaaca dalka iyo ilaalinta gobanimada dadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in ay door weyn ka qaadanayaan Mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid dh dhulka iyo Badda Soomaaliyeed,Mudaharaadkan ayaa maalinta khamiista ka dhici doona Magaaladda Muqdisho.

Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa waxa ka socda Mudaharaado waaweyn oo looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...