Madaxweynaha JFS oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar mudane, Abdel Fattah el-Sisi.

Marti-qaadka ayaa waxa dowladda Soomaaliya soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar garab istaagga buuxa ee ay u muujisay Dowladda Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masar gaari doona maalmaha inagu soo aaddan, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono dhiggiisa Masar, iyagoo diiradda saari doono xiriirka taariikhiga iyo walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal, waxaa sidoo kale looga hadli doonaan xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay ee la xiriira damaca liita ee dowladda Itoobiya.

Dawladda Masar ayaa safka hore kaga jirta dalalka sida weyn uga hor yimid damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya, iyadoo dowladda Masar adkaysay in ay waajib tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...