Guddiga qaban qaabada Banaanbaxa Berri oo war soo saaray.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga qabanqaabada Banaan baxa Difaaca Gobonimada Dalka ka dib damacii Itoobiya ee doonista Baddeena.
Guddiga oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Wasiir Dowlaha Amniga ahna ku simaha Wasiirka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale, ayaa looga arrinsanayay Banaan baxyo waa weyn oo ka dhici doona Guud ahaan dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka berri 11 Jan 2024.
Ujeedka Banaan baxaan ayaa ah diidmada gardarada Dowladda Itoobiya oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Maamulka Soomaaliland kaasi oo ah damac baalmarsan Gobonimada iyo Midnimada dhuleed ee Jahmhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...