Home Blog Page 352

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya arrimaha maaraynta musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle oo ka mid ahaa Wafdiga Madaxweynaha oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa booqday xarunta hay’adda bad-baadinta bulshada Talyaaniga.

Guddoomiye Maxamuud ayaa la kulmay dhiggiisa iyo agaasimayaasha qeybaha kala duwan ee xarunta badbaadada shacabka Talyaaniga, Guddoomiyaha ayaa u kuur galay howsha baaxadda leh ee xarunta Talyaaniga, iyada oo hadda laga sheqeeynayo daminta dab qabsaday dhul keymo ah oo ku yaal dalkaas.

Guddoomiye Maxamuud iyo dhiggiisa ayaa ka wada hadlay in la billaabo heshiis is kaashi oo dhex maraya labada hay’adood, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga iyo Safiirkii hore ee wadankeenna u joogay dalkaas iyo xubno ka tirsan hay’adda SoDMA.

 

Duqa muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta dad-dhigista dowladda hoose ee Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)  caawa xarig jaray xarunta Dad-dhigista dowladda hoose Xamar ee degmooyinka qeybta Bari oo laga hirgaliyay degmada Yaaqshiid, xaruntas oo loogu adeegi doono dadweynaha kunool degmooyinkaasi.

Munaasabadan xarigjarka waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee maamulka Gobolka, maamulka Degmada iyo qeybaha bulshada rayidka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyay howlaha ay waaxda Dad-Dhigista soo kor dhisay iyo horumarinta lagu sameeyay adeegyada ay bulshada siiso.

Ciidanka xoogga dalka oo nawaaxiga degmada Waajid ku dilay 25 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka ayaa 25 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ku dilay deegaanno dhaca galbeedka degmada Waajid ee gobolka Bakool halka tiro intaasi ka bandanna lagu dhaawacay, xilli ay malleeshiyadu isku diyaarinaysay dhagarta shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Waajid, Maxamed Macallin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in khawaarijta la laayay ay shan ka mid ihi ahaayeen ajaanib, isagoo intaa raaciyay in dhaawacyadii ay ka carartay kooxdu iyagu soo qaadeen.

Warar ka madax bannaan maamulka degmada oo ay heshay warbaahinta Qaranka ayaa sheegaya in qasaaraha lagu gaarsiiyay khawaarijta howlgalka ka dhacay galbeed degmada Waajid uu intaas ka badan yahay.

 

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗸𝘂𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝘆𝗲𝗲𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗞𝘂 𝗫𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗻𝗴𝗶𝗴𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qaybgalaya Shir Madaxeedka Afrika ee Horumarinta Awoodda Aadanaha ee ka socda magaalada Dar e Salaam, ayaa kulan doceed la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika Victoria.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, iyadoo oo Ra’iisul Wasaaruhu ka mahadceliyay taageerada dhinacyada iyo mashaariicda uu Bangigu ku taageero shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinaca amniga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, iyada oo sheegtay in Bangigu diyaar u yahay in Soomaaliya uu ka taageero mowduuca hadda looga hadlayo Shir Madaxeedka ee horumarinta karaanka bulshada ee dhinacyada waxbarashada iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay nidaamka dhaqaalaha waddanka oo hadda cagta ku haya in Soomaaliya ay soo gabagabeyso hannaanka deyn cafinta dhammaadka sanadkan.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa si kulul u cambaareeyay qarax ismiidaamin ah oo kooxda khawaarijtu ka geysatay kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo saxaafadda la hadlay ayaa marka hore ammaan ballaaran u soo jeediyay ciidamada kala duwan ee Qaranka, kuwaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay si weyn u adkeeyay amniga Caasimadda guulo wax ku ool ahna kasoo hoyay la dagaallanka Khawaarijta iyagoo kaashanaya shacabka.

Ku simaha madaxweynaha anha guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in saraakiisha ay ku jiraan dad dedaalayo, daacadna u ah dalkooda, aadna u sharaf badan, balse dhinaca kale ay jiraan dambiilayaal isku dhex qarinayo Ciidamada qalabka sida, kuwaas oo uu ku tilmaamay qaa’imiin.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa laammaha ammaanka faray in si degdeg ah baaritaan xoog leh loogu sameeyo dhacdadaas, isagoo amray in dambiilayaasha fududeeyay qaraxa gacanta lagu soo dhigo sida ugu dhaqsiyaha badan, caddaaladdana loo mariyo.

Sheekh Aadan Madoobe, ku simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka ayaa wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in goob uu ammaankeedu aad u sugan yahay qarax lala galo waxyeellana laga geysto, isagoo ku celceliyay in la helo jawaab lagu qanci karo.

Shalay ayay ahayd markii dhagar qabe ka tirsanaa khawaarijta uu qarax is miidaamin ah ka geystay kulliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku shahiideen xubno ka mid ahaa Ciidanka xoogga dalka.

 

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Wasiirka difaaca iyo sarkaalkiil tirsan militariga Maali

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah ku soo rogayo seddex sarkaal oo ka tirsan militariga Maali, oo uu qeeyb ka yahay wasiirka difaaca dalkaasi, kuwaasi oo Mareykanka uu ku eedeeyay inay gacan saar la leeyahiin kooxda Wagner ee Mali.

Cunaqabatayntan ayaa lagu bartilmaameedsaday sarakiishan ka tirsan ciidamada Mali, ayaa kala ah Korneyl Sadio Camara, oo ah wasiirka gaashaandhigga Maali, oo si la xaqiijiiyay haysta dhalashada Faransiiska, korneyl Alu Boy Diarra iyo Gaashaanle Sare Adama Baghayoko, oo dhamaantoodba ka wada tirsan ciidamada militariga Maali.

Washington waxay tilmaantay in ay jirto caddeymo muujinaya in saraakiishan ay gacan ka geysteen taageero loo fidiyay kooxda Wagner ee Mali, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay waaxda maaliyadda ee Maraykanka.

Sida ay sheegtay waaxda maaliyadda Maraykanka, Cunaqabateyntan ayaa lagu xayirayaa dhamaan waxii hanti ah oo ay leeyihiin saraakiishan ka wada tirsan Ciidamada Milaraiga Maali, kuwaa oo lagu eedeeyay inay tageraan kooxda Wagner.

Wasiirka beeraha XFS oo faah-faahin ka bixiyay shir madaxeedka QM ee hannaanka cuntada Adduunka ee ka socda magaalada Rome

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS, Axmed Madoobe Nuunow oo qeyb ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS ee magaalada Rome uga qayb galaya shirka xal u helidda cunno yarida Caalamka ayaa ka war bixiyay ajendaha guud ee kulanka.

Wasiir Nuunoow oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay Shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee hannaanka cuntada Adduunka oo ka furmay magaalada Rome Caasimadda Talyaaniga ahna xarunta hay’daha FAO, IFAD iyo WFO, ayaa waxaa ka qayb galay labaatan xubnood oo kala matalaya dowlado ay Soomaaliya ka mid tahay.

Shirka oo ay si wada jir ah u fureen Xoghayaha guud ee QM António Guterres iyo Giorgia Meloni, ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii wax looga qaban lahaa hannaanka Cunno yarida Adduunka, heer Caalami iyo heer dowladeed iyo mid goboleed.

Ajendaha shirka ayaa sidoo kale waxa ka mid noqon doona in xal loo helo Cunno yarida xooggan ee dunida soo food saartay, in wax laga qabto waddamada saboolka ah iyo saamaynta ay ku yeesheen dagaalka ka socda Yukurayn iyo Ruushka, Is-beddelka cimillada iyo in shirkan uu jawaab ka bixiyo sidii loo heli lahaa xog ku aaddan heerka cunno yarida Adduunka.

Shirkan oo ah kii labaad ee noociisa ah loogana hadlayo Cunno yarida Adduunka ayaa wuxuu socon doonaa muddo Saddex cisho ah, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo ay ka mid yihiin in la abuuro iskaashi xooggan oo dhex mara dowladaha, kaas oo sare loo qaadayo wax soo saarka si loola  tacaalo Cunno yarida, in hay’adaha Caalamiga sida QM ay qayb lixaad leh ka qaataan sidii looga hortagi lahaa Cunno yari keeni karta macaluul, dhimasho iyo bara kac, in la sameeyo sanduuq maaliyadeed oo lagu daboolayo baahiyaha horumarineed ee wax soo saarka iyo in wax laga barto waddamada maareeyay Cunno yarida.

Maamulka gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga oo gaaray heshiis iskaashi

Guddoomiye ku-xigeenka Arirmaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane, Cabdicasiis Cusmaan Maxamed oo uu wehliyo Aggaasimaha xiriirka arrimaha dibedda maamulka Gobolka Banaadir Mudane, Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga Mudane, Ekrem Yüce.

Kulanka oo ka dhacay Magaalada Sakarya ayaa waxaa hadlay, iskaashiga iyo horumarinta labada magaalo ee Muqdisho iyo Sakarya, wax is dhaafsiga, taageerada tababarrada shaqaalaha iyo iskaashiga maamulka labada magaalo.

Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga Mudane, Ekrem Yüce ayaa wafdiga ka socda Soomaaliya u sheegay in uu booqasha rasmi ah ku iman doono Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania oo ay kaga qayb galayaan Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika.

Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliyeed ee DanQaran.

Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shirka iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka bariga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Ra’iisul wasaaraha dalka Talyaaniga marwo Giorgia Meloni.

Shirkan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagaga arrinsanayey Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-shabaab.

Tallaabooyinka lagu sugayo amniga dalka ayaa horseed u noqon kara kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga caalamiga ah, waana taas sababta dowladdu ay ahmiyadda 1-aad u siinayso xasilinta dalka.