Guddiga qaban qaabada Banaanbaxa Berri oo war soo saaray.
Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku soo dhacday deegaan Khawaarijtu maamusho.
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay kulan looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay Kulan weyne looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya.
Kulankan oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka qaranka ayaa waxa ka hadlay Madaxda kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska iyagoo ku dheeraaday in Wasaaraddu markasta safka koowaad kaga jirto difaaca dalka iyo ilaalinta gobanimada dadka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdillaahi Xayir Ducaale oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in ay door weyn ka qaadanayaan Mudaharaad weyn oo looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid dh dhulka iyo Badda Soomaaliyeed,Mudaharaadkan ayaa maalinta khamiista ka dhici doona Magaaladda Muqdisho.
Guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa waxa ka socda Mudaharaado waaweyn oo looga soo horjeedo damaca liita ee Itoobiya.
Madaxweynaha JFS oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Casuumad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar mudane, Abdel Fattah el-Sisi.
Marti-qaadka ayaa waxa dowladda Soomaaliya soo gaarsiiyey wafdi sare oo ka socday dawladda Masar oo 7-dii bishan booqasho ku yimid Muqdisho iyaga oo kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar garab istaagga buuxa ee ay u muujisay Dowladda Soomaaliya.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masar gaari doona maalmaha inagu soo aaddan, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono dhiggiisa Masar, iyagoo diiradda saari doono xiriirka taariikhiga iyo walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal, waxaa sidoo kale looga hadli doonaan xaaladda gobolka ka soo cusboonaatay ee la xiriira damaca liita ee dowladda Itoobiya.
Dawladda Masar ayaa safka hore kaga jirta dalalka sida weyn uga hor yimid damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya, iyadoo dowladda Masar adkaysay in ay waajib tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo la kulmay safiirka Maraykanka ee dalkaas
Safiirka dowladda FS u fadhiya dalka Kenya danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Maraykanka ee Kenya Margaret Whitman, iyagoo ka wada hadlay ka faa’iideysiga xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta wadahadal la yeeshay Danjire Margaret Whitman, Safiirka Mareykanka u jooga dalka Kenya, iyadoo aan wadahadalka diiradda ku saarnay nabadda iyo amniga gobolka” ayuu yiri danjire Jibriil.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen xaaladaha siyaasadeed ee ka jira gobolka geeska Afrika, iyadoo loo marayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood ka dhexeeya.
Madaxweynaha JFS oo ku Bogaadiyey Shacabka Difaacida dhulkooda
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya,Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku Bogaadiyey Shacabka Soomaaliyeed sida dowladooda ay ugu garab istaageen Difaacida Dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya.
Mudane Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dareenka ay muujiyeen dhammaan shacabka soomaaliyeed ee ku aaddan xadgudubka Itoobiya iyo sida ay u diideen damacaas gurracan,waxa u sheegay in taa ka turjumeyso isku duubnida shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay dalka ka joogaa.
“Waxaan ammaanaya wiilasha iyo gabdhaha qarkood xabadaha lagu ridayay, qaarkood xir-xiranyihiin oo xuriyadda laga qaaday, waxa ay u taagnayeen oo intaas u muteysteen,waa dalka Soomaaliya mitir kamid ah in aan la bixin,waan ku ammaaneynaa sharaf iyo cisi ayeyna barri ku nolaanayaan” ayuu yiri Madaxeyne Xasan Sheekh
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel walba ay jogaan in ay u midoobaan, difaaca qarannimada dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya ,shacabka Itoobiya ayuu dhankooda ugu baaqay in aysan ku kadsoomin isku dayga liita oo ay waddo Xukuumadda Itoobiya.
Damaca gurracan ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu la saxiixday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee maamulka Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ka dhashay falcelin xoogan oo gudaha iyo dibadaba ah, iyadoo Baarlamaanka Jamhuuriyadda uu dhawaan ansixiyey, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda qararaar lagu buriyay is-afgarad beenaadkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo u rajeeyey in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.
Dowladda Jabuuti oo ka hadashay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay damaca gurracan ee dowladda Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay muhiim tahay ilaalinta Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Urur Gobolleedka IGAD.
“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabuuti.
Dowladda FS oo ka xun tallaabooyinka maamulka Somaliland ee lagu caburinayo warbaahinta iyo dadweynaha
Muqdisho, 08, Janaayo, 2024: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu la soo galay dowladda Itoobiya.
In la beegsado weriye iyo warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga.
Dareenka waddaniyadda iyo dal jaceylku ku jiro ee dadka gobollada waqooyi, xoog laguma maquunin karo, lagumana af qaban karo, waxaana ay xoojinaysa in kacdoonka shacbigu laba kacleeyo.
Hay’adaha amniga ee maamulka Somaliland waxaan uga baaqaynaa in ay ka waantoobaan u hiilinta iyo garab siinta is afgaradka sharci daradda ah iyo damaca Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed taas oo qatar ku ah mustaqbalka iyo karaamada dadka gobollada waqooyi ku nool iyo guud ahaan umadnimada shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya waxa ay si buuxda u bogaadinaysaa uguna mahad celinaysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka gobollada waqooyi oo sida lagu yaqaanay dadkeena meel adag iska taagay, iskana diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso in ay ku qaadato qeyb ka mid ah badda iyo dhulka Soomaaliya.
Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada gole Baarlamaan JFS ee gobolka Awdal oo digniin adag ka soo saaray damaca gurracan ee Itoobiya.
Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole Baarlamaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Gobolka Awdal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin adag ka soo saaray damaca xun ee Dowladda Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliyeed.
Wasiiradda iyo Xildhibaanada ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Federaalku ka istaagtay damaca gurracan ee Itoobiya.
Sidoo kale wasiiradda iyo Xildhibaanadu waxay hambalyo u direen Shacabka Gobolada Waqooyi ee diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku boobto qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.
“Anagoo ah Siyaasiyiinta, Xildhibaannada Labada gole, Wasiirrada ka jeeda gobollada galbeedka Soomaaliland, waxaan halkan ku soo jeedineynaa is-fahamka dhalanteeda ee itoobiya, waxaan bogaadineynaa waxgaradka, Odayaasha, Dhallinyarada iyo haweenka ka gadooday damaca gurracan ee itoobiya” ayuu yiri xildhibaan Dr. Cilmi Nuur oo warbaahinta u Akhrinay warka ka soo baxay.
Ugu dambayn waxay Wasiiradda iyo Xildhibaanadu baaq u direen dhamaan Shacabka Soomaaliyeed si gaar ah shacabka Gobolada Waqooyi in ay u midoobaan difaaca dhulkooda iyo Baddooda.
Halkan ka daawo warsaxafadeedka oo dhamaystiran.
