Home Blog Page 353

Milatariga Suudaan oo ka digay in ciidamo Nabad ilaalin ah loo soo diro dalkooda

Taliska ciidamada Milatariga Suudaan ayaa si weyn u diiday hindise ay hormuud ka tahay Kenya oo ku aaddan in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Bariga Afrika ay ka qeyb qaataan soo afjarida colaadda ka aloosan dalka Suudaan in ka badan 100 maalmood, waxayna shegeen haddii ay dhacdo taasi in ciidamadaas aysan dib ugu laaban doonin halkii ay ka yimadeen.

Kaaliyaha Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan, Sarreeye Guud Yaasir Al-Atta, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay haddii ay dhacdo in dalkooda la keeno Ciidamo ay gadaal ka riixeyso Dowladda Kenya, uusan midkoodna dib u laaban doonin.

Intii uu socday dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Suudaan iyo xoogaga taageerada degdega ah, waxa soo gaaray codsiyo badan oo dhexdhexaadin caalami ah, laakiin laguma guulaysan in si mug leh loo soo afjaro ama la joojiyo dagaalka.

Horaantii bishan, ayay aheed markii urur goboleedka Bariga Afrika oo ay Kenya xubin ka tahay uu soo jeediyay hindiso ciidamo nabad ilaalin ah la geeynaayo Suudaan, si xal loogu helo dagaalka ka socda dalkaas.

Ciidanka Suudaan ayaa marar badan Kenya ku eedeeyay in ay gacan siineyso Ciidamada Taageerada degdegga ah, waxayna Sarakiisha ugu sareysa Ciidamada Suudaan ku celceliyeen in Ciidankasta oo nabad ilaalin ah ay u aqoonsan doonaan cadow, ayna ka go’antahay inaay la dagaalamaan.

 

Safiirka JFS ee Shiinaha oo kullan muhiim ah kaga qeyb galay Beijing

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, kaas oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee ee Beijing.

Kullanka, ayaa daarnaa dadaallada horumarinta, hal-abuurka, iyo iskaashiga caalamiga ah ee Shirkadda tareennada (China Railway Group Limited (CREC). Intii ay socotay munaasabadda, mas’uuliyiinta CREC waxay ka wada hadleen sida ay uga go’an tahay horumarinta tayada sare leh, hal-abuurka, iyo ilaalinta deegaanka.

Danjire Kullane, ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya u xiisaynayso xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, wuxuuna bogaadiyay ka qeyb qaadashada CREC ee kaabayaasha tareennada Shiinaha.

Diblomaasiyiinta ayaa sidoo kale booqday hoolka bandhigga ee CREC si ay wax uga ogaadaan waxyaabihii u qabsoomay shirkadda iyo qorshaha mustaqbalka.

Ugu dambeyn, Danjire Kullane ayaa iftiimiyay horumarka Shiinaha uu ka sameeyay kaabayaasha tareenada, wuxuuna rajo ka muujiyay isweydaarsiga aqoonta iyo kor u qaadida wacyiga iyo aqoonta Soomaaliya u leedahay Barnaamijkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay shirka Qaramada midoobey ee cuna yarida

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto dalalka ay curyaamisay abaaraha soo laalaabtay.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo, maadaama dalagyada ka baxa Soomaaaliya ay ka kooban yihiin dhammaan baahiyaha nololeed ee dadka iyo calafka xoolaha.

“Soomaaliya abaarihii soo laalaabtay sanadihii la soo dhaafay waxay galaafteen nolasha kumannaan ka mid ah dadkayaga. Waxaa na soo food-saaray duruufaha nololeed ee ugu adag adduunka, taas waxay nooga dhigan tahay cashar aan kaga gudubno ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah, iyadoo ay muhiim tahay in mashaarciidaas loo wareejiyo dhanka horumarka waara.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isbeddelka cimilada, tabar-darrada kaabeyaasha iyo maalgashiga beeraha, tababarrada dhanka dalagyada oo yar iyo argagixisada oo haysatay dhulka qaniga ah ay sababtay hoos u dhaca waxsoosaarka beeraha Soomaaliyeed, dowladduna ay haatan xoogga saareyso sidii ay dhulkaas uga xoreyn lahayd gacanta argagixisada, iyadoo ay barbar socdaan qorsheyaasha horumarineed ee beeraleyda iyo dalagyada.

Madaxweyne Qoorqoor oo xariga ka jaray Laamiga Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa si rasmi ah xariga uga jarey mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyey magaalada Dhuusamareeb.

Mashaariicda oo kala ah suuqa ganacsiga Dhuusamareb iyo wadada garoonka diyaaradaha oo ah jid jaay ah oo dhererkiisu yahay 2.5Km ayaa xarig jarkooda waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socota wasaraddaha hawlaha guud iyo dib u dhiska dowladda Federaalka, wasaarada hawlaha guud ee Galmudug, maamulka Dhuusamareb iyo qaar kamid ah bulshada caasimadda.

Wasiirka Difaaca dalka oo la kulmay taliyaha Militariga dalka Qatar

Wasiirka gaashaandhigga JXFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kulan kula qaatay taliyaha militariga dalkaas sareeye guud (Duuliye) Saalim bin Xamad bin Maxamed Al-naabit.

Taliyaha iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka wada hadalay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo sidii Qatar ay Soomaaliya uga caawin lahayd dib u dhiska ciidanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Qatar ayaa ka mid ah dadalka carbeed ee iskaashiga dhaw la leh Soomaaliya, waxaana haatan dalkaas tababar u jooga saraakiil ciidan oo xirfado sare dalkaas ku soo qaadanaya.

Kulanka golaha shacabka oo looga hadlay hindise sharciyeedyada hantidhowrka iyo hubka

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 10-aad ee Baarlamaanka 11-aad JFS oo ajandihiisu ahaa aqrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka hantidhowrka guud ee Qaranka, qaybinta hindise sharciyeedka sharciga hubka ee Soomaaliya iyo heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah bariga Afrika.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood ka yeeshay hindise sharciyeedka hantidhowrka guud ee Qaranka, iyadoo su’aalo laga weeydiiyay wasiirka wasaaradda maaliyada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iiman Cige, waxaana uu mid mid u dul istaagay dhammaan su’aalihii ay Xildhibaanadu weeydiiyeen.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Baarlamanka JFS mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa faray xoghaya guud ee golaha in uu sharciga ku wareejiyo guddiga ku shaqada leh.

 

 

 

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsiga dalalka soo koraya iyo sharciga caalamiga ah

0

Beijing- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan ” Waddamada soo koraya  iyo sharciga caalamiga ah”.

Munaasabadan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen Ururka Shuruucda Caalamiga ah ee Shiinaha, Akademiyada Sharciga Caalamiga ah ee Aasiya iyo Machadka Sharciga Caalamiga ah ee Jaamacadda Wuhan ayaa lagu xusay xafladda furitaanka kalfadhiga lixaad ee “Hay’adda Wada-tashiga Sharciga Caalamiga ah ee Shiinaha, Aasiya iyo Afrika ee Mashruuca Cilmi-isweydaarsiga Sharciga Caalamiga ah.”

Madasha daah-furka aqoon-isweydaarsigan ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, wakiilo ka socday hay’adda sharciga ee Aasiya iyo Afrika, khubarada sharciga caalamiga ah ee Shiinaha iyo dalal kale oo kala duwan.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray mowduucyo muhiim ah oo la xiriira sharciga iyo nidaamka caalamiga ah, iyadoo si gaar ah loogu lafa-guray saameynta dalalka soo koraya ay ku leeyihiin shuruucda caalamiga iyo horumarinta aragtida sharciga caalamiga ah ee Shiinaha.

Danjire Kullane, ayaa intii ay socotay munaasabadda waxa ay fikrado is weydaarsadeen ka soo qeyb galayaasha, iyagoo ka wada hadlay arrimaha sharciga, caqabadaha gobolka, iyo dhinacyada suurtagalka ah ee iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha. Tani waxay abuurtay fursado wadashaqayn iyo aqoon wadaag ah oo ka dhexeeya

Dhamaan ka soo qeybgalayaasha madashan muhiimka ah ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda kordheysa ee ku aadan sharciga caalamiga ah ee iyo wax ka qabashada caqabadaha caalamiga ah iyo kor u qaadista nidaamka si loo helo horumar waarta.

Xoolo nool oo lagu wareejiyay Ciidamada Xoogga ee ku sugan Ceeldheer.

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka ee Degmada Ceeldheer ayaa shalay la guddoonsiiyay  xoolo nool oo lagu dhiiragalinayo oo ka timid qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed.

Muno C/qaadir Hooleey oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed, islamarkaana ka soo jeeda Deegaanka Ceeldheer  ayaa xoolo lagu dhiirigelinayo ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Muno oo deegaan ahaan ka soo jeedaa degmooyinka Galcad, Ceeldheer iyo Xaradheere ayaa maanta 40 neef oo Ari  ah ku wareejisay Ciidanka xoogga dalka ee ku jira furimaha hore dagaalka ee magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa uga mahadceliyay Muuma Hooleey garab istaaga ay u muujisay Ciidamada u taagan difaaca dalka.

Muuna Hooleey waxay horey Xoolo nool ugu deeqday Ciidamada ku kala sugan Magaalooyinka Galcad iyo Masaqawaa oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha JFS oo Roma uga qeybgalayo shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga, iyagoo halkaas uu kaga qeyb-gali doona shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgali doono madasha geeska Afrika iyo Talyaaniga iyo sidoo kale shirka caalamiga ee la dagaallanka cunno yarida iyo macluusha oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay.

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay degaano dhowr ah oo gambaad u ahaa Khawaarijta

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgal ka sameeyay degaano dhowr ah oo gambaad u ahaa Khawaarijta kuwaas oo hoostaga dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud .
Degaanada howlgallada laga sameeyey ayaa kala ahaa Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo Cowsweyne waxeyna Bariga kaga began yihiin degmada Galcad.
Ciidanka oo kaashanayey shacabka ayaa burburiyey fariisimo ay khawaarijtu ku lahaayeen deegaanadaas iyaga oo sidoo kale wadooyinka ka soo saaray Miinooyin deegaanada howlgallada laga sameeyey.
Saraakiisha hogaamineeysay howlgalkan ayaa sheegay inay kawar heleen dhagarta Khawaarijta ay u soo maleegayaan shacabka taasoo keentay in howlgaladaan la laga fuliyo deegaanadaan hoos yimaada Galcad.