Taliyaha Ciidanka dhulka oo kormeer ku tagay Deegaano ay ka socdaan Howlgalo ka dhan ah Khawaarijta.

Date:

Saraakiil uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safarย  kormeer iyo dhiiri gelinย  ku tegay Saldhigyada Ciidamada Xoogga dalka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa lakulmay Ciidanka qaranka eek u sugan deegaanada kala ah Bariire, lambar 50, lambar 60, iyo deegaankaย  Buufoow-bacaad.

Socdaalka kormeerkaan ayaa waxaa taliyaha Lugta ku wehliyay taliyaha guutada 14 Oct ee Ciidankaย  Xogga dalka G/le dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur-farey) iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulleย ย  ayaa ciidankii uu la kulmay ku dhiiri galiyay sidii casharada adag ugu dhigeen khawaarijta nafla-caariga ah, sidoo kole taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay inay adkeeyaan Difaaca dalka iyo Dagaalka Khawaarijta.

Ciidanka qaranka ayaa maalmihii ugu danbeeyay Howlagalo sifeyn ah kawaday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose oo khaaarijtu kasoo maleegaysay Dhagar ay la doonayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dhagar-qabayaasha ayaa todobaadkaan wajahay howlgalo jab-xooggan lagu gaarsiiyay.

taliyaha Lugta

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...