Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 5-aad ku tartamay Degmooyinka Kaaraan iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Kaaraan iyo Laascaanood ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Kaaraan
Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex suโaal, halka ay iska qaldeen Afar suโaal, waxa ay ka faaโiideysteen Hal suโaal oo soo hareermartay dhigooda Laascaanood , sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.
Laascaanood
Tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeen Saddex suโaal, halka ay iska qaldeen Afar suโaal,, waxa ay ka faaโiideysteen Labo suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Laascaanood waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Hadaba kulankii 21-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro