Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa ku guuleysatay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ku tartamay Degmooyinka Laascaanood iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyoSool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Laascaanood iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Laascaanood
Tartameyaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afarsu’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xamarweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Laascaanood ay heleen waxay noqotay Sideedx (08) dhibcood.

Xamarweyne

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Laascaanood, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Sida sharciga tartanka uu qabo marka labo degmo ay wadartooda dhibcaha noqdaan isku mid, waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro oo loo helo hal degmo oo ku guuleysata tartanka

Su’aalihi dheeriga ahaa ee lagu daray oo lagu bilaabay tartamaayasha Xamarweyne ee Gobalka Banaadirwaa ay iska qaldeen su’aashii la weydiiyay balse Laascaanood iyana kama aysan faa’ideysan , Balse tartamayaasha degmada Laascaanood waxa ay ka jawaabeen su\aashii 8-aad ee dhankooda la weydiiyay, sidaas ayayna caawa ugu guuleysatay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka markii ugu horeysay oo ay ka qeybgaleen.

Hadaba kulankii 32-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo ahayd kulanka kama dambeysta ah ee tartanka caawa waxaa ku guuleysatay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sanadkan waxaa kaalinta 1-aad galay tartameyaasha degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana kaalinta 2-aad ku guuleysatay tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, halka kaalinta 3-aad ee sanadkan ay ku guuleysteen tartameyaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...