Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

Date:

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan Casho Sharaf ah oo lagu soo bandhiggayay dhaqanka dadka Soomaaliyeed isla markaana loogu dabaaldegayay munaasabadda Ciida,waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay ganacsiga heerka sare gaaray ee dadka Soomaalida ku leeyihiin dalka Kenya.

Xafladaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Madxafka Qaranka ee dalka Kenya,Munaasabadaan ayaa hordhac u ah badhig soconaya mudo dhowr maalmood ah.

Kumannaan kamida dadka ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa u daawasho tegay bandhiga dhaqanka Soomaalida. Bandhigaan ayaa lagu qabtay Madxafka Qaranka

Ma ahan oo kaliya in dhaqanka la soo bandhigayo, balse waxaa iyadana munaasabada lagu soo bandhigay firfircoonida iyo kobcinta ganacsiyada dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle , ayaa Xafladaas ka jeediyay khudbad meelo badan taabatay. Isaga oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in dadka Soomaaliyeed la isku soo dhaweeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...