Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si rasmi ah u soo xiray tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si rasmi ah u soo xiray tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa si rasmi ah u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 32 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka,, waxaana taaba-gelinta si wadajir ah isaga kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay, guddiga tartan cilmiyeedka, Agaasimaha Telefishinka Qaranka Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka SONNA Ismaaciil Mukhtaar Cumar Orange iyo xubno kale.

Sidoo kole Tartanka Waxaa caawa Tabinaayay Wariyaasha kala ah Mohammed Abdikadir Osman Silver iyo Yaxye Cali Faarax.

Mudane Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ah Guddoomiyaha guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoontooda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihiyeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, isla markaana uu xusay inay jireen Macalimiin Soomaaliyeed oo si qoto dheer ula socday hannaanka tartanka.

Qaar ka mid ah tartamaayashii kaalimaha koowaad iyo labaad ka galay tartanka oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ku siisay tartanka, ayna ku qanacsanyihiin natiijadii tartanku ku soo idlaatay, kuwaasi oo isugu hambalyeeyay guusha.

Guddoomiye Ku-xigeenka Bankiga IBS Cabdirisaaq Cali Warsame ayaa sheegay in u jeedka tartanka uu ahaa in aqoon ay kala kororsadaan iyo isbarasho dhamaan ka qeybgalayaasha tartanka.

“Waan u hambalyeynayaa dhamaan ka qeybgalayaasha tartanka, gaar ahaan kuwa kaalimaha hore ka galay tartanka, waxaana diyaar u nahay in sanadka xiga kan IBS ahaan aan wax badan ku soo kordhin doono tartanka”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaarinta tartanka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Bankiga IBS oo iska kaashaday taabagelinta tartanka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, waxaan u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxda iyo Howlwadeenada tartankka, halkaaas ayuu noogu xiranyahay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeybgaleen 32 degmo”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Mohammed Abdikadir Osman Silver
Mohammed Abdikadir Osman Silver
Maxamed Abuurkar Ma’da

Sawir qaade:-Muuse Cabdullaahi Cirro

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...