Home Blog Page 346

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasi oo wax weyn ka beddeli doona xaaladda iyo xuquuqda shaqo ee shaqaalaha dowladda iyo kuwa shirkadaha gaarka.

Waxaa sidoo kale Goluhu ansixiyay Golaha Maamulka Sare ee Hay’adda Istaatiistikada Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo ka kooban sideed xubnood.

Guddoomiye sheekh Aadan oo shir guddoomiyey kulanka 26-aad ee guddiga joogtada ah ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacabka.

Kulanka 26-aad ee Guddiga Joogtada oo ajandihiisu ahaa habraaca ansixinta wax ka bedelka dastuurka KMG iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiga ayaa dood dheer kadib waxey isku raaceen in la ajandeeyo habraaca, heshiiska horyaalo iyo hindise Sharciyeed-yada ay Xukuumadda usoo gudbisay Golaha Shacabka BJFS.

Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxtooyada Magaalada Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Madaxtooyada Magaalada Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Amb. Mukhtaar Muxammad Waare.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Qunsuliyada Itoobiya ee Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddo Laami ah oo marta suuqa deegaanka Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddo Laami ah oo laga hirgalinayo jidka mara suuqa deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir, waxaana goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir.

Dhismaha waddadan oo muhiim u ah isku socodka Suuqa deegankan ayaa ah mid ay wada sugayeen maamulka iyo bulshada reer Garasbaaleey maadaama isticmaalka waddadan lagu qabay dhibaato la xariirta burbur iyo dayac xumo balaaran.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay xoojiyaan iskutashiga lagu horumarinayo dib udhiska iyo bilicda Magaalada.

Hogaamiyihii afgambiga Niger oo diiday inuu dib talada u celiyo iyo Nigeria oo ka jartay awooda, ECOWAS

Hogaamiyihii  afgambiga Niger ayaa shaaca ka qaaday inuusan u hogaansami doonin cadaadiska uu ku doonayo inuu dib ugu soo celiyo madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum, isagoo dhaliilay cunaqabateynta ay soo rogeen hogaamiyayaasha galbeedka Afrika oo uu ku tilmaamay “sharci darro” iyo “mid bani’aadantinimo” wuxuuna ku booriyay muwaadiniinta dalkiisa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda.

General Abdourahamane Tchiani, oo laga soo saaray khudbad telefishinka laga sii daayay Arbacadii, ayaa ku soo beegantay iyadoo madaxda difaaca ee Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (ECOWAS) ay ku kulmeen dalka deriska la ah ee Nigeria si ay uga wada hadlaan dhibaatada Niger.

Wasaaradaha Qorshaynta iyo waxbarashada oo ka wada shaqaynaya horumarinta qorshaha waxbarasho ee dalka

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa kulan miro dhal ah la qaatay wasiirka wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo maanta booqasho ku tagay xarunta wasaaradda.

Kulanka labada wasiir ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii talooyinka wasaaradda waxbarashada loogu biirin lahaa qorshaha horumarinta Qaranka (NDP),  gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinaca waxbarashada, waxaana labada mas’uul hoosta ka wada xariiqeen sidii loo mideyn lahaa dadaallada, iyadoo loo marayo hannaanka cusub ee deeqaha (Aid Architecture).

Wasiirka difaaca XFS iyo ku xigeenkiisa oo maanta hor tagay guddiga difaaca Qaranka ee Aqalka sare BFS

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee BJFS oo gudanaya waajibaadka ka saaran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta u yeeray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS , Cabdulqaadir  Maxamed Nuur iyo Cabdifitaax Qaasim, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda difaaca si ay su’aalo uga weydiiyaan howlaha Wasaaradda.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga wax laga waydiiyay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda, halka ay marayaan howlgallada Dalka looga xoreynayo argagixisada, guulaha laga gaaray wejigii koowaad, qalabka iyo tababarrada Ciimadamada, weerarkii kulliyadda Jaalle Siyaad iyo su’aalo kale, taas oo Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenku ay si faahfaahsan xubnaha Guddiga ugu war bixiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare Senator, Aadam Cabdinaasir oo kulanka shir guddoominayay ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda uga mahad celiyay sida hufan ee ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda iyo su’aalihii kalaba.

 

Aqalka sare ee BFS oo ansixiyay guddiyada joogtada ah ee golaha

Mudanayaasha golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay guddiyada joogtada ah ee golaha oo isku shaan-dheyn lagu sameeyay.

Kal fadhiga labaad, kulankiisa saddexaad Aqalka sare ee BFJS ayaa waxaa guddoominayay , guddoomiyaha golaha Aqalka sare Sen; Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyadoo ay goob joog ahaayeen labadiisa ku xigeen.

Dood dheer ka dib, waxaa isku shaandhaynta guddiyada joogtada ah ee golaha Aqalka sare ku dhowaaqay xoghayha guud ee golaha Aqalka sare BFS, Cabdinaasir Ibraahim.

Guddiga xeer hoosaadka anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka Sanatarrada

1-Sen; Cabdi wali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) guddoomiye

2-Saen; Duniyo Maxamed Cali  -Guddoomiye ku xigeen

3-Sen; Bilaal Idiris Cabdullaahi –Xog haye

4-Maxamed Cali Yuusuf  (Gaagaab) Xubin

5-Xasan Ibraahim Yaroow- Xubin

6-Iftiin Xasan Iimaan-Xubin

Gudiga garsoorka, arrimaha diinta awqaafta, xuquuqul insaanka haweenka iyo carruurta

1-Sen; Naciima Xasan Xaaji Maxamuud–Guddoomiye

2-Sen; Leyla Nuur Maax- Guddoomiye ku xigeen

3-Sen; Cali Maxamuud Gacal –Xog haye

4-Sen; Cabdi Ismaaciil Samatar-xubin

5-Sen; Farxaan Cali Maxamuud -xubin

 

Ciidanka Kenya oo dilay 60 ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab

Ciidamada Kenya ayaa deegaanka u dhaxeeya Lamu iyo Tana  River ku dilay In ka badan 60 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal lagu magacaabo Kithure Kindiki.

Howlgalkaan oo dhacay maalinimadii shalay ayaa yimid,kadib markii kooxaha argagixisada ay weerareen afar bas oo ay saarnaayeen in ka badan 200 oo rakaab ah.

Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen rasaastaasi, toban qof oo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo ,kadib markii ciidamada Kenya ay ku baxeen shilkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Kenya ayaa sheegtay in ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo ka socda kaynta Boni,kadib markii  kooxahaasi lagu jabiyay  dagaalka,isla markaa ay ku carareen dhulka howdka ah

Wasiirka Warfaafinta oo ka war bixiyay waxqabadka dowladda ee todobaadkii tagay

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka warbixiyey waxqabadka dowladda ee todobaadkii tagay iyo guulaha laga gaaray la dagaallanka kooxaha khawarijta .

Wasiirka ayaa ugu horreyn sheegay in goobo hor leh laga xoreeyay cadowga, casharro lama illaawaan ahna lagu siiyay degaanno ay shacabka ku dhibaatayn jireen, iyadoo la burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen khawaarijta.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in cadowga laga dilay 100 malleeshiyo ah inta u dhaxaysa Shabeellada dhexe iyo Galgaduud, halka degaanka Goof-guduud buureey ee ka tirsan gobolka Baay argagixisada looga dilay 60 dhagar qabe, iyadoo ay jiraan goobo kale oo khawaarijta lagu laayay hub iyo saanad bandanna looga furtay.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ayaa ugu dambayn u mahad celiyay geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo shacabka oo iska kaashanayay howlgalladaasi.