Shirka maalgashiga qurbejoogta oo Muqdisho ka furmay

Date:

Shirka Isku-imaatinka Maalgashiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa ka furmay maanta magaalada Muqdisho,shirkan ayaa waxa looga hadlayaa doorka qurbejoogta Soomaaliyeed ee maalgashiga dalka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda waaxda Jaaliyaddaha Qurbejoogta ayaa waxa ka qayb galay Madax ka kala socotay Haya’addaha Dowladda,Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo shirka furay ayaa sheegay in qurbejoogtu kaalin xooggan ka geysteen maalgashiga Dalka,koboca nolosha Bshada iyo difaaca dalkaba ay kaali weyn ka geysteen.

Wasiirka ayaa xusay in qurbejoogtu safiiro iyo muraayad u yihiin dadka Soomaaliyeed dalalka ay joogaana ka sameeyeen horumar muuqda korna u qaadeen sumcada Dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladdu ahmiyax weyn siinayso qurbejooga dalka dib ugu soo laabanaya ee maalgashanaya dalka iyadoo la fulinayo Siyaasadda xukuummadda dan-qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...