Home Blog Page 347

Dalal badan oo soo dhoweeyay go’aanka Qaramada Midoobay ee dib u eegista xubinnimada Falastiin

0

Dalalka Masar, Sacuudiga , Ciraaq,Turkiye iyo kooxda Xamas ayaa soo dhoweeyay qaraar uu soo saaray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaasoo ku baaqayay in dib loo qiimeeyo xubinnimada Falastiin ee dhinaca Qaramada Midoobay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalaka Masar,Sacuudi Carabiya iyo Ciraaq ayaa sheegay in qaraarku si cad u muujinayo xaqa sharciga ah ee dadka Falastiiniyiinta iyo in ay dhistaan dowlad madax-bannaan oo ku saleysan xalka laba waddan.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraar ku baaqaya in dib loo qiimeeyo dalabka Falastiin ee xubinnimada Qaramada Midoobay iyo bixinta xuquuqo dheeraad ah.

Qaraarkan oo ay garwadeen ka ahayd Imaaraatka Carabta (oo wakiil ka ah Kooxda Carabta) ayaa lagu meel mariyay is-afgarad weyn, iyadoo 143 dal oo xubnaha ka ah ay u codeeyeen.

Falastiin ayaa sanadkii 2011 ka codsatay in ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay balse ma aysan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee Golaha Ammaanka waxaana diidmada qayaxan ku horistaagay Mareykanka,inkastoo sannadkii 2012-kii Falastiiniyiintu ay heleen kursi ah in ay goobjooge ka noqdaan Qaramada Midoobay.

Xamaas ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ahaa in dib loo eego dalabka xubinnimada Falastiin.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha caafimaadka ayaa booqday aqalka looga arimiyo Magalaada Ohio ee dalka Mareykanka

0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha caafimaadka Xildhibaan Dr. Cabdirashid Maxamed Nur (Jilley) ayaa booqday aqalka looga arimiyo Magalaada Ohio ee dalka Mareykanka, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Xildhibaan Ismaaciil Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka hoose ee Magaalada Ohio, Columbus.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashid Jilley ayaa kulamo balaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Columbus Ohio, waxayna booqashadaas kamid eheyd safaro gaar ah oo ergayga uu ku gaaray dalka Mareykanka.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay dhammeystir dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo ciribtirka Khawaarijta

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer kaga hadlay dhaMmeystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka iyo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka ay ka balan qaadeen Dowladnimo oo ay ugu horeyso in qofka Soomaaliga ah cabsi la’aan uu seexdo  si halkaas loo gaarayana u baahan tahay in qiimo la bixiyo waana la bixinayaa oo wiilal Soomaaliyeed oo geesiyaal ah ayaa dhiiggooda u daadanaya si hooyo iyo Aabe Soomaaliyeed ay nabad ugu seexdaan.
” In aan mararka qaarkood codkeyna ka baqeylno ama aan codkeyna uga hortagno wiilkaas Soomaaliyeed sababta uu u bixinayo dhiiggiisa cagsigeeda aan uga shaqeyno ama maamul haddii ay tahay maamulka qaloocinaa, dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan markale iyo markale waxaan ugu celinayaa nabadda yaan laga cabsanin, Dowladnimada dhismeysa yaan laga baqin, Khawaarij sii dumeysa yaan laga baqin, aan isku duubnaano iskana dulqaadno argagixisada,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynaha JFS ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay doorasho qof iyo cod ah ka dhaceyso, islamarkaana uu ka dhabeynayo balan qaadkiisii ahaa in ciddda qaabeyneyso mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed uusan ku imaan xoog, balse taas beddelkeeda shacabka iyagu ay soo doortaan.
” Waxaan balan qaadnay dalkan iyo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kor oo meesha ugu sareyso oo madaxweynaha jamhuuriyadda ah ilaa meesha ugu hooseyso oo Dowladda hoose oo degmo hebel ah dadka inaanu u talinin, taladoodana ka talinin qof aanu iyagu dooranin oo taladu aan u dhiibanin, noo haay talada adiga aanu dhihina, iska yimid ama koox yar ay keensatay ama xoog ama sida lagu balamin ku yimid, intuu iska yimaado uu dalku iska xukumin, sidaasi daraateed doorasho qof iyo cod ah ayaa balan qaadnay, doorashadaas qof iyo codka ah Ilaahey idimkiisa waa ay dhaceysaa, fursad kale malahan, dadkeennu waa in ay doorataan cidda mataleysa, cidda go’aanka u gaareysa, cidda mustaqbalkooda qaabeyneysa, cidda tantooda ka shaqeyneysa waa in ay iyagu doortaan,”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri’ Dastuurka wali dooddiisu waa socotaa inta la soo dhaafay qof kasta oo dood qaba waa furan tahay, waa soo bandhigi karaa waan soo dhoweyneynaa, balse hal mid ma furna dastuurka hala joojiyo hala hakiyo taas waddo furan ma ahan waa xiran tahay,”.
Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Dowlad sharciga ku xooggan, hay’adaheedu xooggan yihiin si loola jaan qaado adduunyada carsiga ah ee dhijitaalku uu hagato.

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xadgudub ka dowladda Itoobiya ay ku hayso madaxbanaanida

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Salaadda Jimcaha uga hadlay xadgudub ka dowladda Itoobiya ay ku hayso madaxbanaanida, gobnimada,midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in wali ay rejo ka qabaan in horumar laga gaari doono qadiyada ku saabsan xadgudubka Itoobiya.

“Waxaan rabaa in ay dadka Soomaaliyeed iyo dadka Itoobiya ay ogaadan arrintaan wax ay salka ku hayso,dadka hoggaamiyaasha ah mararka qaar haddii ay tubtu ka wareerto dhibaatooyin badan ayaa ummadaha soo qaabila,sidaan horay u sheegnay Soomaaliya iyo Itoobiya waa laba dal oo daris ah, waddo aan ahayn in xiriir iyo cilaaqad wanaagsan ay yeeshaan fursad aan ahayn uma furnaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku daray “Mararka qaarkood madaxda soo marta ayaad mooda damacooda iyagoo aad uga fiirsaniin ummaddaan iyo tariikhadoodii hore ay soo mareen ayeey ka faa’iidaystaan,qaladna waxaa ugu daran midka inta gasho ee aad aragto in u dhibaato lee yahay ee aad gacmaha uga gubto oo aad ku noqnoqto,waxaana wanaagsan in aad cashir ka barato.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta ugu rajo roontahay oo ay cagaheed in ay isku taagto rabto,isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxaa jira dad badan oodunida  jooga oo anagga dhexdeen Soomaalida ku jira, oo dagaalku u sahlan yahay kana baqin oo ku dhiiran laakiin nabadda ka cabsada oo aaminsan in awoodiisa ay wiiqmayso, ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Xukummadiisa ayaa mar kale waxay istuseyeen in Soomaaliya ay soo kabaneyso oo ay soo socoto marka inta aaney soo gaarin meesha ay ku habooneyd halaga faa’iidaysto oo tariikhdii fogeyd oo ay waligeed bad ku raadin jirtay Itoobiya aan uga faa’iidaysano, sidaas ayaana keentay isku dayga maanta jiraa in u yimaado, waxay doonayaan siday aaminsan yihiin in taariikh qarniyo hore qaldantay ay soo saxaan  balse sida ay wax ku doonayaan waxba kuma sixi karaan”.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay arrimaha dhameystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka dalka iyo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta, arramaha doorshada dalka.

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo labo dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay ka fuli rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa helay xogta labada dhagarqabe, kadibna waxaa lagu sameeyey dabagal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii, waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah dhagarqabayaashii, iyadoo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah.

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, isla markaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya, iyo arrimaha Puntland, sida Dimuqraadiyadda Puntland, dardargelin mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

0

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland, iyadoo munaasabadda soo dhaweynta wasiirka ay soo qaban qaabiyeen labeenta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Soomaaliya Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay dalkeenna, taas oo xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Dhinaceeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar bille ah oo ku saabsan isku-dubaridka fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta magaalada Muqdisho uga furay inta badan howl-wadeennada gobollada dalka uga soo warama warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha ayaa ujeedka tababarkan ku sheegay isku-dubaridKa wararka, fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta,faallooyinka sameynta muuqaalada iyo ilaalinta bedqabka wariyaha ka soo waramaya goobaha fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

” Tababarkan oo ah tababar bil kasta la qabto oo loo qabtay wariyaasha kala duwan ee warbaahinta qaranka iyo muuqaal duubayaasha ( Camero-man), ujeeddaduna tahay sidii la isugu dubaridi lahaa arrimaha fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta haddii ay ahaan lahayd wararka, faallooyinka, sameynta muuqaalada iyo ilaalinta bedqabka wariyaha ka soo waramayo goobaha ay joogaan Khawaarijta oo marar badan oo kala duwan la qabtay siina socon doona,”.

Sidoo kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa soo dhoweeyay suxufiyiinta warbaahinta qaranka uga soo waramaya gobollada dalka ee qeybta ka ah tababarkan, isagoo dhanka kale, tilmaamay in tababarkan muhiim u yahay ururka haweenka oo door weyn ku leh ah dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee ka socda dalka.

” Waxaan aad u soo dhoweyneynaa suxufiyiinta laga keenay gobollada, kuwaas oo ka soo warama gobollada iyo goobaha laga xoreeyay Khawaarijta iyo kuwa laga xoreyn doona intaba, tababarkani wuxuu muhiim u yahay warbaahinta qaranka gaar ahaan wariyaasha muuqaal duubayaasha iyo kuwa la shaqeeyaba, sidoo kale, wuxuu muhiim u yahay ururka haweenka oo iyaguna qeyb ka ah dagaallanka Khawaarijta, waxayna leeyihiin barnaamij la yiraahdo ” Gurigaada ka saar Garan-waaga,”,  ayuu yiri Agaasime Ducaale.

Tababarkan oo ay soo qagaasintay waaxda tababarka iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta XFS, ayaa socon doona  muddo shan cisho ah, wuxuuna agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale, kula dardaarmay wariyaasha warbaahinta qaranka ka socda ee ka kala yimid gobollada dalka in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan, wixii ay ka bartaanna ku celiyaan hay’adaha iyo goobaha ay ka kala yimaadeen, haba ugu badnaadaan wariyaasha gobollada ka yimid oo 14-warye gaaraa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Caasimadda Gambia ee Banjul, halkaas uu kaga qeyb-galayo Shir Madaxeedka dalalka Islaamka.

Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac oo Wakiil ka ah Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamud uu ka qeyb-galayo Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya Banjul.

Shir-madaxeedkan oo goor-dhow furmaya ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka si gaar ah arrinta Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxa ay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada nacaybka, islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka iyo sidoo kale arrimaha isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada.