DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA

Date:

Qareen Mohamed Hassan Nur ayaa waxa uu ka qoray DHAMAYSTIRKA DASTUURKA WAA FURAHA XASILOONIDA DOWLADNIMADA, qoraalkaasi o fheeraa ayaan wax aka soo qaadanay qaar ka mid ah:-  Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hanaanka Sareenta Sharciga, ka sokoow Shareecada Islaamka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Soomaaliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuquuqo ay ka mid yihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaqaale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci, iyada oo aan bulashada la kala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darteed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soomaaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?, si jawaabta ku haboon loogu helo waxaa qormadaan si kooban ugu soo qaadan doonaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:-

  1. SOOYAALKA DASAATIIRTA IYO AXDIYADA SOOMAALIYA

Dastuurkii 1960:- sanadkii 1957 waxaa si rasmi ah u soo bilaawday diyaarinta Dastuurkii ugu horeeyay oo ay Somaliya yeelato, Maadaama heshiiskii loogu igmaday 27 Desember 1950 in Dowaladda Talyaaniga ay maamusho gobolada koofureed dowladda ingiriiskana ismaamusho gobolada waqooyi uu timaamayay mabaadii’da dastuur lagu qeexayo xuquuqda dadka dhulka Soomaaliyeed, iyadoo heshiiskaasi la waafaqayo waxaa Degreeto Lr.140 ee 6 September 1957-kii lagu magacaabay labo guddi oo kala ah Guddi siyaasadeed iyo Guddi farsamo oo soo diyaariya Dastuurka Soomaaliya. 1958-kii Gudigii farsamada ayaa soo gudbiyay Dastuur qabyo qoraal ah oo ka kooban 141 Qodob iyo faalo 316 bog ah.

Sandkii 1960-kii ayaa xeer lr 6 ee 8 janayo 1960-kii awood loogu siiyay Golihii Sharci dejinta in ay la wareegaan howsha sameeynta Dastuurka, kulankoodii ugu horreeyay ee 17ka maarso 1960-kii waxa ay ku magacaabeen gudi siyaasadeed soo darso qabyo qoraalka Dastuurka. Gudiga waxa  bilaabay 29 marso 1960 waxa uu gudigaasi yeeshay 42 (afartan iyo laba) fadhi, waxa uuna howshiisa soo dhameeyay 9kii maajo 1960, waxa ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen Qabyo Qaraal dastuur oo ka kooban 104 qodob, Baarlamaankana waxa uu ansixiyay 21 juun 1960. Waxaa Dastuurka Afti dadweyne oo ay HAA ugu codeeyeen 90% dadka codeeyay lagu meel mariyay 20ka juun 1961.

Dastuurka 1990:- Dhamaadkii 1989 iyada oo lagu guda jiro wax a ka badedlka dastuurka markii ay soo baxeen duruufo gaar ah waxaa la go’aamiyay in golaha shacabka xilka sii haayo, soona diyaarsho Dastuurka lagu bedelayo dastuurkii 1979kii maadaama dastuurkaasi uu ogolaanayay in dalka ka jiro hal xisbi oo kaliya si nidaamkana loogu celiyo nidaam dowladeed rayid ah.

Gudigaasi oo doodahooda qaar si toos ah looga tabinayay Raadiyaha Dowladda, waxa ay soo gudbiyeen qabyo qoraal dastuur ka kooban 119 Qodob, iyada oo markii hore qodob qodob baarlamaanka loo horkeenay, waxa baarlamaanka si guud u anisixyay 14 october 1990, waxaa lagu soo saaray faafinta rasmiga ee dalka ha yeeshee inta aanan afti dadweeyne la gelin waxaa dalka la wareegay Jabhadihii.

Axdiga 2000:- 26-dii Juun 2000 Ergadii Shirkii Carta waxa ay ansixiyeen Axdiga KMG ee Dowladdii KMG ah ee (TNG) oo ka koobanaa 38 Qodob. Axdigan wuxuu dhisay nidaam Dowlad KMG dimuquraadi ah isla markaana leh ismaamul goboleed.

Axdigii 2004:- Shir dib u heshiisiin ah oo ka bilowday dabayaaqadii 2002 dalka Kenya. Geeddi Socodkaas waxaa lagu gaaray ansixintii Axdiga Federaalka ah iyo Dawladda

Federaalka KMG ah ee (TFG). Axdiga KMG ah waxa uu ka koobnaa 71 Qodob waxa uuna dhisayay nidaam dowladeed federal ah, wuxuu farayey sameynta Guddi 15 xubnood ah oo ay howshiisu noqoneyso in uu dastuur federaal ah ku qoro labo sano iyo bar.

Axdiga 2000:- 26-dii Juun 2000 Ergadii Shirkii Carta waxa ay ansixiyeen Axdiga KMG ee Dowladdii KMG ah ee (TNG) oo ka koobanaa 38 Qodob. Axdigan wuxuu dhisay nidaam Dowlad KMG dimuquraadi ah isla markaana leh ismaamul goboleed.

Axdigii 2004:- Shir dib u heshiisiin ah oo ka bilowday dabayaaqadii 2002 dalka Kenya. Geeddi Socodkaas waxaa lagu gaaray ansixintii Axdiga Federaalka ah iyo Dawladda

Federaalka KMG ah ee (TFG). Axdiga KMG ah waxa uu ka koobnaa 71 Qodob waxa uuna dhisayay nidaam dowladeed federal ah, wuxuu farayey sameynta Guddi 15 xubnood ah oo ay howshiisu noqoneyso in uu dastuur federaal ah ku qoro labo sano iyo bar.

wax ka beddelka Dastuurka:-

  1. Ka doodista wax ka bedelka iyo ansixinta Dastuurka waxaa awood sharci u leh Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya.
  2. Gudiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo gudanaya waajibaadka qaanuuni ee ku xusan Qodobka 133 iyo 134 ee Dastuurka KMG, isla markaana kaashanayo Gudiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa warbixinta dib u eegista Dastuurka oo ay ku lifaaqantahay soo jeedimaha wax ka bedelka Dastuurka isla markaana diiradda lagu saarayo ujeedooyinka iyo hadafka la hiigsanayo iyadoo ay sugantahay waafaqsanaanta Dastuurka soo jeedimaha wax ka bedelka, u gudbiyo gudoonka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka.

III. Gudiga oo ku shaqeeynaya Dastuurka iyo qaraarada xeerinaya habraaca loo marayo dib u eegista dastuurka ayaa baarlamaanka la wadaago kala saaris ku saabsan qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay si ay u cadaadaan qodobada farsamo iyo qodobada u baahnaa wada xaajoodka siyaasadeed.

  1. Xubnaha Baarlamaanka marka loo qeebiyo nuqulka soo jeedimaha wax ka bedelka oo hab qaanuuni ah loogu soo dhafay araktida xildhibaanada lana socoto faalooyin qodobada u baahan heshiis siyaasadeed waxa ay dood ka yeelan doonaan cutub kasta oo wax ka bedel lagu sameeyay ama qodobada u baahan in si gaara loo dul istaago.
  2. Baarlamaanka Federaalka waxaa uu aqbalayaa wax ka beddelka la soo jeediyay kaliya intii lagu ansixiyay cod kama danbaysa codkaas oo ay u qaadeen ugu yaraan sadex meelood laba meelood xubnaha ku jira aqalka Baarlamaanka Federaalka, balse waxaa muhiim ah nooca codaynta sida ay noqoneeyso qarsoodi ama gacan tag, Cutub, Qodob ama Qodobo in la cadeeyo, maadaama Dastuurka uu yahay sharciga ugu sareeyo dalka, waxa ay dadka qaar aaminsanyihiin in codaynta aysan noqon qarsoodi si xildhibaanka uu si toos ah ugu xaqiijiyo aragtidiisa dadka iyo deegaanada uu matalayo.
  3. Nuqulka Dastuurka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa loo dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Qodobaka 85 ee Dastuurka, waxaana lagu soo saari doonaa Faafinta Rasmiga ah si uu u yeesho dhaqan gal ku meel gaar ah.

VII. Si dastuurka uu u helo dhaqan gal joogto ah waa in uu helaa afti ay ka qayb galayaan codbixiya-yaasha muwaadiniinta oo idil, si siman oo waafaqsan hanaanka codenytana u dhiibtaan codayn madax-banaan oo ay codbixiya-yaasha ku ogolaadaan Dastuurka isla markaana aftidaasi ay ansixiso Maxkamadda Dastuuriga.

Haddaba Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maalintii shalay khudbada Jimcaha kadib ayaa ma kale ka hadlay Dasuurka iyo dhameystirkiisa waxa uuna yiri’ Dastuurka wali dooddiisu waa socotaa inta la soo dhaafay qof kasta oo dood qaba waa furan tahay, waa soo bandhigi karaa waan soo dhoweyneynaa, balse hal mid ma furna dastuurka hala joojiyo hala hakiyo taas waddo furan ma ahan waa xiran tahay,”.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Dowlad sharciga ku xooggan, hay’adaheedu xooggan yihiin si loola jaan qaado adduunyada carsiga ah ee dhijitaalku uu hagato.

Sidoo kale, Madaxweynaha JFS ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay doorasho qof iyo cod ah ka dhaceyso, islamarkaana uu ka dhabeynayo balan qaadkiisii ahaa in ciddda qaabeyneyso mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed uusan ku imaan xoog, balse taas beddelkeeda shacabka iyagu ay soo doortaan.

” Waxaan balan qaadnay dalkan iyo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kor oo meesha ugu sarreysa oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda ah ilaa meesha ugu hooseyso oo Dowladda hoose oo degmo hebel ah dadka inaanu u talinin, taladoodana ka talinin qof aanu iyagu dooranin oo taladu aan u dhiibanin, noo haay talada adiga aanu dhihina, iska yimid ama koox yar ay keensatay ama xoog ama sida lagu balamin ku yimid, intuu iska yimaado uu dalku iska xukumin, sidaasi daraateed doorasho qof iyo cod ah ayaa balan qaadnay, doorashadaasi qof iyo codka ah Ilaahey idinkiisa waa ay dhaceysaa, fursad kale malahan, dadkeennu waa in ay doorataan cidda mataleysa, cidda go’aanka u gaareysa, cidda mustaqbalkooda qaabeyneysa, cidda tantooda ka shaqeyneysa waa in ay iyagu doortaan,” ayuu sii sheegay Madaxweyne Xasan Shiikh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuno kala duwan ka soo saartay Saraakiil ku Eedaysanaa Musuq maasuq

Maxakmadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada Xukunka...

Wasiirka arrimaha Guddaha oo Shir guddoomiyey kulanka Gudidda Qaban qaabada Maalmaha Xoriyadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane...

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqi doonto go’aanka dacwad loo heysto masuuliyiin

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Sabti ah mudeysay...

Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Biyaha XFS ayaa ka qayb galay madashii 10 ee biyaha oo lagu qabtay Indonesia

-Wasiiru Dolwaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Maxamed...