Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Date:

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho ku tagay qaar ka mid ah goobaha barakeysan ee Magaalada Madiina Al munawara.

Goobaha ay Xujeydu booqdeen waxaa ka mid ah Masjidka Nabiga CSW, Masjidu Qubaa, Buurta Uxud iyo Qabuuraha Shuhadada ee Uxud, waxaana ufududeeyey Mas’uuliyiinta Wasaaradda Awqaafta JFS u qaabilsan Arrimaha Xajka.

Qeybtii ugu horreysay ee Xujeyda ayaa ku sugan magaalada Madiina iyadoo maalmaha soo socda ay gaari doonaan qeybaha kale ee wali ku sugan dalka kuwaas oo diyaar garow ugu jira sidii ay u bixi lahaayeen.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS mudane Mukhtaar Roobow oo Arbacadii Muqdisho ka sagootiyay xujeydii ugu horeysay ayaa kula dardaarmay inay ilaaliyaan nidaamka iyo asluubta xajka, islamarkaana wasaaraddu ay ka shaqaynayso sidii camalka wanaagsan ee ay gudanayaan loogu fududeyn lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...