Home Blog Page 337

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay dalkaTurkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa xalay gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga ,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya Madasha Diblomaasiyadda Antalya ,wuxuuna mudada uu joogo halkaasi uu  kulamo muhiim la yeelan doonaa hoggaanka dalka Turkiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay uga qeybgalay meertada 6-aad ee shirka Qaramada Midoobay oo ka dhacay Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya,,kaas oo looga hadlay isbaddalka cimilada adduunka.

Caalamka oo cambaareeyay xasuuqa Israel ay ku heyso dadka gargaar doonka ah

Wasaaradaha arrimaha dibadda, kooxaha gargaarka iyo ururada xuquuqda ayaa cambaareeyay xasuuqa foosha xun ee Israa’iil ay ku dishay in ka badan 100 qof oo sugayay inay helaan gargaar cunto oo degdeg ah waqooyiga Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in afar carruur ah oo kale ay gaajo iyo fuuq-bax ugu dhinteen waqooyiga dhulka Falastiin.

Weerar toogasho ah oo lagu qaaday Daanta Galbeed ee Ceel ayaa waxa ku dhintay laba Israa’iiliiyiin ah, taas oo dhalisay cabsi laga qabo rabshado kale oo ka dhan ah bulshooyinka Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa taleefoon kula xiriiray Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo kan Masar Abdel Fattah el-Sisi, iyadoo Washington ay sheegtay in ay riixeyso xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Gaza.

Ugu yaraan 30,035 qof ayaa la dilay 70,457 oo kalana waxaa  lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Hay’adda qaxootiga iyo Wasaaradda Kaluumaysiga XFS oo iska kaashanaya Horumarinta Xirfadaha Bulshooyinka Barakacay ee Kaluumaysatada ah.

 

Hay’adda qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka oo kaashanaysa Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah XFS ayaa daahfurtay Barnaamij lagu Xoojinaayo xirfadda Bulshooyinka Barakacay gaar ahaan Kaluumaysatada.

Daahfurka Barnaamijkaan waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka, agaasimaha guud ee Wasaaradda Kuluumaysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah iyo Masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Hay’adda qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo daahfurtay Kulanka ayaa sharaxday qorshaha lagu hormarinaayo xirfadaha Bulshooyinka Barakacay gaar ahaan Kaluumaysatada, si qor loogu qaado Shaqo abuurka Dadka gudaha dalka ku barakacay iyo kuwa dalka dib ugu soo laabtay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumaysiga iyo dhaqaalaha Buluuga ah XFS oo sharaxay qorshaha lagu hormarinaayo Kaluumaysata Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshooyinka Barakacay ee Kaluumaysatada ah. si loo helo wax soo saar tayaysan oo Dunida loo iib geeyo ayaa sheegay in Wasaaradda Kaluumaysiga ay ka go’an tahay horumarinta Xirfadlayda Soomaaliyeed si loo yareero shaqo yarida dalka ka jirta.

Dadkaan oo isugu jiray Shacabka gudaha dalka ku barakacay, Qaxooti ajaaniib ah iyo kuwo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka kooban kaluumaysato aan lahayn agab dhamays tiran oo ay ku kuluumaystaan iyo kuwa u baahan in laga caawiyo Barashada Xirfadda Kaluumaysiga ayaa Soo dhaweeyay qorshahaan looga lagu hormarinaayo inay Muruqooda Maalaan.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad oo maanta bilaabay ka doodista cutubta 2-aad ee dastuurka KMG ah

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wehliyo guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka 17-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista soo jeedinnada wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, Cutubka 2-aad Xuquuqda asaasiga ah iyo waajibaadka Muwaadinka.

Ugu horrayn, Guddoonka Guddiyada u xilsaaran dib u eegista Dastuurka ayaa Xildhibaannada iyo Senatorrada Labada Aqal BJFS la wadaagay warbixin soo koobaysa sagaalkii qodob ee cutubka koowaad ee Dastuurka KMG ah ee ka doodistoodu ay soo gaba gabowday, isla markaana soo bandhigay warbixin uruursan oo soo koobaysa nuxurka aragtiyadii Sanatarradii iyo Xildhibaanadii fikirkoda dhibtay.

Intaas ka dib Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka oo ay ugu horreeyaan arrimaha diinta, Xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Soomaaliyeed sida xorriyad hadalka iyo Sinnaanta oo ay si daah furan uga aragti dhiibteen.

Dhinaca kale, Xildhibaannada labada  Aqal ayaa go’aan Baarlamaan oo wadajir ah ku meel mariyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu taageero murashaxnimadeeda tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) loogana jaro Xildhibaan kasta shan boqol oo dolar.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland ayaa daahfuray shirweynaha sanadlaha ah ee guddiga sare ee Machadka tababarka Garsoorka dalka.

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka martida ee magaalada Kismaayo ka daahfuray shirweynaha sanadlaha ah ee guddiga sare ee Machadka tababarka Garsoorka dalka.

Shirkaas waxaa ka qeybgalay dhammaan hay’adaha garsoorka dalka ee heer federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Soomaaliya oo ay ku soo qul-qulayaan dalxiisayaal AjaanIib ah

0

Iyadoo uu soo hagaagayo amniga guud ee dalka, waxaa dalkeenna waxaa soo gaaray dalxiisayaal ajaaniib ah, madax ka socota dalalku aynu saaxiibada nahay, howlwadeeno hay’adaha caalamiga ah, qurbooj iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo wax badan ka maqnaa dalka.

Dalxiisayaal u dhashay dalalka Austria iyo Jarmalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo Tiyaatarka Qaranka ( National Theater) ku daawaday heeso waddani ah, ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka ah iyo music toos ah ( Live).

Dr. Heemo oo u dhashay dalka Austri ayaa ka warbixiyay isbeddelka uu arkay 2013-kii oo uu mar yimid iyo maanta oo la joogo 2024, wuxuuna sheegay inuu jiro isbeddel weyn oo dhanka ah amniga iyo horumar la taaban karo.

” Markii ugu horeysay oo aan Soomaaliya nimid waxay ahayd bishiin 20213, markaas oo aan Xamar nimid, Xamar sidan ma ahayn waxyaabo badan ayay ugu duwaneyd xilligaas, waxaan aragnay waxyaabo badan oo bur bur ah, iskuulada oo bur bursanaa aragnay, laakiin hadda waxyaabahaas oo dhan maan arag,” ayuu yiri Mr. Heemo.

Dalxiisahan u dhashay dalka Austria Dr. Heemo, ayaa sidoo kale, ka hadlay waxyaabaha aad u soo jiidday muddadii ay dalxiiska ku jireen oo ay meelo badan oo dalka ka mid ah ay soo mareen.

” Isbeddelka weyn ee aan aragnay waxaa ka mid ah labo shey, ”midka ugu horeeyo waa dadka oo hadda u heelan una fur furan in ay dadka ajaaniibta ah la sheekeystaan soona dhoweeyaan, midda kale, oo ugu muhiimsan waxaa waaye xagga amniga, xagga amniga waxaa dareemeynaa inuu aad u soo hagaagay gaar ahaan markii aan u imaaneynay iyo hadda waxaan amni iyo bad-qab weyn dareemeynaa hadda,”’.

Dalxiisayaashan oo u kala dhashay dalalka Jarmalka iyo Austria, ayaa soo maray deegaannada Jubbaland iyo Shabeellaha dhexe, Eyl, Boosaaso iyo magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen isbeddel weyn oo dhanka kasta ah.

Ra”iisul wasaare XFS oo shirguddoomiyey shir looga hadlayo dhibaatooyinka isbeddelka Cimilada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir muhiim ah oo looga hadlayey qorshaha Qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalkeenna ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira saameynta kala duwan ee isbeddelka cimilladu ay ku yeelatay dalkeenna iyo heerka uu marayo qorshaha dalka ee la qabsiga isbeddelka cimillada.

Waxaa si gaar ah looga hadlay qorshaha qaran ee dhimista dikhowga hawada, taasi oo hoos loogu dhigayo walxaha hawada wasakheeya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adkeysiga khataraha ka dhasha isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in isbeddelka cimilladu uu saameyn toos ah ku yeeshay Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddello ballaaran laga dareemayey, waxaana uu faray hey’adaha dowladda inay qorshooyin cadcad ka soo gudbiyaan meelaha ugu daran ee u baahan maalgelinta isbeddelka cimillada.

Cutubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka oo ka qeybgalaya dhoolatus Ciidan oo caalami ah

0

Saraakiil iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhoolatus Ciidan uga qeyb-galaya Dalka dibadiisa ayaa ka anbabaxay garoonka diyaaraddaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan oo dowlada Soomaaliya qeyb ka tahay, waxaana Xoogga Dalka wakiil uga ah cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab XDS.

Saraakiisha Ciidanka XDS ee garoonka ka sa gootiyay Ciidankan ayaa kula dardaarmay inay door wanaagsan soo qaataan, ayna sameeyaan bandhig ku qotoma tababarka iyo tayada wanaagsan ee Xoogga dalka oo bilaabay la wareegidda amniga guud ee dalka.

Soomaaliya oo gashay Gacan ammaan ah (WARBIXIN)

0

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaasi oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha, iyadoo kulankaasi ay soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska uu dhawaan ansixiyay Baarlamaanka labadiisa Aqal uu muhiim u yahay difaaca badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyada ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluumeysi sharci darro ah, in ay isticmaasho Argagixisada, Burcad badeeddu ay ka duusho,iyo Wasaqdana oo lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan, wuxuuna intaa raaciyay in heshiiskan uu socon doono 10 sano ah, muddadaasna la dhisi doono lana qalabeyn doono ciidanka badda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”. Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maalintaasi saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo qoraal soo dhigay boggiisa Facebooka ayaa ku yiri, “Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.”

Dr Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweyanha JFS oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay heshiiskaan ayaa yiri,”Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga  wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato  Ciidan Badeed oo ku filnaada  difaaca baddeenna.”

Ugu dambeyn qoraalka uu soo dhigay Madaxweynaha waxa uu ku soo gabagabeeyey, “Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo  waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan  ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada XFS uga mahad celiyay ansixinta heshiis taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay la gashay dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah, wuxuuna shegay in heshiiskani uu yahay mid taariikhi ah, Soomaaliyana ay maanta yeelatay saaxiib iyo walaal dhab ah, kaas oo meesha ka saarayo in aynu biyaheenna iyo waxa ku jiraba uga baqno argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo baddeenna.

Mudane, Xamsa oo ka hadlay ahmiyadda heshiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa sheegay in heshiiskani uu suurto gelin doono in la tababaro lana qalabeeyo ciidankeenna badda, lagana faa’iideysto dhaqaalaha baluugga ah ee dalka, waxa uuna ka mahad celiyay taageerada bini’aadannimo ee ay ugu fidiyeen xilli baahi weyn loo qabay, shacabka Soomaaliyana aysan illaawi doonin abaalka ay u gashay dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

” Runtii heshiiska waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya iyo Turkiga-ba u ah muhiim, siiba Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya muhiim u ah, sababta uu muhiim ugu yahayna waxaa waaye waa heshiis iskaashi oo difaaca ah iyo daqaalaha,difaaca marka lagu leeyahayna waa sidii loo ilaalin lahaa amniga dalkan loona tababari lahaa ciidamadeenna Badda, dhulka iyo cirka meesha ay quseyso dowladda ayey ku xiran tahay,” ayuu yiri Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in uu heshiiskan Soomaaliya ka anfacayo ilaalinta dhammaan wax kasta oo carqalad ku ah dalkeenna.

” Sidoo kale, wuxuu heshiiskan Soomaaliya ka ilaalinaya dhammaan wax kasta oo carqalad ku haayo oo ah deriska iyo bannaankaba, haddii ay tahay dalalka kalluunka sida sharci-darada ah uga xada, haddii ay tahay waddamadan Baddeena wixii ay rabaan ku sameeya iyo burcad-baddeedii oo xoogga wax yar Soomaaliya ay ku dambeeyaan, waxaa dhan ayuu heshiiskan Soomaaliya u anfacayaa,”, Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhiga ah oo muhiim ah dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, isagoona siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan heshiiska labada Dowladood si uu u guuleysto. Xukuumadda Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaantay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, islamaarkana xustay in ay muhiim u tahay difaaca dhulka iyo hantida Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cabdiwali Cali Gaas ayaa ka hadlay heshiiska ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saabsanaa iskaashiga dhanka difaaca iyo dhaqaalaha, isagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda heshiiskan, isagoo carabka ku adkeeyay in awoodda dalka ee sugidda amniga biyaha ay tahay mid xadidan, isla markaana heshiiskan uu wax badan ka qaban doono kalluumeysiga sharci darrada ah iyo burcad badeedda. “Soomaaliya waxay leedahay badda ugu dheer Afrika, mana lahan awood ay isaga difaacdo burcad-badeedda, qashinka lagu daadiyo, iyo duulaan dibada kaga yimaada, arrimahaas ayaa abuuray baahida loo qabo in la raadiyo waddan aan walaalo nahay oo na caawiya.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

Mudane Cabdi Wali waxa uu ku baaqay in heshiiskan aan la siyaasadeynin, lana taageero madaxda dalka, si loo difaaco midnimada iyo qaranimada dalka, lagana hortago khatar kasta, waxa uu intaasi ku daray in Soomaaliya aysan dooneyn inay iska horkeenaan Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya, isla markaana ay carqaladeeyaan Ammaanka Gobalka, isaga oo carabka ku dhuftay inay lagama maarmaan tahay in laga hortago damaca Itoobiya.

“Dooddii dastuurka ee socotey todobaadyadii la soo dhaafay qayla dhaantu way badneyd iyo siyaasiyiinta ilmada yaxaaska qubaya ee lahaa difaaca dalka waa in loo midoobaa oo la joojiyaa doodda Dastuurka, balse markii hey’adaha dawladda Federaalka ahi ay meelmariyeen heshiiska iskaashi ee difaaca iyo dhaqaalaha ee dhexmaray Soomaaliya iyo Walaalaha Turkiga wax juuq ah ama taageero ah lagama haayo, sidaasina waxaa yiri Axmed Macallim Fiqi oo ah Wsiirka Arrimaha Gudaha. “Haddii ujeedkooda dhabta ah uu ahaa in badda Soomaaliya la difaaco ma jiro difaac ka weyn heshiiskaasi oo badda looga difaaci lahaa damaca hororka iyo hanyarida xaraashaha.  Hal mar un baa dadka la siri karaa mar kasta maya!”, ayuu sii raaciyay.

Wargeys lagu magacaabo Aldaaqa oo ka hadla arrimaha Shidaalka ayaa sheegaya in dowlad Carbeed ay ku soo biireysa dowladaha shidaalka dhoofiya dhammaadka sanadkan 2024-ka, taasi oo heysata keyd shidaal oo aad u fara badan. Haddaba waa tuma dowladda uu wargeysku sheegayo?, waa Dowladda Soomaaliya, waxa uuna Wargeysku soo xiganayaa Wasiirka Tamarta iyo Batroolka Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo shirkadaha shidaalka., wuxuuna Wargeysku ku tilmaamay in Soomaaliya hadda gacan ammaan ah ay gashay oo ay ku soo saran karto shidaalkeeda.

Dhinaca kale Dowladda Turkiye ayaa soo dhaweysay heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiye, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay horgeeyaan heshiiskaasi Baarlamaanka Dalkaasi, si uu ansixyo, maadamaa uu horeyba u soo ansaxiyeen Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

By. C/lahi Ruush

Wasiir Maareeye” Shacabka Hargeysa iyo Burco waxay muujiyeen sida ay u diidan yihiin in baddooda iyo dhulkooda la qaato”

0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlayay Banaanbaxa balaaran ee lagu taageerayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Hargeysa iyo Burco diideen damaca gurracan ee Ethiopia.

Wasiir Maareeye” Shacabka Hargeysa iyo Burco way hadleen waxayna muujiyeen sida ay u diidan yihiin in baddooda iyo dhulkooda la qaato, waxayna doonayaan in Soomaali heshiiso oo dhulkeeda cid kale qaadan, waxaana ku amaanayaa shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir sida ay u garab taagan yihiin dowladdooda” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku bogaadiyey shacabka caasimadda inay yihiin kuwa u taagan midnimada dadka Soomaaliyeed kuna bixiya dhaqaalahooda, isagoo intaa ku daray in shacabka Soomaaliyeed guud ahaan rabo midnimmo iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in muddo bil gudaheeda keeni doonaan Xildhibaannada Labada Aqal ku matala gobollada Waqooyi qorshe lagu dhameynayo tabashada ay qabaan walaalaha Waqooyi si wadajirka dadeed ee Soomaaliya loo xaqiijiyo, meeshana looga saaro kala qeybinta dadka walaalaha ah.

Siyaasiyiinta iyo shacabka gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee (Soomaaliland) aya ku tilmaamay damaca gurracan ee Ethiopia mid aanan marna ka hirgali doonin badda Cas, islamarkaana diyaar u yihiin difaaca dhulleed ee Soomaaliya.