Home Blog Page 337

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeer ku tegay Isgoyska Ifka Xalane

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday isgoyska IFKA XALANE gaar ahaan xarunta dhul bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo ah goobtii uu ku qarxay qaraxii ay fashiliyeen ciidanka Amniga qaranka iyaga oo toogtay dhagar qabihii waday gaariga qarxay oo isku dayay in uu si xoog ah uga gudbo bar-kontorol oo ay ciidamada Amniga ku hubiyaan gaadiidka.

Kormeerkan uu Guddoomiye Madaale ku tagay goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ku wehelinayay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh), iyada oo uu duqa Magaalada Muqdisho war bixin la xariirta dhacdadaani ka dhageestay saraakiishii goobta ku sugneyd, isaga oo ku bogaadiyay sida foojig naanta leh oo ay ciidanka Amniga uga hortageen dhagartan guracan oo ay khawaarijta ku dhibaateyn rabeen shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kormeeray xarunta Haya’adda Maaraynta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeeray xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay madaxda SODMA iyo agaasime waaxeedyada, ayaa waxaa uu warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Hay’adda Maxamuud Macalin, isagoona si kooban u sharxay waxyaabaha ay qabato Hay’adda. Guddoomiye Sheekh Aadan oo mid mid u dul istaagay xarunta saadaasha hawada iyo ka hortaga musiibooyinka dabiiciga ah, waxaana loo soo bandhigay muuqaalo ku saabsan waxqabadka sanadlaha ah ee Hay’adda Maareynta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo la hadlay warbaahinta ayaa ammaanay waxqabadka hay’adda, isagoona ugu hambalyeeyay mudadii sanadka aheyd ee hay’addu jirtay, waxaana uu xusay in waxbadan oo la taaban karo ay u qabteen shacabka Soomaaliyeed, isagoona madaxda iyo howlwadeennada kula dardaarmay in ay xoojiyaan shaqada baaxada leh ay u hayaan qaranka. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’addan dowladu ay u leedahay muhiimad gaar ah.

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar galinta Amniga Caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda iyo sidii looga feejignaan lahaa dhagaraha ay cadowga Khawaarijtu u maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in dalku uu ku jira xaalad dagaal oo lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo feejigaan dheeri ah, si looga hortago isku dayada naf-lacaariga ah ee ay ku khal-khal gelinayaan ammaanka caasimadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey hey’adaha amniga sida naf-hurnimada ah ee ay uga hortageen falkii ay maanta kooxaha Khawaarijta ah la damac-sanaayeen in ay ku beegsadaan meelaha ay ku badan yihiin shacabku.

Dadka Bacaad weyne ee koofurta Mudug oo ku biiray dagaalka ka dhanka khawaarijta

Dadka deegaanka Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug ayaa wacad ku maray in ay ka qayb qaadan doonaan dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta ee ka socda Galmudug.

Abbaan duulaha Guutada 15-aad Qaybta 21-aad ee xoogga dalka G/le, Xirsi Cali Quuri oo la hadlayay boqolaal xoogagga macawisleeyda deegaanka ah ayaa sheegay in saraakiisha,siyaasiyiinta, Odayaasha. Dhallin yarada iyo wax garadka kasoo jeeda Bacaadweyne ay u mideysan yihiin la dagaallanka khawaarijta.

Abbaan duulaha ayaa intaasi ku daray in saacadaha soo socda ay gaari doonaan furimaha dagaalka, ciidamada uu hoggaaminayana ay yihiin kuwii sanada ka hor Cadowga ka saaray deegaanno ka tirsan Galmudug, mar kalana ay diyaar u yihiin cirib tirka khawaarijta.

 

Ciidanka Xoogga iyo Kacdoonka Shacabka {Macawisley} ayaa si rasmi ah ula wareegay Deeganka Cowswayne

Ciidanka Xoogga dalka iyo xooggaga Kacdoonka Shacabka {Macawisley} ayaa si rasmi ah ula wareegay Deeganka Cowswayne ee gobolka Galgaduud oo Khawaariijta u ahayd goob ay ka difaacaan degmada Ceelbuur.

Maleyshiyaadka Khawaarijta ayaa iskaga cararay deegaanka markii ay ogaadeen in awoodda Ciidanka Qaranka aysan u babac dhigi Karin.

Taliyaha Guutada 18aad ee Kumaandooska gorgor G/lle Saahid Jaamac Faarax oo howlgalka hoggaaminaya ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in Cowsweyne iyo tuulooyin kale si buuxda gacanta loogu dhigay.

 

xukunka eedeysanihii diley enjineerkii kenyanka ahaa .

0

Xasan Cabdiraxman Indha-yare waxaa uu eedeysane u ahaa dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kenyan ah iyo ka tagista goob shaqo fasax la’aan.

Labaatankii bisha July ee sanadkan eedeysane Xasan Cabdiraxmaan ayaa xabad uu ka tuuray Bistoolad biljim ah madaxa kaga dhacday Fredrick isagoona is hor istaag ku sameeyay dhismo halkaasi ka socday, waxaana markaas uu ka cabanayay tubo biyo wasaqeysan ku sii dayso guri uu waardiye ka ahaa, Injineerka dhintay ayaana markaas ka howlgalayay dhisidda guri ku yaala agagaarka Airport ka Aden Cadde ee Muqdisho.

Baaris dheer kadib Afar iyo Tobankii bishan xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidmada qalabka ayaa maxkamdda darajada kowaad ee ciidamda hor keentay kiiskan, si jawaab loogu helo wixii dhacay.

Dhinacyada dacwadda, maragyadii la keenay ayaa isku daraf ka istaagay howlka dacwadda, waxaana ay isku raaceen in kas dhaaf uu ku yimid kiiska dilka ah.

Maanta ayay maxkamadda darajada kowaad ee ciidmada qalabka sida ku xukuntay Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Magdhow la siiyo Ehelka Fredrick Odhiambo Owino sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo bogaadiyay guulaha laga gaaray khawaarijta.

0

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS Mudane, Xasan Macallim Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray howl-gallada dib-u-xoreynta.

Wasiirka ayaa hambalyo ujediyay ciidamadeenna geesiyaasha ah ee Alle ka sokoow soo hooyay guulaha la taaban karo, wuxuuna intaa ku daray in kooxda Khawaarijtu uu dhammaaday waqtigooda.

Mudane, Xasan Macallin Maxamuud ayaa dadka ku dhaqan goobaha la xoreeyay iyo degmooyinka uu Ciidanku kusii jeedo, wuxuuna ugu baaqay in aysan ka bixin guryahooda, dowladdoodii ay sugayeenna ay usoo socoto.

Wuxuu bulshada ku dhaqan deegaannada laga saaray khawaarijta ugu baaqay in aysan u dheg taagin handedaadda khawaarijta kuna kalsoonaadaan Ciidankooga xoogga iyo dowladdooda, isagoo intaa raaciyay in dadku ay u billaaban doonto nolol cusub iyo adeeg dhammaystiran.

 

madaxweynaha dowlada hirshabeele ayaa gudoomiyey shir looga hadlaayey Barnaamijka Xasilinta ee ku qotoma Mashaariicda Bulshada,

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gudoomiyay Shir looga hadlayay Barnaamijka Xasilinta ee ku qotoma Mashaariicda Bulshada, Maamul dhisida, Amniga, Cadaaladda iyo Xalinta Khilaafaadka.

Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaanada deegaanka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa diirada lagu saaray Dardargalinta iyo Isku Xirka Arrimaha Xasilinta adkeynta Nabadgelyada, Maamul dhisida, Dadaallada Xalinta Khilaafaadka, Xoojinta iyo Tayeynta Hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in Degmada Cali Gaduud iyo dhamaan Magaalooyinkii laga xoreeyay Khawaarijta la gaarsiiyo adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshada si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay cadowga ku hayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Ku-Simaha Madaxweynaha m/Koonfur Galbeed ayaa Qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Madaxda Hay’adda FAO

0

Ku-Simaha Madaxweynaha Dowladda Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo ay Wehliyaan Wasiiro iyo Agaasimiyaal ayaa Qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Madaxda Hay’adda FAO ee Soomaaliya Mudane Etienne oo maanta Safar shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Kulan qaatay Saacado oo ay wada yeesheen Ku simaha Madaxweynaha iyo Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa laisaga Xog-Waraystay Mashaariicda Socda iyo sidii loo Dardargelin lahaa.

In ka badan 200 oo falastiiniyiin ah, iyo ku dhawaad ​​30 Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay sanadkan: UN

0

In ka badan 200 oo falastiiniyiin ah iyo ku dhawaad ​​30 Israa’iiliyiin ah ayaa sanadkan lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto iyo Israa’iil – heer rabshado ah oo kor u dhaafaya tirada guud ee dhimashada sannadkii hore iyo tiradii ugu badnayd ee dhimashada tan iyo 2005, ayuu yiri ergayga Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe.

Tor Wennesland, oo ah isku duwaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan geeddi-socodka nabadda ee Bariga Dhexe, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Isniintii in rabshadaha sii kordhaya ay hurinayaan rajo-xumada sii kordheysa ee mustaqbalka ee Falastiiniyiinta iyo horumar la’aanta ku aaddan helitaanka waddan madax-bannaan.