Home Blog Page 338

Banaanbax lagu taageerayo heshiiska taariikhiga ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo Muqdisho ka socda

0

Banaanbax balaaran oo uu soo qaban-qaabiyey Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka socda garoonka Ciyaaraha Eng Yariisow ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen qeybaha kala duwan ee bulshada Caasimadda.

Banaanbaxan ayaa lagu taageerayaa heshiiska dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha, kaas oo uu dhawaan ansixiyay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Maamulka Gobolka Banaadir, Arday iyo dadweyne kale oo fara badan ayaa ka qeyb-qaadanaya Banaanbaxa, waxaana goobta ka muuqdo boorar ay ku xardhanyihiin xiriirka wanaagsan ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Qaar kamid ah Banaan-baxayaasha oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyey hogaamintiisa wanaagsan iyo heshiiska taariikhiga ah ee uu la galay dowladda Turkiga oo ah saaxiib la isku haleyn karo.

Madaxda goobta ka hadashay ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid fursad wayn u ah labada dal gaar ahaan Soomaaliya oo xiligan ku jirta marxalad ay u baahan tahay saaxiib sida Turkiga oo kale ah, waxayna sheegeen in damaca gurracan ee Ethiopia uusan marna ka hirgaleynin Soomaaliya.

Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa qayb ka ah dadaalada dowladda ku bixineyso dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Turkiga waddan saaxiib iyo walaal ah oo lagu aamini karo iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimada iyo midnimadeenna dhuleed ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in heshiiskan uu qeyb ka qaadanaya nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Hawlgal ay fuliyeen Ciidanka Qaranka oo lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah

0

Howlgal Qorsheysan oo Khawaarijta khasaare xooggan lagu gaarsiiyey ayaa ka soconaya deegaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ayaa hawlgalkan qorsheyn ka wada deegaanka Jilib-Marka oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo lagu khaarajiyay 30 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Hawlgalkan oo soo bilawday waaberigii hore ee saakay ayey ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ku bartilmaameedsadeen goob ay isku urursanayeen Khawaarijta, kuwaas oo xogtooda la helay, iyadoo gacanta looga dhigay saanad ciidan oo dagaalka loo isticmaalo, sida ay warbaahinta qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha howgalkan qeybta ka ah.

Dhanka kale ciidanka Xoogga Dalka iyo ku deegaanka ayaa xalay xalay howgal Qorshaysan ka fuliyay deegaanka Faarax-Aaden oo hoos taga degmada Xarardheere gaar ahaan miyiga Jawle ee koonfurta gobolka Mudug.

Xoghayaha guud ee degmada Xarar-dheere maslax Macalin ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howgalkan lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta arxanka daran ee Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guud ahaan dalka kawada howgallo lagu baacsanayo khawaarijta ka been sheegtay Diinteenna suubban ee Islaamka, kuwaas oo kujira maalmooda ugu dambeeyay.

Madaxweyne Guudlaawe oo shirguddoomiyey kulan SoDMA ku soo bandhigaysay raadadka ay reebtay Elnino

0

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo xalay shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle.

Waxaa kale oo ka qeyb galay shirka Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay Elnino.

Sidoo kale waxa ay warbixinta kusoo gudbiyeen inay ku dhawaad 500-kun oo ruux ay ku saameysay Dowladda Hirshabeelle iminkana waxaa taagan %65 cabsi laga qabo Elnino ka dhallato Roobka Gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inay ka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.

 

Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Hirshabelle oo booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar.

0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka  Md, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure, wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Gargaarka , Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe  Axmed Mayre Makraan , iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.

Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeeray qayabaha kala duwan ee biya xireenka,  kaas oo ay ka muuqdaan sameyntii ka soo gaartay Fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeyn donaan dib u dayactirka kanaalkaan, anagoo ayuu yiri kaa shaneyna Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamka .

si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu sameeyo waxaana loo bahanyahay in la habeeyo biya xireenada iyo goobaha kale ee biya mareenada ah, ayuu intaa ku daray Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.

Madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo wadahadallo la yeeshay saraakiil ka tirsan Ingiriiska

0

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa kulamo wax ku ool ah la qaatay Masuuliyiin  sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, tan Dibadda, Xafiiska baasaboorka iyo Xarunta lagu daabaco baasaboorka ee dalka Uk.

Kulamada ayaa waxaa diiradda lagu saaray aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, wadashaqeynta labada dal ee dhanka socdaalka iyo Horumarinta xirfadda saraakiisha HSJ.

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa iskaashiga caalamiga ah oo ay la leedahay Hay’adaha dhiggeeda ah ee dunida, taas oo ujeedkeedu yahay in sare loogu qaado awoodda baasaboorka Soomaaliyeed iyo in laga wadashaqeeyo arrimaha socdaalka.

Israel oo duqeymo cusub ku dishay 40 ruux oo ku sugnaa bartamaha Gaza

0

Duqeymo ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen guryo la deggan yahay oo ku yaalla bartamaha Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 40 falastiiniyiin ah,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

“Waxaan ugu baaqaynaa caalamka xorta ah in ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalkaan xasuuqa ah ee ay ciidamada Israa’iil ku hayaan dadka rayidka ah”sidaasi waxaa yiri Xafiiska warbaahinta dawladda ee Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa ku warameysa in ciidamada Israel ay dib u galeen cisbitaalka la go’doomiyay ee Nasser ee Khan Younis ka dib markii ay ka baxeen muddo kooban, iyada oo ay sii xumaanayso xaaladaha xarunta caafimaadka.

Waxaa weli xayiran lacagihii deeq-bixiyeyaasha reer galbeedka ee loogu talagalay dadka Falastiin,waxaana la sheegayaa in baahida bini’aadanimo ee ka jirta Gaza ay gaartay meel aad u daran.

Ugu yaraan 29,410 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 69,465 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Safiiirka JFS ee Kenya oo tababar u soo xiray Shaqaale ka tirsan Dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

0

Tababarkan oo socday muddo todobo casho ah ayaa waxa ay ka qeyb galayaasha ku qaateen casharo ku saabsan Nidaamka Qandaraasyada Dheef-wadaagga ah ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (PPP) , kaasi oo ay bixxinayren quburo ka tirsan Hay’adda International Finance Corporation (IFC) ee hoostagra Bankiga Adduunka.

Ugu horeey waxaa halkaasi ka hadlay Madaxda Hay’adda IFC iyo Mashruuca Nidaamka Qandaraasyada Dheef-wadaagga ah, kuwaasi oo ku dheeraaday waxtarka uu u leeyahay Mashruucaan Guud ahaan Dalka iyo Dadka Soomaliyeed.

Sidoo kale qaar ka mid ah ka soo qeybgalayaashii ka faa’iideystay intii uu Taba-barkaan ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay ka faa’iideysteen.

Ugu dambeyntii Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya waxa uu shahaadooyin Gudoonsiiyay Dhamaan wiilasha iyo Gabdhaha ka faa’iideystay Tababarkani.

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Uganda oo Muqdisho ku kala saxiixday dhammeystirka heshiis is af-garad.

Wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Uganda oo magaalada Muqdisho ku kala saxiixday dhammaystirka heshiis is afgarad (MOU) dhanka difaaca ah oo ay labada Wasaaradood horay u kala saxiixdeen.
Muqdisho, 20 Febraayo, 2024 — Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimi magaalada Muqdisho, iyada oo uu Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyeey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim.
Wafdiga Wasiirka Difaaca dalka Uganda oo soo dhoweynta ka dib loo soo galbiyay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaasi waxa ay kulamo kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur, madaxda kale ee Wasaaradda iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka XDS Janaraal Maadeey Nuureey Shiikheey, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal ee dhanka difaaca.
Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Vincent B. Ssempijja ayaa kala saxiixday dhammeystirka heshiis is afgarad (MOU) dhanka difaaca ah, kaas oo labada dowladood ay 8-dii bisha Agoosto 2022-kii ku kala saxiixdeen magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Ciidanka Xoogga ayaa Marka ku qabtay 2-dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay 2-dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta.
Ibraahim Cali Suleymaan iyo Idiris Cabdi Shabeelow ayay Ciidanku gacanta ku dhigeen iyagoo si dhuumaaleysi ah kusoo galay magaalada Marka, sidoo kalana qorsheynayay falal Amni darro.

Guddiga gaarka ah ee arrimaha xabsiga dhaxe ee golaha shacabka oo kulan la yeeshay taliyaha Ciidanka Asluubta

0

Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta kulan kula yeeshay xarunta Guddoonka iyo Gudiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Kulanka waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Gaarka ah xil. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameerika.

<Taliiyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa warbixin guud ka siiyay Guddiga xaalada maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar, asagoona aad ugu dheeraaday marxalada ay ku sugan yihiin maxaabista kuwa xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ah, tirada .axaabiista ku jira Xabsiga iyo guud ahaan xaalada Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Taliyaha ayaa sidoo sheegay inay jiraan caqabado u baahan in laga taageero sida daryeelka Caafimaadka maxaabista iyo wax-baridooda iyo in laga saacido inay helaan Gaadiid iyo meesha lagu xiro Maxaabiista oo aad yar ayna ubaahan yihiin balaarin.

Intaasi kadib xubnaha guddiga ayaa Su’aalo la xariira xaalada maxaabista iyo Xabsiga dhexe ee xamar weydiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mudane Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Waxa uuna taliyaha Ciidanka asluubta uu mid mid ugu jawaabay Guud ahaan Su’aalihii la weydiiyay.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Xil. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa uga mahadceliyay Taliyaha iyo mas’uuliyiintii la socday sida wanaagsan ay u soo ajiibeyn kulanka, Asagoona sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo dardar gelinta howlaha Baaxada leh ee horyaala Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ay si wanaagsan uwada shaqeyn doonaan.