Home Blog Page 338

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay dhowaan soo af-jarayaan Khawaarijta

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen.Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in dalku uu galay dagaalkii ugu dambeeyay ee khawaarijta looga saari lahaa Soomaaliya.

Taliye Muxudiin oo waraysi siiyay warbaahinta Qaranka isagoo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa intaa ku daray in dagaalka ka dhanka ah khawaarijta laga gaaray guulo fara badan, kuwaas oo  dadka iyo dalka ku hayay dhibaatooyin kala duwan.

 

gudoomiye sheekh aadan madoobe oo xafiiskiisa ku qaabiley danjiraha djibouti.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibrahim Yuusuf.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Waxaana uu sidoo kale ka guddooomay dhambaal saalaan uu uga siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Dileita Mohamed Dileita.

Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf ayaa Guddoomiyaha la wadaagay shaqada baaxada leh ka socota dalka, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay kaalinteeda lama ilaawaanka ah ka geeysan doonto la dagaalanka khawaarijta, iyo sidii dalka uu u noqon lahaa mid amnigiisa lagu kalsoonaan karo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha ciidanka Janaraal Ibraahim Muxyadiin ayaa kormeeray furimaha hore iyo difaacyada ciidamada ee Magaalada Galcad isagoo kula dardaarmay in jihaadka ay Khawaarijta kula jiraan iney sii adkeeyaan.

Ciidanka xoogga oo burburiyay fariisimo khawaarijta ku lahayd dhulka howdka ah ee hoostaga Run-nirgood iyo Galcad

Ciidanka xoogga Dalka gaar ahaan Guutada Khaalid Binu waliid  ayaa burburiyay fariisimo dhulka miyiga ah ay  ku lahayeen Khawaarijta Naf la caariga ah,

Taliyaha Guutada Khaalid Binu waliid Maxamed Dhagaweeyne oo hoggaaminyay howlgalkaan sifaynta ah ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in dhulka howdka ah ee hoostaga dagmooyinka Run-nirgood, Galcad  ay ku burburiyeen fariisimaha Khawaarijta ay ku lahaayeen.

Wuxuu taliyuhu intaas ku daray inay sii wadi doonaan baacsiga khawaarijta iyo in laga xoreeyo deegaannada ay hadda ku dhuumaalaysanayaan ee ku yaala gobolka galgaduud.

Ciidamda xoogga dalka oo iyo kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo katirsan Galmudug iyo Hirshabeelle kawada howlgallo sifeeyn ah kaa oo khawaarijta looga saarayo dhulka miyiga ah ee ay ku dhumaaleysanayaa,iyadoo geesiyaasha xoogga dalka ay ka saareen degaanno  dhowr ah oo shacabka ku dhibateen jireen khawaarijta.

Agaasiimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Madax ka Socotay Hay’adda UNICEF

0

Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee DFS Dr. Guleed Cabdijaliil ayaa Xarunta Wasaaradda  ku qaabilay Madaxa ugu sareeya Hay’adda UNICEF Soomaaliya Saciid Wafaa.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd Isbarasho iyo  kala warqaadasho labada dhinaca gaar ahan shaqooyinka iyo Mashaaricda ay qeybta katahay Hay’adda UNICEF.

Agaasimaha Guud ayaa diiradda saaray xoojinta Qorshaha  ee iskaashiga dhanka horumarinta Adeegyada Caafimaadka iyadoo laraacayo Hanaanka Xirmooyinka Adeegga Caafimaadka Aasaasiga, iyo Nidaamyada Caafimaadka guud si Soomaaliya ay u gaarto Yoolka Caafimaaka loo dhanyahay ee Caalamiga ah #UHC.

Madaxa Hay’adda UNICEF ayaa kaga mahadcelisay Wasaaradda Caafimasdka sida daahfurnaanta ah ay ula shaqeyso qaybaha kala duwan ee Hay’adda UNICEF iyada oo ka dhawaajisay isbadalada muuqda ee  Wasaaraddu ku talaabsatay Mudadii lasoo dhaafay taas oo la dhihi karo Wasaarada Caafimaadka waxey Tusaale u noqon kartaa Wasaaradaha kale ee dalka sida Fulinta Mashaariicda, hagaajinta Nidaamyada Xogta iyo Hanaanka Maaliyadda iyo Isla Xisaabtanka.

Magaalada Cabudwaaq oo ku biirey howgalka ka dhan ah khawaariijta ee ka socdo galmudug

0

Magaalada Cabudwaaq ee gobolka galgaduud waxaa lagu soo bandhigay gadiid dagaal iyo bulsho diyaar u ah inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka khawaarijta looga xoraynayo guud ahaan dalka si gaar ah deegaanada galmudug.

Bulshada maanta banaanka la timid hubkooda iyo gadiidkooda ayaa ka mid ah beelaha dega waqooyiga gobolka gaduud iyaga oo muujiyey dareenkooda ku aadan in ay qayb ka noqnayaa beelaha dowladda ku gacan siinaya ka guulaysiga khawaarijta.

Masuliyiintii la hadashay mujaahidiinta banaanka u yimid inay naftooda iyo maalkooda u huraan xoraynta dalka ayaa sheegay bulshada degta degmada cabudwaaq lagu yaqaano sida ay diyaarka ugu tahay jabinta khawaarijta.

Dhanka kale Magaalada Cabudwaaq waxaa wali ka socda Abaabul Ciidan oo loga qayb qadanayo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Howlgal ka dhanka ah Khawaarijta ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga waddada isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Howlgalkan oo ay wadajir u hoggaaminayeen guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Ibraahim Barre, taliyaha ururka 64-aad iyo abaanduulaha ururka 4-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Kumaandooska Danab ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaannada ku xeeran degmada Wala-weyne ee gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiye Barre iyo saraakiisha ciidan ee horkacayay howlgalka ayaa xog-wareystay shacabka ku dhaqan Tuulooyinka ay ciidanku gaareen.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faafin ka bixiyay bartilmeedka howlgalka, wuxuuna guddoomiyaha carabka ku adkeeyay in howlgalkan uu daaran yahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

” Howlgal lagu baacsanayo nimankan nabad-diidka ah, ummadda Soomaaliyeed dhibaato weyn ku hayaan, baaqa ay soo keediyeen madaxda qaranka iyo kuwa heer Dowlad gobolleed ee ku aadan in Khawaarijta lala dagaallamo lagana xoreeyo deegaannada ay ku sugan yihiin qaasatan Kooonfur Galbeed, anagana waxaan diyaar u nahay reer Shabeellaha hoose inaan xoreyntaas qeybta ugu weyn ka qaadanno,” ayuu yiri guddoomiye Barre.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ka socday howlgallo ka dhanka Khawaarijta, kuwaas oo lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal badan oo Bulshada gobolkaas muddo badan dhibaato ku hayay.

Muqdisho-Somalia

Madaxweyne Xasan“Khaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa fikirka marka uu dhamaado kan Militeriga”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khamiistii ka qeybgalay dood su’aalo waydiin ah ayaa sheegay marka uu dhamaado dagaalka Khawaarijta in sidoo kale fikir ahaan loola dagaalami doono.

“Khaawarijta waxaa lagala dagaalami doonaa Fikirka, marka uu dhamaado kan Militeriga, meeshii fikir qaloocan iyo balaayo lagu faafinayo waa laga hor tagaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo argagixisada.

“Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isagu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa magaalada Dhuusamareeb u jooga dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka Khawaarijta, iyadoo sidoo kale dhawaan Jubbaland iyo Koonfurta Galbeed ay ka bilaaban doonaan dagaalka wajiga labaad ee ka dhanka ah khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Isku soo bax balaaran oo lagu taageerayey howlgalka wajiga 1Aad Ee khawaarijta dalka ayaa ka dhacay degmada Baxdo

0

Isku soo bax balaaran oo lagu taageerayey howlgalka wajiga 1Aad Ee khawaarijta dalka looga xoraynayo ayaa maanta ka dhacay degmada Baxdo ee gobolka galgaduud, waxaana ka qayb galay maamulka iyo dadweyne ka kala yimid Magaalooyinka Cadaado, godinlabe, Maarsa-mage, dhuumodle, dhagtuur ,ka xandho, cadakibir iyo Magaaloyin kale oo katirsan Galgaduud.

W/wabarshada oo go`aan kasoo saartey sanad dugsiyeedka 2023/2024

0

Wasaaradda Waxbarashada waxay la wadaageysaa Bulshada Soomaaliyeed in Laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dhammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed, waa inay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada e asaasiga ah, waa inuu ka mid noqdaa Afka Soomaaliga oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking).

Faahfaainta xogtaasi fadlan ka eeg go’aanka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada.