Wasiirka Duulista Soomaaliya oo kulan fogaan arag ah la qaadatay Mudane Jean Todt

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada H.E Fardowsa Osman Egal oo uu wehlinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Bashir Moallim Ali Hassan,ayaa kullan miro dhal ah la qaaday Mudane Jean Todt, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Waddooyinka.

Labada dhinac, ayaa kaa ka wada hadlay muhiimada iskashi iyo wada shaqeyn dhaw ay u leedahay ka miro dhalinta hawlaha hortabinta leh ee Wasaaraddu hormuudka ka tahay. Sidoo kale waxaa la isla qaatay muhiimada yareenta shilalka Waddooyinka, iyo sal u dhigida shuruucda mabadgaliyada waddooyinka si loo dar-dargeliyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fardowsa Osman Egal, ayaa uga mahadcelisay Ergeyga Gaarka, iyadoo hoosta ka xariiqday iskaadhiga dhaw ee ka dhaxeya Dowladda Federaalka iyo Qaramada Midoobe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...