Agaasimaha guud ee HSJ oo daah furay qorshaha Shanta sano ee soo socoto

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay qorshaha Istaraatiijiyadda hay’adda ee 5-ta sano ee soo socota.

Agaasimaha oo ka hadlay munaasabadda daah furka, ayaa uga mahadceliyay dhammaan madaxda iyo qaybaha kala duwan ee Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha,bahwadaagta hey’adda, sida mugga leh oo ay uga qayb qaateen dhammeystirka diyaarinta qorshahan, isagoo goobta uga dhawaaqay in la dhaqan gelin doono Istaraatiijiyaddaan, loona isticmaali doono hagidda dhammaan howlaha horumarinta iyo adeeg bixinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, si la jaanqaadaysa halbeegga caalamiga ah.

Istiraatiijiyadda la daah furay waxa ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha adeegsan doontaa muddo 5 sano ah oo ka billabata 2024. Diyaarinta istiraatiijiyadda ayaa qaadatay muddo ku dhaw 5 billood, mudadaas oo diyaarintu soo martay heerar kala duwan sida kulamo wadatashi ahaa, talo gelin lala yeeshay madaxda iyo qaybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha, kulamadaas ayaa ka kala dhacay xarumaha laamaha iyo Gobolka Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....