Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Maad Dheere) oo ahaa Taliyihii Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Iyo saraakiil kale oo ku shahiiday qarax miino oo khawaarijtu ugu maleegtay inta u dhaxeysa degmooyinka Awdiinle Iyo Berdaale ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Gaashaanle Maad Dheere iyo saraakiishii kale ee qaraxaas ku shahiiday Alle uga baryay in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo, sidoo kale intii ku dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah siiyo.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...