Madaxweynaha Dowladd goboleedka Galmudugย ย Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daah furay Dhismaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ay qayb ka yihiin xafiisyada adeegga degdega ah ee Caafimaadka Bulshada iyo baqaarada keydka dawada.
[DAAWO] Booliska Soomaaliya oo soo Bandhigay Hub culus, walxaha qarxa ,Gaadiid iyo raggii watay
Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed G/lle Saadaq Doodishe ย oo manta Shirjiraaid u qabtay Warbaahintaย ayaa ย faafaahin ka bixiyay howgal Ciidanka ammaanku ku soo qabteen tiro Khawaarijt ah iyo waxyaabaha qarxa oo ay wateen.
[AKHRISO] Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo beeniyay in shaqada Garoonka uu maanta hakad ku yimid
Maamulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa Warsaxafadeed ku beeniyay in shaqada Garoonka uu maanta hakad ku yimid.
Maamulka Garoonka Aadan Cade ayaa sheegay in wararka maanta lagu baahiyey Baraha Bulshada aysan waxba ka jirin.
AKHRISO WAR SAXAFADEDKAAN.
Guddoomiyaha Heyโadda Maaraynta Musiiboyinka Qaranka oo la kulmay Agaasimaha hayโadda FCDO (Foreign Commonwealth and Development Office)
Guddoomiyaha Heyโadda maaraynta musiibooyinka qaranka Mudane Maxamud Macallin Cabdulle ayaa maanta magaalada Mogadishu kula kulmay Agaasimaha hayโadda FCDO (Foreign Commonwealth and Development Office) Mudane Damon Bristow.
Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
Wasiirka Amniga XFS Maxamed Axmed Doodishe ayaa maanta kulan la qaatay taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda amniga.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS oo guddoomisey kulanka 17aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka
Ku Simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa guddoomisey kulanka 17aad ee Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayadoo uu goobjoog yahay Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka M.ne Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Wafti ka socda Bangiga Adduunka
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cali Ifiye Cali ayaa xafiiskiisa wasiirka ku qaabilayย masโuuliyiinta kala ah Julien Million iyo Miguel Angel Jorge oo ah wafti ka socda Bangiga Adduunka kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay u joogay Muqdisho in ay Wassaaradda kala hadlaan mashaariicda uu Bangiga Adduunku maalgelin doono ee la xiiira kallumeysiga dalka.
[DAAWO] Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa Muqdisho soo gaarsiisay Shacab ku soo dhaawacmay Dagaalka ka socda Laascaanood
Heyโadda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa markii Tobanaad Maantaย magaalada muqdisho soo gaarsiisay 10 qof oo kamid ah dadkii dhawacyada ka soo gareen dagaallada culus ee ka socda Magaalada Lascanood ee xarunta gobolka Sool.
Dhawacyadaan oo ay ku jiraan dad aad u liita waxaa garoonka Adaan Cadde uga hortagayย Guddoomiyaha Heyโadda Maareeynta Musiibooyinka SODMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle , Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee BFS Cabdullaahi Cali Xersi โTimacadde, Xildhibano katirsan labada aqal, iyo Madax sare oo Heyโadda SODMA ka socday.
DAAWO WARBIXINTAAN OO DHAMESTIRAN.
๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฟ๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ฏ๐ผ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐๐ฎ๐ ๐ด๐๐๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐น๐ฎ๐ด๐ฎ ๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ ๐ฑ๐ฎ๐ด๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ท๐๐ฎ
Muqdisho, Feberaayo 23, 2023 — Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumadda oo si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo guulihii ugu danbeeyey ee laga gaarayย dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
[AKHRISO] Waxqabadka Dowladda ee Toddobaadkan
Muqdisho, Arbaco 22-ka February 2023
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Afrika ee ka qeybgashey Shir Madaxeedka Midowga Afrika uga waramey guulaha Dowladda Somalia ka gaartey dagaalka lagula jiro argagixisada.
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale intii uu joogay magaalada Addis Ababa kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika, iyagoo ka wadahadley xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaasi u dhexeeya.
- Hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeystay, ayaa waxaa ay Ciidanka Qaranka guluf lagu guuleystey ka fuliyeen Jubaland, HirShabelle iyo Galmudug, iyadoo ay jiraan goobo badan oo cadowga laga xorreeyay, hub iyo saanad badanna looqa qabsadey.
- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay gurmad u fidiyaan walaalahooda dalka Turkiga ee uu dhulgariirka ku habsadey.
- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa guddi heer qaran u xilsaarey barnaamjika gurmadka lagu taakuleynayo dadkii ku waxyeeloobay dhul gariirkii ka dhacay Turkiga.
- Mar kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqey in degdeg loo joojiyo colaadda ka socota Laas Caanood, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu xaliyo.
- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa furay Shir Sanadeedka 5aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay wixii u qabsoomay iyo waajibaadka horyaalla.
Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan.
- Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hayโadda oo ansixiyay sharciga dhismaha Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dalka.
- Hanti Dhowraha Guud ee cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Guutaale yaa xilka kala wareegay Hanti Dhowrihii hore Maxamed Mohamud Ali (Afgooye).
- Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Sharciga Korontada.
- Aqalka Sare ayaa ansixiyay sharciga dhismaha Hayโadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
-Dhammad-
Daud Aweis Jama
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.