Home Blog Page 336

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Dunida

Soomaaliya iyo dalalka kale ee dunida ayaa maanta u dabbaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arrimaha bulshada ,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo guud ahaan  horumarada xoogan ee ka jiray dunida.

Waxaa xusid mudan in aan ogaanno kaalin nuucee ah ayeey haweenku ka qaateen dhaqdhaqaaqyadii iyo halgankii kale ee loo galay raadinta 8-dda Maarso?.

Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sinnaanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badqabka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka,waxa uu soo ifbaxay dhaamaadkii qarnigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub .

Dhowr arrimood ayaa sabab u ahaa aasaaskii maalinta haweenka,waxaana ka mid ahaa:-

1-halganka  xoogagga shaqeeya ee haweenka ay  kaga qeybgaleen kacdoonadii shaqaalaha ee looga horjeeday milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

2-dhismaha ururadii shaqaalaha iyo raadinta maalin iyo xuquuq u gaar ah haweenka.

Hirgainta arrimahaasi, waxa ay mideeyeen dumarkii ku noolaa wadamada Yurub , Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ,waxaana sanadihii u dhaxeeyay  1907-1917-kii dhacay bannaanbaxyo si gaar ah loogu raadinaayey xuquuq iyo maalin ay leeyihiin haweenka.

Si loo xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in la siiyo maalin u gaar ah,aawadeed,waxaa sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.

Haddaba,dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay munaasabadda maalinta caalamiga  ah ee 8-dda Maarso oo ah xus taariikhi ah oo lagu muujiyo waxqabadkii haweenka iyo doorkii shariiifka ahaa ee ay ku lahaayeen xoriyadda dalka iyo horumarkiisa.

Waxaa xaqiiqo ah in qeybaha haweenka ee dalka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen ama ka ciyaareen dhaqdhaqaaqyadii xoriyad doonka ee ay hoggaaminaayeen ururkii SYL,kuwaas oo naf iyo maalba ku bixiyay halgankii xaq u dirirka ee lagu helay gobanimada anta.

Sidoo kale,haweenku waxay door muhiim ah ku lahaayeen  wax soo saarka beeraha,warshadaha, dhismahii ururadii bulshada ee dalka,gaar ahaan ururkii shaqaalaha ee gudaha dalka ka curtay dagaalkii labaad ka dib iyo guud ahaan ka qeybgalka barnaamijyada horumarineed ee dalka ka hanaqaaday xilliyadii la soo dhaafay.

Inkastoo,  Xilligii Xoriyadda ay aad u yaraayeen  dumarka wax bartay ,haddana, dowladdi rayidka ee talada dalka la wareegtay 1960-kii,waxa  ay ku  guuleysatay in loo siman yahay raadinta xirfadaha shaqo, waxbarashada iyo xuquuqaha kale ee bulshada,waxaana waqtigaasi iyo sanadihii ka dambrryay so baxay dumar leh aqoon iyo xirfado kala duwan oo wax ku kordhiyay horumarka dalka.

Dhinaca kale dowladdii kacaanka ee ay hoggaaminaayeen mileteriga Soomaaliya,iyadoo aaminsan nidaamka hantiwadaagga waxa ay haweenka u aqoobsadeen udub-dhexaadka bulshada ee lagama maarmaanka u ah habka dhaqan dhaqaale ee dunidaan casriga ah.

Haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badbaadinta  iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuur  iyo horumarinta hab-nololeedka guud.

Waloow ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in fursadaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin kuwo ka hooseeya fursadaha shaqo ee ay helaan  ragga,

Maanta tirada ugu badan Xoogagga shaqeeya dunida, boqolkiiba 45.4 waa haween, waana kuwo ka dambeeya isbadal kasta oo loo qaado dhanka horumarka,sidaa daraadeed,waxaa waajib ah in xil la iska saaro kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee haweenka .

Gabagabadii ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah uga direynaa Ururada Haweenka Caalamiga ah ee Dunida,kuwaas  oo maanta u dabaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso,waxaanna u rajeyneynaa horumar iyo barwaaqo.

SONNA

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyay haweenka Soomaaliya oo maanta u dabbaaldegay 8-dda marso

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunida,gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo maanta u dabbaaldegaya munaasabadda  8-da Maarso oo ah maalin caalami ah.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee ay kaga jiraan horumarinta, dhaqaalaha dalka iyo samatabixinta qoysaska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay kaalinta taariikhiga ah ee ay ka qaateen halgankii gobonnimo doonka iyo kaalinta maanta ay ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa qiray in haween badan ay naftooda ku waayeen halgankii loo galay madaxbannaanida dalka iyo sidoo kale dagaalada xilligaan lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ku haray deegaanno kooban oo dalka ah.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay haweenka Soomaaliyeed in ay halkaasi ka sii wadaan dadaaladooda ku aadan ka qeybqaadashada horumarka dalka,isagoo dhinaca kalena u rajeeyay in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta Soomaaliya.
Muqdisho, 07 Maarso 2024:-Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee Marwo Hodan Cismaan in ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halkan Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Hey’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan-gelinta Gaadiidka iyo Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.
Golaha Wasiirrada, ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee sugidda amniga, xasillinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka.

Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka. Hanaankan cusub ayaa ah mid si digital ah loogu hubinayo xogta muwaadinka, hanaanka dirista baasaboorka iyo habka qaadashada intaba.

Adeeggaan cusub oo ah mid la jaanqaadaya habka casriga ah ee bixinta baasboorada, ayaa looga maarmi doonaa in lagu qoro gacanta codsiyada baasaboorka iyo xogta muwaadinka waxa uuna meesha ka saaridoona culeyskii ka iimaan jiray foomamka gacanta lagu buuxiyo, isaga oo soo gaabinaya waqtiga hubinta iyo daabacaadda intaba.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa si joogta ah horumarin iyo isbedal casriyeysan ugu sameynaysa hanaanka adeeg bixinta taas oo ay hay’addu ugu gol leedahay fududaynta adeegyadeeda bulshada u hayso.

ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya  ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo gebagabeeyey Wejigii labaad ee dhimista ciidankooda, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan. Xilwareejinta ayaa ku soo beegantay iyadoo 3,000 oo askari laga saaray Soomaaliya. Labadii Weji ee hore ee dhimista, 5,000 oo Askari ayaa ka baxay Soomaaliya, 13 saldhig oo ciidan ayaa lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya. Howlgalka oo loo yaqaano ATMIS ayaa waxaa ku jira ciidamo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Alhaji Sarjoh Bah, oo ah Agaasimaha maareynta khilaafaadka ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga ee guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay in soo-saarkii labaad uu muujinayo in Soomaaliya laga yaabo in ay isu diyaariso in ay xakameyso dhammaan mas’uuliyadda amniga ee dalka dhammaadka 2024-ka, markaasoo howlgalka uu ku eg yahay, lana filayo in gabi ahaanba laga baxay. “Dhammaystirka marxaladan dhimista, iyadoo ay jiraan caqabado waaweyn, oo ay ku jiraan El Niño [qaabka cimiladu], waxay marag madoon u tahay rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan kala-guurka habeysan,” Bah ayaa yiri intii ay socotay xafladdii xil-wareejinta oo ka dhacday Muqdisho.

Saraakiisha ayaa markii hore filayey inay dhameeyaan wejiga labaad ee ka bixitaanka ATMIS dhamaadka bisha Sebtembar. Si kastaba ha ahaatee, weerarrada Al-shabaab ee weli socda oo ay weheliyaan dib-u-soo-noqoshada ciidamadii horay looga qabsaday, ayaa dowladda Soomaaliya ku qanciyay inay codsato in dib loo dhigo xilliga la dhimi doono.

Qorshaha Wejiga 3-aad

Qorsheynta Wejiga 3-aad ee dhimista ayaa bilaabatay bishii Febraayo intii lagu jiray shir afar maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen taliyeyaasha howlgalka. Wejigan ayaa la filayaa in ay ku jiraan bixitaanka 4,000 oo askari oo dheeraad ah bisha June. Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in ciidamada ammaanku ay galayaan “marxaladda ugu xasaasisan ee howlgalka.”

“Ma fududa, laakiin waa inaan ka gudubnaa caqabadaha anagoo ku sii jirna feejignaanta ugu badan inta lagu jiro xilliga kala guurka,” Souef ayaa ku yiri sii deynta wararka ATMIS. Taliyaha ciidamada ATMIS ee dalka Uganda Lt. Gen. Sam Okiding ayaa sheegay in taliyeyaasha ay ka wada hadleen arrimo badan. “Waxaan baarnay xaaladda amniga Soomaaliya, waxaana tixgelinnay halka ay hadda taagan tahay al-Shabaab, iyo sidoo kale waajibaadkeenna iyo xaaladda amni ee ATMIS-ka kaddib,” ayuu yiri.

Maraykanka oo Dhisaya Saldhigyo Ciidan

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo waxa ay ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya. Weerar kan la mid ah oo Mareykanka uu fuliyay ayaa bartamihii bishii hore ee Feberaayo waxaa uu ka dhacay deegaan ka fog fog ee Maamulka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya.

Maalmo kadib howlgalkii Jubaland, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay ku dhawaaqday in ay qorsheyneyso in ugu yaraan afar saldhig oo ciidan ay ka dhisto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay; Dhuusamareeb, oo ah degmo ka tirsan Galgaduud; Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe; iyo Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiskan ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu tayeynayo ciidamada Soomaaliya iyo ciribtirka Al-Shabaab. “Heshiiskani waxa uu caawinayaa qorshayaashayada aan dalka kaga xoraynayno Al-shabaab iyo sugidda amniga,” Maxamuud ayaa sidaas ku yiri xafladdii saxiixa.

Guutada Danab ee Milatariga Soomaaliya ayaa lagu xirayaa saldhigyada cusub. Milatarigu waxa ay aasaaseen guutada 2017 kii dib markii ay Soomaaliya iyo Maraykanku heshiis ku gaareen in ay qortaan, tababaraan, qalabeeyaan, iyo la taliyaan 3,000 oo rag iyo dumar ah oo ka kala socda gobolada dalka si loo dhiso awood ciidan oo xoog leh oo ka dhex jirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Guutada ayaa markii hore ka koobnaa dad gaar ah oo ka yimid gobollada ugu saboolsan dalka. Laakiin aragtideeda dadwaynaha ayaa kor u kacday wakhti ka dib, oo hadda waxay shaqaaleysiinaysaa musharaxiin aqoon sare leh, oo uu ku jiro ugu yaraan hal dhakhtar.

Ciidanka Danab waxaa loogu talagalaa in 72 saacadood gudahoodoo weerar deg deg ah, waxayna si joogto ah u raadsadaan ilaa 350 Askar cusub ah markiiba, si ay u tababaraan, islamarkaana ay la wareegaan goobta dagaalka.

Waxaa qortay Madashada Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (ADF)

Ciidanka taliska Abiye oo laga saaray magaalada Bahir-dar

0

Xaalad kacsan ayaa laga soo warineyaa, magaalada Bahir Dar ee xarunta is maamulka Amxaaradda ee Itoobiya, ka dib dagaalo qaraar oo shalay ilaa saaka ku dhex maraya ciidanka maamulka Addis Ababa iyo jabhadda FANO.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, jabhadda Fano ayaa inta badan la wareegtay magaalada Bahir Dar, mana jiro wax dhaq dhaqaaq dadweyne oo saaka ka jira halkaas.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa baajisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi laheyd magaalada Bahir Dar.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha nafeed ee dagaalka ka socda Bahir Dar, haddana ilo war gal ah, waxay sheegeen in ku dhowaad 20 kamid ah ciidanka maamulka Addis Ababa lagu dilay dagaalka.

Guul darooyinka is daba jooga ah ee ay la kulmayaan ciidanka maamulka Abiy ayaa tusaale u ah hogaamin xumada Abiy Axmed, taas oo sida khubarada gobolka aaminsan yihiin keeni doonta burburka Itoobiya.

Magaalooyinka iyo degaanada ku dhow dhow Bahir Dar, ayuu dagaalka ku fidey, waxaana kamid ah, waqooyiga Shoa, Gojjam, Gondar, waqooyiga Wollo iyo kuwo kale,
Maamulka Abiy ayaa hadda isku dayaya in ay iska caabiyaan dharbaaxada kulul ee ay ku dhufteen jabhadda FANO, waxayna ciidamo ka soo aruuriyeen deegaanka Benshagul ee dhaca waqooyiga galbeed ee Itoobiya,
Isku daygaas oo u muuqanaya mid aan xilliga waaciqi aheyn, maadaama gobolka intiisa badan horey looga soo saaray maamulka Abiy.

 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo u hambalyeeyay Wasiirka Caafimaadka Qadar oo loo aqoonsaday wasiirka ugu wanaagsan dunida

0

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadam ayaa yiri”waxaan u hambalyeynayaa Wasiirka Caafimaadka Dowladda Qadar H.E Dr. Hanan Mohamed Al kuwari oo ku guuleysatey Wasiirka ugu wanaagsan aduunka.

Wasiirka ayaa xusay in abaalmarintaan ay muuineyso dadaalka gaarka ah ee ay wadaan Wasiirada Caafimaadka ee ku kala sugan daafaha dunida oo ay Soomaaliya ka mid tahay,isagoo yiri “tallaabadaan waxay  kor u qaadeysaa tayada shaqo ee hay’adaha dowliga iyo hirgalinta qorshayaasha lagu horumarinayo  bulshooyinka Caalamka.

“Waxaan u aragnaa dadaallada lagu dhiirigelinayo saraakiisha kale ee Dowladdaha iyo bixiyeyaasha adeegga Caafimaadka in ay yihiin kuwo    Kobcinaya hal-abuurka iyo kor u qaadista aqoonta iyada oo la tixgelinayo xaaladaha ku saabsan arrimaha caalamiga ah ee maanta iyo burrito ayuu hadaladiisa ku soo gabagabeeyay wasiirka caadifaadka XFS Mudane Cali Xaaji Aadam.

Ciidanka Xoogga oo hawlgal ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal

0

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan à Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Kumaandooska Ayaa Heley Xogta in Khawaariijta ay isku aruursanayaan Deegaanadaas Howlgalka ayaana lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

Deegaanada howlgalku ka dhacay ayaa ciidanku la wareegay waxaana la burburiyey saldhigyadii Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay madasha diblumaasiyadda Antalya

0

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee daris-wanaagga iyo iskaashiga ku saleysan is-ixtiraamka iyo dheef-wadaagga, waxa uuna sheegay in xasilloonida dalalka dhaca Badda Cas ay aas-aas u tahay nabadda iyo ganacsiga caalamiga ah, sidaas awgeed dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso iskaashiga iyo xasillooni gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in xadgudubka Xukuumadda Itoobiya ay ku sameynayso midnimada iyo madaxbannanida Soomaaliya ay wiiqayso dadaallada caalamiga ah ee xasilinta marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas, waxa uuna beeniyey dhammaan qodobbada mala-awaalka ah ee ay ku marmarsiyoonaysay Xukuumadda Itoobiya, kuwaas oo ay ku doonayaan in ay ku xalaashadaan Baddeena.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isgoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo guddoomiyay shirka wada-tashiga golaha wakiilada ee dowlad goboleedyadda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay shirka wada-tashi guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada dowlad goboleedyadda,kaas oo looga hadlaayo qodobbo badan oo ay ku jiraan arrimaha dastuurka. dalka iyo guddoonka BJFS.

Shirkaasi waxaa Guddoomiyaha ku wehelinaayey Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade.

Shirka wada-tashiga ayaa qeyb ka ah talo gelinta arrimaha dib u eegista Dastuurka oo doodiisa ay ka socoto Baarlamaanka labadiisa aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedka shirka oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa ah in guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyadda ee ka qeyb galaya shirka wada-tashi ee wax ka bedelka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay shacabka gobolada u gudbiyaan ama gaarsiiyaan horumarada lagu saleeyay qodobada dastuurka.