Home Blog Page 331

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Gaaray Magaalada Kismaayo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyeen  Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.

Gudddiga Dib u eegista iyo La socodka Hirgelinta Dastuurka oo kulmay

0

Gudddiga Dib u eegista iyo La socodka Hirgelinta Dastuurka, ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka shaqeynayey dejinta iyo qorista habraac u gaar ah ansixinta iyo wax ka bedelka Dastuurka ku meel gaarka oo ay gacanta ku hayaan.

Habraacan oo noqon doona habraac u gaar ah habka ka doodista iyo wax kabedelka Dastuurku uga hirgeli karto golayaasha baarlamaanka JFS, si looga doodo looguna ansixiyo intaanay  golayaashu fasaxooda gelin.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya

0

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen madax ka socota hey’adaha dowladda iyo Beesha Caalamka, ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya, si looga hortago biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto. Xukuumadduna ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxaha Khawaarijtu oo burburiyey ilo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi.

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Beeraha Dhirta iyo Waraabka, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobaleed, Hay’adaha Deeq-bixiyeyaasha, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

Golaha Shacabka BFS oo Maanta Meel Mariyey Hindise Sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaaan galinta dadweynaha.

0
Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Marwo Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar ayaa shir guddoomisay Kalfdhiga 2aad kulankiisa 24aad ee Golaha Shacabka BJFS ayadoo uu goobjoog ahaa Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow
Kulanka oo ay soo xaadireen 147 Xildhibaan ayaa ajendihiisu Ahaa
1)Akhrinta 3aad iyo u codeynta hindise Sharciyeedka dhowrista. maalgashadayaasha iyo maalgashiga.
2)Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Daweeynaha.
3)Qeybinta Warbixinta Akrinta 2aad Ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada.
Intaasi kadib guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Xaaji Yaasiin Samatar ayaa codgalisay labada sharci ee kala ah hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga.
Iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Daweeynaha.
Ugu horeeyn waxaa loo codeeyay hindise Sharciyeedka dhowrista
maalgashadayaasha iyo maalgashiga waxaana Haa ugu codeeyay 145 xildhibaan waxaana diiday 2 xildhibaan wax ka aamusayna majiro dhanka kale waxaa cod lagiliyay Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Daweeynaha.
Waxaa Haa ugu codeeyay 146 xildhibaan waxaa diiday 1 xildhibaan wax ka aamusayna majiro
Ugu dambeyntii Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta iyadoona sheegtay in ay Ansaxyahiin labada sharci ee kala ah hindise Sharciyeedka dhowrista maalgashadayaasha iyo maalgashiga.
Iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Daweeynaha.

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta tababar u soo xirtay shaqaale katirsan Xarunta Howlgallada Gurmadka Degdega (NOEC) qaybta Cafimaadka Ee Hey’adda SoDMA

0

Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta tababar u soo xirtay shaqaale katirsan Xarunta Howlgallada Gurmadka Degdega (NOEC) qaybta Cafimaadka Ee Hey’adda SoDMA oo muddo laba usbuuc ah qadanayey tababar arimaha gurmadka deg deg ah la xariira taas oo ay bixinayeen dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka weyn ee Madiina.

Shaqalahaan tababarka loo soo xiray maanta ayaa gaaraya 10 qof waxaana muddadii simanaarkan socday iska kaashaday Maamulka isbitaalka Madiina Madina Hospital iyo Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka SoDMA Somali Disaster Management Agency-SoDMA .

Madax Qaybta cafimaadka Xarunta Howlgalada Gurmadka Degdega ee hey’adda SODMA dr. Abdulaahi Muuse Ahmed ayaa kawarbixiyey tababarkaan in lagu dhisayay aqoonta iyo xirfada shaqaalaha qaybta caafimaadka ee Xarunta NEOC oo mar walba heegan ugu jira xaaladaha ka howlgalida xaaladaha caafimaad ee Gurmadka Degdega.

Agaasimaha isbitaalka madiina Dr Mohamed Burtuqaal iyo Lataliye Saciid Goosh ayaa sidoo kale sheegay in tababarada nuucaan oo kale ah ay yihiin muhiim madaama dalkeena uu ku jiro xaalad adag.

Ugu danbeeyn ku simaha Agaasimaha xarunta qaran ee howlgallada gurmadka deg deg ah ee Hey’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka SoDMA Mudane Hassan Abdulkadir Ciise oo soo xiray Tababarkaan ayaa la dardaarmay shaqalahaan tabaarkaan maanta ka faaiideystay, isagoona xusay in la soo badin doono tababarrada nuucaan ah ee lagu dhisayo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee Xarunta Gurmadka NEOC oo u taagan mar walba la taaclida xaaladaha kala duwan ee gurmadka kuwaas oo ka dhaca dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray Bandhiga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Bandhiga Carwada Warshadaha Soomaaliyeed oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Bandhigaan oo ay soo qaban qaabiyeen Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu soo bandhigay wax soo saarka Warshadaha ka dhisan dalka, taasi oo loogu kaaftoomayo baahida Ganacsatada Soomaaliyeed ay u qabeen in dalka dibadiisa ay kasoo dhoofsadaan badeecadaha maanta lasoo bandhigay.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Guddiyadda Warshadaha iyo Ganacsiga Gobolka Banaadir, Ganacsato iyo daneeyeyaal kale ayaa kasoo qeybgalay Bandhigaan oo ah kii ugu horeeyay ee lagu qabto dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga

0
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga’ waxaana sharcigaan u codeeyey 145 Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta hindise sharciyeedka ‘Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga’ iyo marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha, sidoo kale ajendaha maanta waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa ka qeyb galay kulan ay Hey’adda Heritage kusoo bandhigeysay cilmi baaris ay ka sameysay Caasimadda JFS ee Muqdisho.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa ka qeyb galay kulan ay Hey’adda Heritage kusoo bandhigeysay cilmi baaris ay ka sameysay Caasimadda JFS ee Muqdisho.

Cilmi baaristaan oo ka koobneyd Lix qodob ku aadan Siyaasada, Amniga, Dhulalka, Nidaamka magaalada, Dhallinyarada iyo Deegaanada aan rasmiga aheyn ayaa madasha lagu soo bandhigayay waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh), Aggaasimayaal, Aqoonyahano iyo ururada bulshada Rayidka.

 

FGS WEEKLY BRIEFING.

0

FGS WEEKLY BRIEFING.

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka Muqdisho, Arbaco 01, Maarso 2023

0

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka

Muqdisho, Arbaco 01, Maarso 2023

1- Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub kala hadley in la taageero qorshaha xasilinta goobaha laga saarey Khawaarijta, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay muhiimad siineyso oo ah degaanadaasi degdeg loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.

2- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay dardar galinta mashaariicda ka socda dalka, laguna soo bandhigay warbixin la xiriirta barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

3- Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa adeeg waxbarasho ka hirgelineysa degaanka Janay Abdalla ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa mashruucan uu qeyb ka yahay barnaamijka xasilinta ee dagaannada laga xureeyay Khawaarijta.

4- Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta oo ku yaalla Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

5- Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa qabsadey degaanno kala duwan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, halkaasina ku dilay tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta.

6- Hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare. Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug.

7- Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan.

8- Soomaaliya ayaa toddoobadkan saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al Shabab ka guddoontay Dowladda Mareykanka.

9- Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xoojinaya amniga caasimadda ayaa gacanta ku soo dhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabab oo maleegayay falal amniga ka dhan ah.

10- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo.

11- Dowladda ayaa toddobaadkan xirtey ciidan lagu soo eedeeyay inay rasaas ku fureen Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid iyo dad rayid ah oo marayey degaanka Siinaay ee magaalada Muqdisho.

12- Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dagaalka DFS ay kula jirto Khawaarijta, xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeyn ee ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo weliba horumarka laga sameynayo Deyn Cafinta.

13- Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa daah furtay tartanka Hirgeli Hibadaada oo suugaanleyda ay ku soo bandhigi doonaan suugaanta ku saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada khawaarijta.

14- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka macallimiinta ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee XFS.

15- Wasaaradda Qorsheynta ee XFS ayaa daah furtay Shir weynaha Xalka Waara ee heer Qaran

halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo Isku-Dubaridka wax ka qabashada barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed.

16- Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilad Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo lagu arkay xeebaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad Goboleedka HirShabelle. Dowladda ayaa baaritaan arintaas kui saabsan bilowday