Ciidanka Booliska oo soo xiray 9 eedaysane oo ka tirsanaa Ciidmada Qaranka sida

Date:

Howlgal ay fuliyeen Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaya Hey’adaha ammaanka Caasimadda, ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Askarta lagu soo qabtay howlgalkaas ayaa lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii laga soo saaray inaan la ridi karin rasaas loogu dabaal-degayo Todobaadka Xorriyadda.

War kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri “Waxaa socota baaris, maadaama uu jiro khasaare ka dhashay rasaastii sharci darada aheyd ee xalay la riday, sidoo kale hey’adaha ammaanka waxay baadi goob ugu jiraan tiro kale oo askar ah iyo gaadiidka xabado laga dul riday.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...