Home Blog Page 330

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland oo la kulmay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway

0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah kula la qaatay Xafiiskiisa Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u jooga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Heidi Elburgi Johansen iyo Carsten Carlsen, oo ah siihayaha Safaaradda Norway ee Somaliya.

Kullanka ayaa diirada lagu saaray dardargalinta wada-hadallada DFS & SOMALILAND, iyo safarkii wadatashiga ee aan dhawaan uu Ergayga ku tagay dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Ergayga ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta kullanka ka qeybgalay doorka Dowladda Norway ee nabadaynta, xasilinta iyo guud ahaan barnaamijyada dawlad-dhisidda ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Dalka Qatar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

 

Tiyaatarka Qaranka oo si rasmi ah uga furmay barnaamijka tartanka Hirgeli Hibadaada

0

Xarunta Wakaaladda Murtida iyo wacyigalinta Qaranka ee Tiyaatarka Qaranka waxaa maanta si rasmi ah uga furmay barnaamijka tartanka Hirgeli Hibadaada oo ka qeyb galayaan bahda Sugaanta qeybahooda kala duwan.

Tartanka oo uu horayn uu daah furay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa muddada uu soconayo  tartamayaasha ku soo bandhigi doonaan sugaan ka hadleeyso falalka guracan oo ay khawaarijtu ku heyso shacabka Soomaaliyeed iyo ka qayb qaadashada dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta.

Tartamayaashii saakay lagu daah-furay ayaa halkaas ku soo bandhigay heeso iyo gabayo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, iyo halista kooxaha argagixisada ah.

Mid kamid ah tartamayaasha hirgeli hibadaada oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdullaahi  ayaa yiri “Madaxweyne geesi ah markuu talada miisaamay iska dila mariidkana na yiri ee midnimo duula milatari careysani markuu Miigga amar siiyey”

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa daah-furkii toddobaadkii hore ka sheegay in u jeedka yahay sidii kaalin weyn Abwaaniinta Soomaaliyeed uga qaadan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxda khawaarijta, noqdana wejiga saddexaad ee khawaarijta loogula dagaalamayo dhanka Fikirka.

Dagaalka ka dhanka ah  khawaarijta ayey Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u midoobeen, iyadoo suugaantu ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee Soomaalidu fariimaha isku gaarsiiyaan,  barnaamijkan qayb ka noqonayo qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo fikirka xagjirka.

 

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Madaxda Xafiisyada Arrimaha Bulshada, Dib-u-dhiska iyo Xuquuqul Insaanka

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Madaxda Xafiisyada Arrimaha Bulshada, Dib-u-dhiska iyo Xuquuqul Insaanka ee hoostaga Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Howlgalka ATMIS.

Kulanka ayaa loogu hadlay sidii Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xafiiska ATMIS ay ugu wada-shaqeyn lahaayeen fulinta Mashaariicyo Horumarineed oo ay ugu horeyso Dhismayaasha Kaabayaasha Dhaqaalaha, Dib-u-dhiska Suuqayada, Kawaanada iyo xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada.

Madaxa Xafiiska Dib-u-dhiska ATMIS Mr. Andew ayaa sheegay in Qorshaha ATMIS ee Xasilinta iyo soo kabashada ay qeyb ka tahay sidii dalka loogu fulin lahaa Mashaariicyo Horumarineed oo ay ugu horeyso Kaabayaasha Dhaqaalaha si loo helo kobac dhaqaale iyo Bulsho isku filan.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Ciidanka Xoogga ee ku sugan furimaha hore ee Dagaalka Bariga gobolka Galgaduud

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ku sugan aagaga furimaha hore  ee dagaalka ayaa halkaas kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la hadley guutada 27-aad ee Abuu-dujaanah oo ku sugan furimaha bariga gobolka Galgaduud, isagoo u tilmaamay muhiimadda uu leeyahay dagaalka ay ciidanka kula jiraan khawaarijta.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku bogaadiyay guutada 27-aad ee Abuu-dujaanah iyo guud ahaan ciidanka Qaranka baacsiga Khawaarijta firxadka ah iyo goobaha badan ay xoreyeen , waxuuna sheegay in dhawaan la soo afjari doono kuwa dhuumaaleysiga ku jira ee Diinteenna suubban ka been sheegtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah u jooga gobolada dhexe ee dalka oo uu ka socdo hawlgallada dalka looga sifeynayo Firxadka Khawaarijta ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo dalkeenna.

 

Xubin katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Hafow Abdulkadir Ibraahim oo Magac afgarashada Khawariijta u taqaan yahay (Saabir ) kana tirsan Nabadiidka Al-Shabaa  ayaa Isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60-aad.

Hafow ayaa Muddo 1-sano ah khawariijta u qaabilsanaa waxa aay u yeeraan Jabhada, Wuxuuna ka soo howlgaley Deegaanno ka tirsan Jubbada Hoose iyo Bakool,waxa una  Baaq udirey Saaxibadiisa kale ee ku jira Khawariijta in ay isaga soo baxaan ay Isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda.

Ciidanka Qaranka oo kaashanay shacabka soomaaliyeed ayaa dagaal xooggan kula jira firxadka Maleeshiyada khawaarijta,iydoo ay maalin walba ciidanka xoogga dalka ay isa soo dhiibaan xubno badan oo katirsan argagixisada.

 

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka :Khawaarijta gabbalkoodii wuu dhacay, waana laga adkaan doonaa wakhti dhaw

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay dibad-bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka ee dagaalka kula jira Khawaariijta,ayaa  sheegay inay shacabku barbar taagan yihiin ciidankooda qalabka sida iyagoo ballan qaaday inay is abaabuli doonaan xoojinna doonaan wada-shaqaynta iyo garab istaagga Ciidanka.

Raiisul Wasaare Ku-xigeenka oo shacabka kula hadlayay faraagaraha daljirka ayaa sheegay in Khawaariijta gabbalkoodii dhacay lagana adkaan doono wakhti aan fogayn, isagoo ku ammaanay maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin taageerada halganka dalka looga xoreynayo cadawga ummadda Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir : Waa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyo

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),oo ka qeybgalayay kulan lagu taageerayey howlgallada dalka looga xoreynayo khawaarijta ayaa sheegay in dhammaan shacabka gobolka Banaadir looga baahanyahay in ay si wadajir ah uga qeyb galaan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

“Waa inaan muujinaa midnimadeena ku aadan ladagaalanka Khawaarijta iyo in dalkaan laga sifeeyo”,Guddoomiye Madaale

Duqa muqdisho waxa uu bogaadiyay guulaha geesiyaasha xoogga iyo kuwa degaanka ay kasoo hoyeen howlgalka socda,waxa una Ganacasatada,odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada faray in ay muujiyaan kaalintooda ku aaddan dagaalka dalka looga xoreeynayo khawaarijta,cid laga yeelayana aysan jirin in cabsi AlShabaab ay ugu harto howlgallada dalka ka socdo.

“Dadka kulamada looga arrinsanayo ka qeybgalka dagaalka aan imaan ama ka dhuumanayo cabsi Shabaab awgeed,waxaan tuseenaa in sida cadawaga ay uga cabsanayaan si lamid ah nooga cabsadaan,Xabsiga ayana la dhigayaa”,sidaa waxaa yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Dalka waxaa ka soconayo howlgallo dhulka iyo circa ah kaa oo ay wadaan geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanayo kuwa degaanka,iyadoo degaanno badan laga saaray khawaarijta,waxana xusid mudan in madaxweynaha JFS Xasan Sheekh,uu muddo ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb halkaa oo uu kawado dar-dargalinta dagaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Muqdisho-Somalia

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ku baaqay in la garab istaago ciidanka Qaranka

0

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo warabaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la garab istaago ciidamada Qaranka ee ku jira howlgallada ka dhanka ah kawaarijta

Maxamed Mursal ayaa sheegay in la joogo dhammaadkii khawaarijta sida wadajir ahna lagu dhamaystiri karo,dhammaana shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in aan loo kala harin dagaalka ka dhanka khawaarijta si dalka looga xoreeyo degaannada fara kutirska ah ay gacanta ku hayaan cadawga.

Guddoomiyihii hore dalka ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidanka Qaranka guulaha ay ka keeneyn howlgallada dalka looga xoreeynayo khawaarijta,madaxweynaha JFS ayuu guddoomiyahu  ku ammaanay sid ay uga go’antahay ciribtirka khawaarijta guud ahaana dalka ,waxa una Shacabka Soomaaliyeed  ugu baaqay in aan loo midoobo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Dhanka kale Maxamed Mursal waxa uu baaq u diray shacabka koonfur galbeed oo uu sheegay in ay u istagaan sidii ay isaga dul qaadi lahayeen cadawaga muddada dheer dhibaatada ku hayay shacabka ku nool degaanada koonfur galbeed.

Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray xafiisyada dowladda ee ku howlan dakhli aruurinta

0

Si loo dar-dar galiyo sare u qaadidda dakhliga Dowladda, wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kormeer ku tagay xafiisyada ku howlan dakhli soo saarka iyo uruurinta cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Faysal Maxamed Xaashi iyo Agaasimaha Waaxda Cashuuuraha Barriga Cabdulaahi Nuur Shirboow.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige ayaa ku dhiirigaliyay kooxda ku howlan arrimaha dakhliga iyo cashuuraha oo laf-dhabar u ah shaqooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ku dadaaleysaa sare u qaadidda dakhliga, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhameystirka shuruudaha deyn-cafinta.