Home Blog Page 330

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

0

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo xalay ka hadlay munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga taas oo lagu xusayay 64-sanno guurada ka soo wareegtay dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed isagoo ayaa Hambalyo u diray Dhammaan Ciidanka Xoogga,xasaaskooda,Carruurtooda iyo Saraakiishooda kala duwan.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Hadh iyo habeen difaacyada iyo furimaha Dagaalka ugu jiraan Difaaca dalka iyo sidii nabad ugu ledi lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka xoogga u diyaar yihiin dhammaan difaacida Xuduudaha Dalka sida Dhulka,Cirka iyo Badda oo marna aanay suurogal ahayn in taako dhulkeena ka mid ah la qaato.

Wasiirka ayaa ugu dambayn uga mahadceliyey Dowladda Turkiga iyo dowladdaha kale ee Soomaaliya ka taageera dhismaha Ciidamada.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

0

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan Casho Sharaf ah oo lagu soo bandhiggayay dhaqanka dadka Soomaaliyeed isla markaana loogu dabaaldegayay munaasabadda Ciida,waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay ganacsiga heerka sare gaaray ee dadka Soomaalida ku leeyihiin dalka Kenya.

Xafladaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Madxafka Qaranka ee dalka Kenya,Munaasabadaan ayaa hordhac u ah badhig soconaya mudo dhowr maalmood ah.

Kumannaan kamida dadka ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa u daawasho tegay bandhiga dhaqanka Soomaalida. Bandhigaan ayaa lagu qabtay Madxafka Qaranka

Ma ahan oo kaliya in dhaqanka la soo bandhigayo, balse waxaa iyadana munaasabada lagu soo bandhigay firfircoonida iyo kobcinta ganacsiyada dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle , ayaa Xafladaas ka jeediyay khudbad meelo badan taabatay. Isaga oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in dadka Soomaaliyeed la isku soo dhaweeyo.

Shan qof ayaa ku dhimatay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Gaza

0

Shan qof ayaa ku dhintay in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay Israa’iil ku qaadday bartamaha magaalada Gaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Qaza.

Dadka Israa’iiliyiinta ah ayaa weerarro kala duwan ka geystay daanta galbeed ee la haysto, iyagoo mid ka mid ah ku dilay, dhowr qof oo falastiiniyiin ahna ku dhaawacay, baabuur iyo guryo ay ku gubeen, rasaasna ku fureen gaadiidka gurmadka degdegga ah ee Bisha Cas.

 

Hay’adda AL-Mahasin Foundation oo kaashanaysa Hay’adda gargaarka ee Boqor Salmaan ayaa maanta oo ah labaad Sakaatul Fidriga u qeybisay dadka naafada ah ee ku jira Isbitaalka Martiini iyo danyare ku nool kaamamka ku yaala degmadooyinka Dayniile

Hay’adda AL-Mahasin Foundation oo kaashanaysa Hay’adda gargaarka ee Boqor Salmaan ayaa maanta oo ah labaad Sakaatul Fidriga u qeybisay dadka naafada ah ee ku jira Isbitaalka Martiini iyo danyare ku nool kaamamka ku yaala degmadooyinka Dayniile,Afgooye,Balcad iyo deegaanka Ceelasha biyaha gobalka shabeelaha hoose.
Mashruucan oo ka mid ah mashaariicda ay bixiso Hey’adda Gargaar iyo arrimaha Bini’aadanimada ee Boqor Salmaan oo ay ku taageereyso shacabka Soomaaliyeed, waxaa uu ka midyahay Barnaamijyada horumarineed ee dhinaca Caafimaadka ,Biyaha,Waxbarashada iyo buuxinta Baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul ee Bulshada ku dhex nool.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo si rasmi ah u soo xiray tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa si rasmi ah u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 32 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka,, waxaana taaba-gelinta si wadajir ah isaga kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay, guddiga tartan cilmiyeedka, Agaasimaha Telefishinka Qaranka Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar, Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka SONNA Ismaaciil Mukhtaar Cumar Orange iyo xubno kale.

Sidoo kole Tartanka Waxaa caawa Tabinaayay Wariyaasha kala ah Mohammed Abdikadir Osman Silver iyo Yaxye Cali Faarax.

Mudane Maxamed Abuukar Axmed Ma’da oo ah Guddoomiyaha guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoontooda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihiyeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, isla markaana uu xusay inay jireen Macalimiin Soomaaliyeed oo si qoto dheer ula socday hannaanka tartanka.

Qaar ka mid ah tartamaayashii kaalimaha koowaad iyo labaad ka galay tartanka oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ku siisay tartanka, ayna ku qanacsanyihiin natiijadii tartanku ku soo idlaatay, kuwaasi oo isugu hambalyeeyay guusha.

Guddoomiye Ku-xigeenka Bankiga IBS Cabdirisaaq Cali Warsame ayaa sheegay in u jeedka tartanka uu ahaa in aqoon ay kala kororsadaan iyo isbarasho dhamaan ka qeybgalayaasha tartanka.

“Waan u hambalyeynayaa dhamaan ka qeybgalayaasha tartanka, gaar ahaan kuwa kaalimaha hore ka galay tartanka, waxaana diyaar u nahay in sanadka xiga kan IBS ahaan aan wax badan ku soo kordhin doono tartanka”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaarinta tartanka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Bankiga IBS oo iska kaashaday taabagelinta tartanka.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, waxaan u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxda iyo Howlwadeenada tartankka, halkaaas ayuu noogu xiranyahay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeybgaleen 32 degmo”. Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Mohammed Abdikadir Osman Silver
Mohammed Abdikadir Osman Silver
Maxamed Abuurkar Ma’da

Sawir qaade:-Muuse Cabdullaahi Cirro

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa ku guuleysatay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ku tartamay Degmooyinka Laascaanood iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyoSool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Laascaanood iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Laascaanood
Tartameyaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afarsu’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xamarweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Laascaanood ay heleen waxay noqotay Sideedx (08) dhibcood.

Xamarweyne

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Laascaanood, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Sida sharciga tartanka uu qabo marka labo degmo ay wadartooda dhibcaha noqdaan isku mid, waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro oo loo helo hal degmo oo ku guuleysata tartanka

Su’aalihi dheeriga ahaa ee lagu daray oo lagu bilaabay tartamaayasha Xamarweyne ee Gobalka Banaadirwaa ay iska qaldeen su’aashii la weydiiyay balse Laascaanood iyana kama aysan faa’ideysan , Balse tartamayaasha degmada Laascaanood waxa ay ka jawaabeen su\aashii 8-aad ee dhankooda la weydiiyay, sidaas ayayna caawa ugu guuleysatay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka markii ugu horeysay oo ay ka qeybgaleen.

Hadaba kulankii 32-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo ahayd kulanka kama dambeysta ah ee tartanka caawa waxaa ku guuleysatay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sanadkan waxaa kaalinta 1-aad galay tartameyaasha degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana kaalinta 2-aad ku guuleysatay tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, halka kaalinta 3-aad ee sanadkan ay ku guuleysteen tartameyaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud..

Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin Foundation oo kaashanaysa xarunta Gargaarka Bani’aadantinimo ee King Salmaan,ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelinayso Mashruucaha Sakaatul Fidriga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Sannadkan 1445-Hijriyadda/2024.

Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin Foundation oo kaashanaysa xarunta Gargaarka Bani’aadantinimo ee King Salmaan,ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelinayso Mashruucaha Sakaatul Fidriga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Sannadkan 1445-Hijriyadda/2024.

Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin ayaa gaarsiin doonta dadka danyarta ah Raashin dhan 646 Ton,Mahasin ayaa gaarsiin doonta deegaanada Dowlad goboleedyada Koonfur-galbeed,Jubaland, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir.

Mashruucan ayaa ka mid aha Mashaariicda Gargaarka ee ay bixiso Haya’adda Gargaarka ee King Salmaan kaas oo ay ku taageerto Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin ayaa uga mahadcelisay Haya’adda Gargaarka King Salmaan taageerada ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed kuwooda nugul.

 

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo caawa soo tiigsatay Kaalinta 3-aad ee tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa Kaalinta 3-aad ku tartamay Degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xarardheere iyo Ceeldheer ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.


Xarardheere

Tartameyaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afarsu’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xarardheere ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Ceeldheer

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Xarardheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Ceeldheer waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 31-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kaalinta 3-aad ee tatranka soo tiigsatay tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 29-aad ee tartanka waxaa kulanka kama dambeysta ah [Final] ee tartanka ku baratami doona degmooyinka Xamarweyne iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, iyadoo ciddii badisa ay ku guuleysan doonto tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeybgaleen 32 degmo oo ka kala tirsan Gobollada dalkeenna..

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Ciidanka Qaranka oo 11 Khawaarij ah ku dilay duleedka Balcad

0

-Ciidanka Qaranka ayaa saaka subaxdii hore fashiliyey weerar arbushaad ah oo kooxda Khawaarijtu isku dayeen in ay ku soo qaadaan degmada Balcad.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur( Furdug) oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xaqiijiyey in afaafka hore ee magaalada lagu dilay 11 xubnood oo ahaa Khawaarijtii isku dayga weerar soo qaaday saaka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa SONNA u xaqiijiyey in ay jiraan dhismeyaal Shacab oo khasaare soo gaaray.

Ciidanka Qaranka oo fashiliyey weerar Arbushad ah oo khawaarijtu ku soo qaadeen Balcad

0

Ciidamada Qaranka ayaa saakay fashiliyey dhagar ay Khawaarijtu u soo maleegtay shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen inay magaalada soo geliyaan.

Ciidamada geesiyaasha ah ayaa ka hor tegay dhagartaas, waxaana meel cidlo ah ku qarxay gaarigii cadowgu damacsanaa inuu ku dhibaateeyo shacabka, kaas oo loo soo ekeysiiyey gaari rakaab ah.

Guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa ku burburay qaraxaas la fashiliyey, mana jirto dhimasho ah oo soo gaartay shacabka, markii laga reebay dhaawacyo fudud oo soo gaaray saddex askari oo fashilisay dhagartaas.