Guddoomiyaha SoDMA oo xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Hoggaamiyaha Maamulka Khaatumo 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Mahamuud Moallim Abdulle oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyey Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo Md. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Hoggaamiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha wasiirrada maamulkiisa ayaa hoggaanka SoDMA la wadaagay warbixinnada bani’aadannimo ee ka jira degaannada maamulkaas iyaga oo u xusay sida dadka nugul wali ugu baahan yihiin garab istaag, halka ay ka mahad-celiyeen howlahii gargaar ee hay’addu ka qabatay gobolka Sool.

Ugu danbeeyn Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa booqashadooda kaga mahad-celiyay Hogaamiyaha Maamulka KMG ee SSC iyo wafdigiisa isagoo xusay in hay’addu sii laban-laabi doonto dadaallada bani’aadannimo ee ay ka waddo degaannada SSC-Khatumo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....