Home Blog Page 332

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka dalka

0

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka dalka, Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulanka shir guddoominaya, wuxuuna ku dhawaaqay in la ansixiyey dastuurka.

Kulanka xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kooramka soo xaadiray 254 mudane oo kala ah 212 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 42 senator oo Aqalka Sare ah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo kulan Afur-wadareed ah u sameeyey Diblomaasiyiin kala duwan

0

Safiirka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Jibril Ibrahim Abdulle ayaa afur Wadareed u sameeyay Diblomaasiyiinta Caalamka ee Dalalkooda u fadhiya Dalka Kenya kuwaas oo gaarayay in ka badan 40 Danjire oo ka socda Dalal kala duwan.

Danjirayaasha iyo Mas’uuliyiinta kale ee lagu casuumay afurka ah ayaa mahad-balaaran u jeediyay Amb Jabril Ibrahim Abdulle oo kulanka ku martiqaaday Safiirada dhigiisa ah islamarkaana u sameeyo Afur Wadareedka.

Talaabada uu qaaday Safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kor uqaadaysa wada-shaqeynta iyo hagaajinta xariirka Soomaaliya iyo caalamka.

Tartamayaasha Degmada Xarardheere oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 7-aad ku tartamay Degmooyinka Heliwaa iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Heliwaa iyo Xarardheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Heliwaa

Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Xarardheere

Tartamayaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal oo kaliya, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xarardheere waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 23-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 21-aad ee tartanka isla markaana ah kulanka ugu dambeeya ee wareegga Labaad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Baraawe iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Sanaag.

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

 

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 6-aad ku tartamay Degmooyinka Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Caabudwaaq

Tartameyaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, dhamaan todobadii su’aal ee la weydiiyay waa ay ka wada jawaabeen, Sidoo kale waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Aadan Yabaal , sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Caabudwaaq ay heleen waxay noqotay Sideed iyo Toban (18) dhibcood.

Aadan Yabaal

Tartamayaasha Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal,, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Aadan Yabaal waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 22-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 20-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Xarardheere iyo Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir.

 

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 5-aad ku tartamay Degmooyinka Kaaraan iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Kaaraan iyo Laascaanood ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Kaaraan

Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Laascaanood , sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Laascaanood

Tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal,, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Laascaanood waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 21-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 4-aad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Baay, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Kismaayo iyo Bardaale ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Kismaayo

Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Bardaale

Tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, , ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Bardaale waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Sida sharciga tartanka qabo marka ay labo degmo noqdaan isku dhibco waxaa laguj daraa su\aalo dheeri ah si loo kala saaro labada degmo oo ay midkood u gudubto wareegga xiga ee tartanka.

Su’aalihii dheeriga ah ee lagu daray oo lagu bilaabay tartamayaasha degmada Kismaayo waxa ay iska qaldeen su’aashii 8-aad ee tartanka, balse tartamayaasha degmada Bardaale kama aysan faa’iideysan fursadda soo martay, laakiin waxa ay si toos ah uga jawaabeen su’aashii dhankooda la weydiiyay sidaas ayayna ku heleen 14 dhibcood, halka Kismaayo ay la yimaadeen 12 dhibcood.

Hadaba kulankii 20-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 19-aad ee tartanka, waxaa jiri doono labo tartan qeybta hore waxaa ku baratami doona degmooyinka Kaaraan iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, halka tartanka labaad ay isku arki doonaan Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal oo ka kala trsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 3-aad ku tartamay Degmooyinka Dhoobleey iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhoobleey iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Dhoobleey

Tartameyaasha Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhoobleey ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Xamarweyne

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 19-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 18-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Kismaayo iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Baay.

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

 

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga Labaad kulankiisa 2-aad ku tartamay Degmooyinka Ceeldheer iyo Kaxda oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Ceeldheer iyo Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Ceeldheer

Tartameyaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay dhigooda Kaxda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Ceeldheer ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Hadaba kulankii 18-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 17-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhoobleey iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

Guddoomiyaha Guddiga tartamayaasha Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Ma’da ayaa sheegay in guddiga uu marwaliba u taaganyahay xalinta wixii tabasho ah ee soo baxa, si habsami socodka tartanka aysan u saameyn, waxaana uu tartamayaasha uu uga digay inay caado ka dhigtaan dood aan macno ku fadhinin oo aysan u heynin caddeymo sax ah.

 

 

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo shir la yeelatay madaxda Hay’adaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka oo ku qabsoomay qaab fugaan arag ah (ZOOM Meating) ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ku jiraan sidii loo sameyn lahaa qorshe hawleed mideysan oo ay u dhanyihiin dhamaan Maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir, iyada oo la iska kaashanayo sidii wax loogu qaban lahaa Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku nool gudaha dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa ka warbixisay waxyaabihii u qabsoomay, waxayna sheegtay in sharcigii Qaxootiga iyo magangalyadoonka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isla markaana ay dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo hirgalintiisa waxayna xustay in mardhow la bilaabi doono sidii luuqadaha Qalaad loogu Turjumi lahaa sharciga, si deeq-bixiyaashu ula jaanqaadaan.

Sidoo kale guddoomiye Safiyo ayaa xustay in sharciga barakacayaasha isna uu meel fiican maraayo, kaasi  oo hadda horyaalla Mudanayaasha Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

“Sharciyadaan ayaa wax badan ka taraya sidii loo maareyn lahaa deeqaha iyo waxqabadka dadkeena nugul ee barakacaaysha ah, waxaana ka dhalan doona in ay hay’adaha dowladda ee heer faderaal iyo heer gobalba in ay awood u yeeshaan la xisaabtanka iyo jiheynta qorshayaasha wax loogu qabanaayo bulshadeena Soomaaliyeed ee ay saameysay isbadalka cilimilada,” ayay tiri Gudoomiye Safiyo.

Kulanka maanta ayaa Sidoo kale waxa looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa fulinta balan-qaadyadii shirkii GENEVA ee 2023 iyadoo loo abbaaraayo qorshe Wadajir ah.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sidii lagu abbaari lahaa xalka dadka barakacyaasha ah, iyada oo lagu saleynaayo baahida dadkeena iyo sidii dhaqaaale loogu abuuri lahaa, iyada oo lagu salaynaayo deegaan walba iyo baahiyaha ka jira.

Inta uu socday kulankaan ayaa laysla meel dhigay in dadka Qaxootiga ah loo abuuro nolol lamid ah yaraan middii ay ku haysteen xeryaha qaxootiga dalalkii ay kasoo laabteen, sida Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka iyo waxbarashada ubadka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga badali lahaa qorsha hawleedka 5ta-sano ee soo socoto Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka  si loogu daro balan qaadyadii GENEVA ee 2023.

“Xafiisyada Madaxweynaha Qaranka iyo Raisul Wasaaraha XFS waa ay ka go’antahay in sharcigaan la meelmariyo iyo in xal rasmi ah loo helo Barakacyaasha gudaha dalka, maadaama dadku  ay sii kordhayaan marba marka ka dambeysa” ayay hadalkeeda ku dartay gudoomaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Taliyaha Ciidanka dhulka oo kormeer ku tagay Deegaano ay ka socdaan Howlgalo ka dhan ah Khawaarijta.

Saraakiil uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar  kormeer iyo dhiiri gelin  ku tegay Saldhigyada Ciidamada Xoogga dalka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa lakulmay Ciidanka qaranka eek u sugan deegaanada kala ah Bariire, lambar 50, lambar 60, iyo deegaanka  Buufoow-bacaad.

Socdaalka kormeerkaan ayaa waxaa taliyaha Lugta ku wehliyay taliyaha guutada 14 Oct ee Ciidanka  Xogga dalka G/le dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur-farey) iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle   ayaa ciidankii uu la kulmay ku dhiiri galiyay sidii casharada adag ugu dhigeen khawaarijta nafla-caariga ah, sidoo kole taliyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay inay adkeeyaan Difaaca dalka iyo Dagaalka Khawaarijta.

Ciidanka qaranka ayaa maalmihii ugu danbeeyay Howlagalo sifeyn ah kawaday deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose oo khaaarijtu kasoo maleegaysay Dhagar ay la doonayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dhagar-qabayaasha ayaa todobaadkaan wajahay howlgalo jab-xooggan lagu gaarsiiyay.

taliyaha Lugta