Home Blog Page 332

Ugu yaraan 63 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dab ka kacay magaalada Johannesburg

0

Ugu yaraan 63 qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dab ka kacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika

in ka badan 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay dhismo dhowr dabaq ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha iyo shaqaalaha gurmadka.

Af-hayeenka Adeegyada Maareynta Degdegga ah ee Johannesburg, Robert Mulaudzi ayaa sheegay in dabku subaxnimadii Khamiista uu basbeelay dhismo ku yaalla bartamaha ganacsiga ee magaalada, dhimashaduna waa ay sii kordhaysaa iyada oo 63 meyd ah laga soo saaray goobta ilaa hadda.

 

 

Madaxweyne Lafta gareen oo xarigga ka jaray wejiga 1-aad dhismaha waddooyinka Magaalada Baydhabo

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir iyo wafdi Xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Baydhabo u gaaray furitaanka mashaariic halkaas ka socota.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa xarigga ka jaray Wajiga 1-aad Dhismaha Wadooyinka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Duqa Muqdisho oo gaaray Aadan yabaal

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuussuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka.

Ujeeddada safarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ah sidii uu u dhiirrigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee howlgallada sifeynta Khawaarijta ka wada deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug iyo Hirshabelle.

Magaalada Aadan yabaal ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ra’iisul wasaaraha XFS, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo halkaasi ka wada sidii loo dhiirri gelin lahaa Ciidanka xoogga dalka iyo bulshada halkaasi ku dhaqan, kuwaas oo u diyaarsan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen howlgallada lagu dabar jarayo khawaarijta.

Agaasimaha guud ee Warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan isku xirka Warbaahinta iyo la dagaalanka khawaarijta

0

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar ku saabsan isku xirka xiriirka Warbaahinta iyo la dagaallanka fikirka khawaarijta.

Mudane, Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in ujeedka tababarku uu ahaa xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee dhinaca xiriirka warbaahinta iyo bulshada, si kor loogu qaado mideynta farriimaha dowladda ee ku wajahan ciribtirka kooxaha khawaarijta.

” Tababarkan waxuu muhiim u yahay isku-xirka dowladda, waxayna wasaaradda isku howshay sidii loo mideyn lahaa fariimaha loo gudbinaya shacabka Soomaaliyeed, waana mid kaalin ka qaadanaya la dagaallanka khawaarijta, dhinaca wacyi galinta Diiniga, taas oo khawaarijta ka been sheegaan” ayuu yiri Agaasime Xayir.

Agaasime Xayir oo bogaadiyay Tababarayaasha bixiyay siminaarka ayaa tilmaamay in aqoon is-weydaarsigan ka duwanaa kuwa caadiga ah, taas oo keentay in muddo dheer loo qorsheeyay si ka qeybgalayaasha u helaan waqti wanaagsan, isagoo ku boorriyay ka qeyb-galayaasha in meel looga soo wada jeesto khawaarijta lana mideeyo farriimaha.

Qaar ka mid ah ka faa’ideystayaashii tababarka ayaa ka mahad celiyey fursadda la siiyay, taas oo ay sheegeen in loo baahnaa isku xirka xiriirka Warbaahinta si qeyb wayn looga noqdo la dagaallanka fikir iyo Militari ee dalka ka socda ee ka dhanka ah khawaarijta.

Tababarkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa waxaa ka faa’ideystay 50 xubnood oo ka kala socda hay’adaha dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo qaatay casharro xoojinayo xirfadleyda ka howl gala qeybaha kala duwan ee hay’adaha Warfaafinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray taliska ciidanka xoogga ee Aadan yabaal

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Galmudug iyo Hirshabelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada.

Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka.

Madaxweyne Qoor-qoor oo gaaray deegaanno hoos taga Ceelbuur

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane, Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur oo dhawaan laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab.

Safarka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu yahay u kuurgelidda xaalada deegaanadaas iyo dhiirragelinta ciidamada qalabka sida ee geesiyaasha ah iyo shacabka deegaanka, kuwaasoo u awood sheegtay kooxaha khawaarijta ee argagaxisada ah.

Madaxweyne Xasan Sh : Kuwa awoodda Ciidanka la siiyay ee ku takri falay waa lala xisaabtamayaa”

0

Madaxweynaha JFS Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la joogo waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidanka la siiyay ku tagri falay ee khiyaanada sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Kuwa awoodda Ciidanka la siiyey ee ku takri falay, oo Khiyaanada ku kacay, dadkana mardabeeyay waa lala xisaabtamayaa”.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in kuwa tashwiishka gelinaya ciidanka uu la mid yahay Khawaarijta qoriga iyo qaraxa wadata.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka socda ee lagu cirib tirayo khawaarijta uusan u joogsan doonin war xuma tashiil iyo qof tashwiish geliya halganka, meelaha la joogana aan laga soo noqon doonin.

“Ama hal goob dagaal ha lagu guul darreysto, ama mid xun oo tashwiish wada wax ha sheego, dagaalku wuu soconayaa, ma istaagayo, meelaha aan joognana kasoo noqon mayno, horay ayaan u soconaynaa”.

ATMIS oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ka saareyso 3,000-askari dhammaadka bisha September

0

Shir jiraa’id uu taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, Sarreeye Guud Som Okiding ku qabtay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay ka bixitaanka tirada 3,000 ( Saddex kun) oo askari ee ay ka baxayaan Soomaaliya qeyb ka tahay qorshaha qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhammaadka sanadka 2024-ka, guud ahaan ciidamada ATMIS ay Soomaaliya kaga wada baxayaan.

Sugidda ammaanka dalka waxaa si buuxda ula wareegaya ciidamada qaranka, kuwaas oo hadda tayo iyo tababar xooggan leh.

” Ciidamada ATMIS waxay ku guuleysteen in ay fuliyaan howlgallo dhowr ah oo dhammaantood ay wada guuleysteen, iyagoo kaashanaya ciidamada kala duwan ee Dowladda, ciidamadu AU waxay mar walba heegan u yihiin in ay taageeraan howlgallada lagu ciribtirayo argagixisada ee ka socda Dalka, waxaan la howlgalnaa ciidamada qalabka sida, ATMIS sida aad ogtihiin waxay waddanka ku leedahay lix fariisin oo ku kala yaalla gobollada Dalka,” ayuu yiri taliyaha ciidamada ATMIS.

Bishii Juun ayay ahayd, markii 2,000 ( labo kun) oo ka mid ah ciidamada ATMIS dib loogu celiyay dalalkoodii, balse dhammaadka bisha September waxaa loo balansan yahay saddex kun oo kale, dheeraad ah dib loogu celiyo dalalkooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay ciidamada qaranka ay ku filan yihiin sugidda amniga Dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab, ugana mahadcelisay ciidamada ATMIS dadaalkoda nafhurninada iyo dhiigga ay u hureen walaalahooda Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay marxaladda dagaalka Khawaarijta

0

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taas oo ku aadan inay sii xoojiyaan gulufka ay dhabarka uga jabinayaan argagixisada.

Mudane Xasan Sheekh ayaa ciidanka dareensiiyey inay dagaalka ka soo bilaabeen dhul boqolaal Km ka fog degmooyinka iyo deegaanada todobaadkii hore la xoreeyey, haatana Khawaarijtu ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeed, ayna dhawdahay waqtigii guusha wayn laga gaari lahaa.

Waxa uu ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsaweyne ee gobolka Galgaduud, kaas oo Khawaarijtu dicaayad been ah ka samaysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan Khawaarijta dagaalkaas lagu dilay, maleeshiyaduna ay xabaal wadareed ku wada aastay, dhaawacoodiina ay dileen maadamaa aysan isbitaal u haynin, isagoo balan qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xawaal wadareedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay la xisaabtanka kuwa la siiyey awood dowladeed ee masuuliyadooda khiyaamay ama ka gaabiyey inay xilkooda si hufan u gutaan.

“Kuwa ka shaqaynaya inay ciidanka taswiish galiyaan ogaada waa Shabaab” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda ay ka go’antahay ciribtirka Khawaarijta.

“Dagaalku waa soconayaa ma istaagayo, meelaha aan joogno kama soo noqonayno, guusha kama dambaysta ah ee aan raadinayno aan gaaraynaa” ayuu yiri madaxweyne Xasaan Sheekh.

Ugu dambayn madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ay ciidanka ku garab istaagaan xoog iyo xoolaba, si loo dhiirrigaliyo ciidanka, loogana guuleysto cadowga ragaadiyey horumarka dalka.

 

Ciidanka Gaaboon oo la wareegay xukunka,isla markaana laalay natiijada doorashooyinkii dhacay

Koox ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada Dalka Gabon ayaa sheegay inay xukunka la wareegeen, daqiiqado kadib markii guddiga doorashada ee dalkaasi ay ku dhawaaqeen in madaxweyne Ali Bongo uu ku guuleystay markii saddexaad.

Saraakiisha oo saacadihii hore ee maanta ka soo muuqday TV-ga Gabon ayaa sheegay in ay matalaan dhammaan ciidamada ammaanka iyo difaaca ee dalka,iyagoo intaa raaciyay in la laalay natiijada doorashada ee ka dhacday dalkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda dalka xubnaha ka ah OPEC. Ilaa hadda ma cadda halka uu ku sugan yahay Bongo oo markii ugu dambeysay lagu arkay goob fagaare ah, markii uu codkiisa ka dhiibtay doorashadii Sabtidii.

” waxaan go’aansanay inaan difaacno nabadda anagoo meesha ka saarayna nidaamka hadda jira,” ayeey saraakiishu ku sheegeen hadal ay soo saareen.

Saraakiishaasi qabsaday Gaaboon ayaa kala diray xukuumadda, golaha guurtida, golayaasha qaranka, maxkamadda dastuuriga ah iyo guddiga doorashada,waxaana la xiray xuduudahana dalkaasi illaa amar dambe.