Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Masar oo kawada hadlay xaaladda Gobolka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee labada shacab ee walaalaha ah, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 1-da Luulyo ee Maalinta Qarannimada Soomaaliya, isagoo u rajeeyey horumar iyo amni.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...