Masoud Pezeshkian oo ku guuleystay xilka madaxtinimo ee Iran

Date:

Masoud Pezeshkian ayaa ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee loo dareeray maalinimadii shalay sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Iran.

Pezeshkian ayaa helay 53.7 boqolkiiba codadka oo u dhigma 16.3m, halka Saciid Jalili oo la tartamaayey uu helay 44.3 boqolkiiba oo u dhigma 13.5m.

Madaxweynaha cusub oo doorashadiisa kadib ka hadlay taleefishinka dowladda ayaa yiri “Waxaan u fidin doonnaa gacan saaxiibtinimo qof walba,waxaan nahay dhammaan dadka dalkaan,waa inaan qof walba u adeegsanaa horumarka dalka”.

Tartanka doorashada ayaa ahaa mid aad u adag oo u dhexeeyay Pezeshkian oo aaminsanaa in Iran uu u furfuro caalamka,halka ninkii laga adkaaday ee Jaliil uu qabay in la xoojiyo xidhiidhka Iran. Ruushka iyo Shiinaha.

Taageerayaasha Pezeshkian ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tehraan iyo magaalooyinka kale ka hor waaberigii saaka si ay u dabaaldegaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka wadatashigu waa furanyahay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha...

Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhanka difaaca

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo booqasho...

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya

Ganacsiga XFS Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan...