Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Ra’iisul Wasaaraha oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad, ayaa Labada Ra’iisul Wasaare kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabd

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...

Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Nigeria oo uu ka geeriyooday madaxweynihii hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha JFS ku matalay Shirweynaha Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay Malabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiir Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka socda Booliiska caalamiga ah INTERPOL

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh...