Home Blog Page 328

Gudoomiyaha hay’adda oo la kulmay koox ka socoto hay’adda Global Protection Team.

0

Gudoomiyaha hay’adda SODMA Maxamud Macallin Cabdulle iyo qaar ka mida madaxda hay’adda ayaa kulan kula qaatay Magaalada Mogadishu koox ka socoto hay’adda Global Protection Team.

kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha dadka ku barakacay gudaha dalka oo ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha, sidoo kale Madaxda Hay’adda SoDMA ayaa la wadaagay wafuudda ka socotay GPT qorshaha lagu ilaalinaaya dadka ka soo barakacay xaladaha abaaraha iyo colaadaha.

Ugu danbayn Gudoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa u mahadceliyay Wafuudda ka socotay hay’adda Global Protection Team sida ay u garabtaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu baaqay bulshada Caasimadda in ay u midoobaan ciribtirka cadowga qatarta ku ah Xasiloonida magaalada

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa xarunta degmada Cabdicasiis uga qeyb galay kulan looga hadlayay dardargalinta barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Xassan Sheikh Maxamud kaas oo la xariira ka hortaga dhagarta Khawaarijta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo uu kaga maqnaa dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Magalada Baqdaad uga qeyb galay Shirweynaha 34-aad ee Midowga Baarlamannadda Dowladaha Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, isagoona sidoo kale magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay dhigiisa dalkaasi, waxaana uu kala hadlay la dagaallanka Argagaxisada iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka walaltinimo ee labada dal iyo isku xirka labada baarlamaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo giddoomiyay kulan looga hadlayey amniga

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xusee Jimcaale ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay hawlwadeenada sare-sare ee ka socday barnaamijka UN-JPLG ee Qaramada midoobay kaas oo taageero Dawladaha Hoose ee Soomaaliya.
Kulankaan ayaa waxaa dhinaca kale goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenada Maamulka G/Banaadir iyo Xoghaya Guud ee Maamulka.
Ujeedada kulanka ayaa ahayd in Hawlwadeenada Maamulka Guud ee barnaamijkaan ee uu hogaaminayay Mr Paul Simkin laga dhageesto qorshaha wajiga 4 aad ee bilaaban doono Bartamaha sanadkaan iyadoo dhinaca kale Guddomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho uu la wadaagay hortabinada iyo qorshayaasha horumarineed ee uu Maamulka Gobolka ka leeyahay Horumarinta Caasimadda Muqdisho sida Adeegyada bulshada, maaraynta khashinka, shaqo abuurka dhalinyarada, tababarada dhalinyarada, kobcinta Dhaqaalaha iyo hagaajinta Sharciyada & habraacyada shaqo ee Dawladda Hoose.
Guddomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadnaqay taageerada barnaamijka JPLG isagoo dhinaca kale ku adkeeyay in la xoojiyo taageerada ay Caasimadda ka hesho barnaamijkaan; Waxaa uuna Guddoomiye Madaale dhanka kale hoosta ka xariiqay in Maamulka Gobolka ay ka go’antahay in la xoojiyo wada shaqyanta hey’adaha iyo Deeq-bixiyaasha taageera Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kormeeray xeryaha ciidamada DANAB ee magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xeryaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danabee magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan ayaa ku bogaadiyey ciidamada nafhurnimada ay u sameynayaan dadkooda iyo guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray qaar ka mid ah saldhigyada Booliska gobolka Banaadir

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kormeeray Qeybta Boliiska Bartamaha ee gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigyada Boliiska degmooyinka Xamar-jajab, Xamar-weyne, Cabdicasis iyo Shangaani.

Ujeedka Kormeerka taliyaha ayaa ku qotomay ukuurgelida xaaladaha ay ciidanka ku shaqeeyaan iyo hannaanka adeegga dadweynaha ee saldhigyadaas, wuxuu si gaar ah u kormeeray OP-ga.

Taliyaha ayaa kula dardaarmay dhammaan saraakiisha ciidamada goobaha uu booqday in ay adkeeyaan amniga iyo wada shaqeynta ay lala leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada gobolka Banaadir oo ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay.

Qorshaha qaran ee Soomaaliya cagaaran oo dardar ku socda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhir ku beeray Aqalka Martida Jubaland ee magaalada Kismaayo.

Si loo adkeeyo in loo midoobo badbaadada deegaanka waxaa magaalooyinka dalka si dardar ah kaga socda abuuridda dhirta si uu u guuleysto qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran,kaas oo madaxweynahu horay ugu dhawaaqay.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dhulkeenna iyo khatarta ay dalka ku hayaan Nabaad guurka iyo Xaalufinta deegaanka. Dhireynta Aqalka Martida Jubbaland iyo guud ahaan Jubbaland iyo in ay noqoto deegaan Cagaaran ayaa waxa ay qeyb ka qaadaneysaa bilicda iyo wax ka qabashada isbadalka cimillada ee Adduunka saameynta xooggan ku yeeshay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo arrimo muhiim ah kala hadlay dhiggiisa Itoobiya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Adis Ababa kula kulmay Wasiirka Shaqada iyo Xirfadaha ee Dowladda Federaalka Itoobiya H.E Mrs.Muferihat Kamil.

Labadan Mas’uul ayaa ka wada hadlay fursadaha iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada TVET, shaqada iyo hal abuurka.

Sidoo kale, Wasiir Biixi iyo H.E Mrs.Muferihat Kamil ayaa isla gartay Qorshayaasha dib-u-habaynta iyo kor u qaadista hal-abuurka dhalinyarada si loo sahmiyo fursadaha iskaashi ee labada dal. Wasiir Biixi ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyay.

Madaxweynaha JFS oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda Jubbaland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay howlgallada dib u xoraynta ee ay wadaan Ciidamada qaranka oo kaashanaya kuwa Jubaland kuwaas oo laga gaaray natiijooyin wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ammaanay dadaalka maamulka Jubaland ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dib u dhiska iyo horumarka oo guulo wax ku ool ah laga gaaray.

“Waan bogaadinayaa ciidamada qaranka iyo daraawiishta Jubaland guulihii ay kasoo hooyeen Dagaalkii ay shalay la galeen Khawaarijta. DFS waa ay sii xoojinaysaa doorkeeda howlgallada socda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweynaha ayaa soo gabagabeeyay booqasho gaaban oo uu ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland, wuxuuna muddada uu ku sugnaa halkaas kullamo mira dhal ah la qaatay madaxda Jubbaland, waxgaradka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan oo uu kala hadlay horumarka socda iyo howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

 

13 ka mid  ah Khawaarijta oo uu ku jiro horjooge oo lagu dilay Gobolka Jubbada Hoose

0

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab oo ay wehliyaan ciidanka Nabad sugidda jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaanada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose ku Dilay tiro maleyshiyaad ka tirsan Khawaarijta.