Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo qaabilay Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh

Date:

Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alper Aktaş ayaa Xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ku qaabilay Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh.

Safiirka Turkiga ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha kala duwan ee labada dal, iyadoo ujeeddadu tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo is dhaafsiga khibradaha dhanka diblomaasiyadda.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Akadeemiyada Diplomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Dr. Masoud Ozcan oo maalmahan booqasho ku joogay dalka, si uu uga qayb-galo barnaamijka Tababarka Dublamaasiyiinta Soomaaliyeed da’da yar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...