Home Blog Page 315

Madax ka socoto Wasaaradda Haweenka oo booqdeen Goobaha tariikhiga ah ee dalka Rwanda 

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Amina Hassan Ali iyo wafdi ay hoggaamineyso, ayaa safar shaqo ku joogaan Dalka Rwanda.ayaa kaga qeyb galayaan Barnaamijka Nabadda, Amniga iyo haweenka (Women, peace and security).

Wasiir Dowlaha iyo Wafdigeeda,ayaa booqasho waxa ay ku tageen goobo Taariikhi ah oo xasuuq loogu geystay Haween iyo Carruur Badan.

Goobta oo loogu yeero “Peace Building” wa goob taariikhi ah oo qayb libaax leh ka qaadatay Wacyigalinta Bulshadda, Nabad dhiska, horumarinta dhaqaalaha, dib u dhiska iyo ilaalinta Dowladnimada dalka Rwanda.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay Wadamada Horumarka kaga dayanaya dalkan kadib Burburki ka dhashay Dowlad-la’aantii soo martay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku tagay dalalka Norwey, Switzerland, Turkiga iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway uga qeybgaley Madasha Nabadda ee Oslo , halkaas oo uu hadal ka jeediyay. Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha uu kulamo la yeeshay Boqorka iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway.

Sidoo kale Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu dalka Switzerland uga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn safarkiisa shaqo kusoo gabagabeeyay dalalka Turkiga iyo Jamhuuriyadda walaalaha nahay ee Jabuuti isagoo la kulmay madaxda labadaasi dal.

 

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo u Ambabaxay dalka Shiinaha 

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo u aaday dalka Shiinaha oo uu kaga qayb gali doono shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika iyo Shiinaha.

Shirkaan, ayaa waxaa looga hadli doonaa iskaashiga Garsoorka Afrika iyo Shiinaha oo muhiimad wayn u yeelan doona labada dhinac inay yeeshaan wada shaqayn joogta ah, gaar ahaan horumarinta Garsoorka.

Inta uu dalka Shiinaha joogo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf ayaa kulan doceedyo waxaa uu la yeelan doona Masuuliyiinta dhigiisa ah ee ka qeybgalaya Shirka.

Wasiirka Amniga Gudaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya 

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya Marwo Karen Johanson.

Kulanka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, qorshaha marxaladda kala-guurka ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, tababarrada Ciidamada Daraawishta Boliiska, horumarinta sharciyada iyo qorshaha xasillinta goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Labada dhinac waxay isla garteen in la joogteeyo kulamada, isla markaana la dardargeliyo hirgelinta hawlaha qorsheysan iyo ka baaraandegga hawlaha hortebinta uleh amniga sida ugu daqsaha badan.

Guddoomiyaha SoDMA oo dalka Japan uga qeybgalay Shir looga hadlayay fahamka Khataha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Himeji ee dalka Japan kaga qeybgalay Shirka Madasha caalamiga ah ee fahamka khatarta Musiibada “Understanding Risk Global Forum “.

Guddoomiyaha, ayaa madashaan ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayo sooyaalka hay’adda SoDMA, guulaha ay gaartay labadii sanno ee la soo dhaafay, howlaha hortabinta u leh hay’adda iyo caqabadaha horyaala.

Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa ka qeybgalay shirar dooceedyo iyo doodo looga hadlaayey arrimaha la xiriira maaraynta musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga aheyn hay’adda SoDMA,ayaa ah Hay’ad u xilsaaran, latacaalida iyo maareynta masiibooyinka.

Shirkaan waxaa soo Agaasimay Bangiga Adduunka , waxaana martigalisay Dowladda Japan.

 

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlo sifeeyn ah ka sameeyay Degaanka Baraag Sheekh Caamir

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan ururka 86-aad ee guutada 77, ayaa Howlgal sifeeyn ah ka sameeyay Deeganka Baraag Shiikh Caamir, iyagoo isku furay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Masagawaa iyo Baraag Shiikh Caamir.

Taliyaha Ururka 86-aad guutada 77,Laba Xidigle Cabdinuur Yuusuf Cali qadaaye, ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in ujeedka Howlgalka uu ahaa mid lagu burburinayay Saldhig ay Khawaariijta ku dhuumaaleeysanayeen oo ku yaalay deegaanka Bariga Galgaduud.

Ciidaka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka, ayaa Howlgalo isdaba-joog ah ka wada deegaano hoostago Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Soomaaliya ayaa dhawaan ka xorroobi doonto haraadiga Khawaarijta ah ee ku dhuumaalaysanaayo,qeybo ka mid ah gobalada dalka.Ciidamada kala duwa ee dowladda oo kaa shanaayo Shacabka,ayaa isku xilsaaray Baabi’inta cadow ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah.

Ciidanka Booliska gaarka ah ee KGS oo Howgalo ka sammeeyay qeybo kamid ah Gobalka Baay 

Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa howlgal lagu Baacsanaayo Khawariijta ka sameeyeen Deegano hoos yimaada Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay .

Howlgalka Waxaa horkacayey Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, Sandheere Xasan Aadan .howlgalkaan ayaa u jeedkiisu ahaa,Inay ciidanka hubiyaan ammaanka, gobolka Bay. Oo intiisa badan ay gacanta ku yaah ciidanka.

Howlgalka ayaa inta uu socday waxay Ciidanka ay gaareen deegaano dhowr ah oo khawaarijta dadka shacabka ah ay ku dhibaatayn jireen.Shacabka Soomaaliyeed door muuqda ka qaadanayo, Sifeynta cadow,ayaga oo ku caawiya ciidamada kala duwan inta usoo tabiyaan,Meelaha ay ku dhuuntaan nimankaan Khawaarijta ah.

Dowladda Soomaaliya Ayaa ku qaaday dagaal Khawarijta kaas oo ahaa,Dagaal dhinacyo badan ah. kuwaas oo kala ahaa,Dhanka dhaqaalaha, Dagaal toos ah,Mid ay garab ka siiyeen dowaladaha saxiibada la ah Soomaaliya oo ah mid duqaymo ah,Oo cadawga lagu bartilmaameed sanayay.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga Hakan Fidan oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Switzerland kaga qeybgaley shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Al Adxa u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa salaadda Ciidda Al Adxa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

6- Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagey degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir, isagoo shacabka halkaasi deggan kula qaatey dabaaldegga maalmaha Ciidul Adxa.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shacabka ku nool caasimadda Muqdisho salaada Ciidul Adxa kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee magaaladda Muqdisho.

8- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa kulan fogaan arag ah la yeelatey Jean Todt oo ah Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Badqabka Wadooyinka.

9- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Istaraatiijiyada warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka iyo wararka sida khaldan loo tebiyo

10- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegaya in DFS ay ay adeegyo caafimaad u fidisay xujeyda Soomaaliyeed ee dhowaan Xajka soo gutay.

11- Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Raisedon Zenenga oo ah Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa kulan la qaatay hoggaanadda Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo kala hadley dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

13- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa socdaal nabad raadin ah ku tagey deegaano ka tirsan waqooyiga gobolka Galgaduud oo ay dhowaan ka dhaceen dagaal beeleedyo ay dad badan ku dhinteen.

14- Ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Galgaduud.

15- Cidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof-Gaduud ee gobolka Bay ayaa waxaa isku soo dhiibay Cali Xasan Cali (Cali dheere) iyo Maxamed Cabdullaahi Cali oo muddo badan ka tirsanaa Khawaarijta.

16- Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ay socdaan qorshe magaalada Muqdisho loogu dhisayo garoon cusub oo diyaaradeed.

17- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee SoDMA ayaa u dirtay gaadiid siday shixnado gargaar ah degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

18- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mudane Axmed Saciid Maxamed ayaa daah-furay qorsho istiraatiiji ah oo loogu talagaley in Hay’addu ay ku dhaqanto dhaqanto 5-ta sano ah ee soo socota.

19- Afar ka mid ah horjoogayaashii Khawaarijta deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada hoose ayaa isu dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyaga oo kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan sida amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweynahe Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa isku raacay in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda iyo xasilloonida Gobolka, si la jaanqaadaysa duruufaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda, ayaa ku ammaanay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaadanayo nabadda iyo xasiloonida gobolka geeska Afrika.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo isku shaandheen ku Sameen doono howlwadeenada Wasaaradda 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta sheegay in isbeddel uu ku samayn doono qaab-dhismeedka maamul iyo hannaanka shaqo ee Wasaaradda, isagoo faray dhammaan diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ka idlaaday ee dib xarunta Wasaaradda loogu soo celiyay lagu kala meeleeyo waaxyaha, machadka iyo xafiisyada maamul ee Wasaaradda.

Wasiirka, ayaa hadalkani maanta ka sheegay madal lagu kulmiyay diblomaasiyiinta muddo howleedkooda shaqo ee loo igmaday, uu ka idlaaday oo dib Wasaaradda loogu soo celiyay markii ay muddo sideed sano ka soo shaqeeyeen Safaaradaha, Ergooyinka Joogtada iyo Qunsuliyadaha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Axmed Fiqi,ayaa tilmaamay in la dardargelin doono shaqada safaaradahana looga baahanyahay inay hore-u-socod sameeyaan, isagoo cadeeyay in safaaradaha iyo qunsuliyadaha guud ay yihiin xarumo dowladeed oo u adeega muwaadiniinta Soomaaliyeed, lagana dhowrayo sare u qaadidda howl-gudashada.