Home Blog Page 315

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed,waxaana Garoonka diyaaradaha shaati-Gauddud ku soodhaweeyey Wasiiiro,Xildhibaano Saraakiil katirsan Maamulka KGS.

Wafdiga Wasiirka waxaa qayb ka ah Wasiirada Warfaafinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasinka Warfaafinta Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka Safarka Wasiirka ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shir wadatashi ah oo Wasiirada Warfaafinta dowladda Federaalka kuwa dowladd Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir OO Magaaladaas uga furmaya.

 

Ciidanka xoogga iyo saaxiibbada caalamiga oo duqayn ka fuliyay Bu’aale

0

Xalay abbaare Sideeddii fiidnimo ayaa duqeymo dhanka Cirka lala beegsaday seddex saldhig oo malleeshiyaadka Khawaarijta ku lahaayeen Degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.
Duqeeynta ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Sasxiibbadooda Calaamaka.

Sedexda goob ee duqeynta ka dhacdey ayaa waxaa kamid ah.

1-Dhismaha xarunta. degmada.

2- Xero Tababar oo maleeshiyaadka khawaarijta ku lahaayeen Duleedka Bu’aale aaga masjidka dabaqa.

3-Dhismo ku yaallo Buundada Bu’aale ee malleeshiyaadka khawaarijtu ay ku shirayeen.

Waxaa jiro qasaaro xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhawac oo la gaarsiiyay horjoogayaasha iyo malleeshiyaadka Khawaarijta.

Maalmihii ugu dambeeyay maleeshiyaadka khawaarijta waxay bilaabeen inay gaadiidka kala dagaan dhalinyaradda safarka ah.

 

Shaqaale ka tirsan waaxda dab demiska gobolka Banaadir oo loo diray tababar ku saabsan gurmadka degdegga ah

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 14 kamid ah shaqaalaha Waaxda Gurmadka degdega tababar ugu diray dalka Turkiga, kaas oo kor loogu qaadayo xirfadooda la xiriirta ka hor tagga qataraha la xiriira dabka.

Agaasimaha xiriirka dibedda iyo hey’adaha Caalamiga ah ee dowladda hoose ee Xamar mudane, Maxamed Xasan Maxamed ayaa ka warbixiyay tababarka iyo muhiimadiisu.

Agaasimaha ayaa sheegay in tababarkan oo ka dhici doona magaalada Konyo ee dalka Turkiga uu yahay wejigii labaad, iyadoo wejigii kan ka horreeyayna lagu qabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna xubnaha tababarka loo dirayo u rajeeyay in ay aqoontooda ugu faa’iideeyayaan bulshada Soomaaliyeed.

 

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya horumarinta waxbarshada

0

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarshada dalkaasi Youssef Al-Bunyan.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha hiddaha iyo dhaqanka iyo in ay is kaashi ka yeeshaan tayaynta waxbarshada asaasiga ah ee labada dal.

Wasiir Faarax ayaa sidoo kale kulan la yeeshay guddoomiyaha xarunta howlaha gargaarka iyo bini’aadannimada ee Boqor Salmaan, Dr; Cabdalla Bin Cabdi Casiis Ar-rabiica, iyagoo ka wada hadlay sidii loo laba jibaari lahaa taageerada ay boqortooyada Sacuudiga u fidiso Soomaaliya.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xarunta samafalka ugu mahad celisay taageerada ay Soomaaliya u fidiso sida arrimaha Waxbarshada, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyada kale ee asaasiga ah.

 

Ku dhawaad 30 Askari oo lagu dilay dalka Niger

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France Press, Weerar lala beegsaday  ciidamada ammaanka ee ka howlgala waqooyi-galbeed ee dalkaasi Niger, saacadahii hore ee saakay ayaa lagu dilay 29 Askari.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Weerarka uu ka dhacay meel u dhow xuduudka uu dalkani la wadaago dalka Maali, xilli ay ciidamadu wadeen hawlgallo lagu ciribtirayo khatarta kooxaha halkaasi ka dagaalama.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay aheed markii weerar noocan ah isla galbeedka dalkas lagu dilay Todoba Askari, hase yeshee weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhiig daadashada badnaa tan iyo markii ay ciidamadu xukunka dalkaas kula wareegeen afgambi.

 

Duqeeymo lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnayeen maleeshiyaadka Khawaarijta oo laga fuliyay Jubbada Dhexe

0

Xalay abaare Sideedii fiidnimo ayaa Duqeymo dhanka Cirka ah oo iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Sasxiibada Calaamaiga ah lagu burburiyay Sedex Saldhig oo maleeshiyaadka Khawaarijta ay ku lahaayeen Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Goobaha ay Duqeynta ka dhacday ayaa waxaa kamid ah, Dhismaha xarunta. Degmada oo Maleeshiyaadka Khawaarijta ay ka wadeen abaabul, sidokale waxaa la duqeeyay Xero Tababar oo maleeshiyaadka khawaarijta ay ku lahaayeen duleedka magaalada Bu’aale aaga masjidka Dabaqa, duqeeynta Sedaxaad ayaa lala beegsaday Dhismo ku yaallo meel u dhaw Buundada Bu’aale, halkaas oo uu shir ugu socday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Waxaa jiro Qasaaro xooggan oo isugu jiro Dhimasho iyo dhawac oo duqeyntan lagu gaarsiiyay Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka Khawaarijta.

Maalmihii ugu dambeeyay maleeshiyaadka khawaarijta waxay bilaabeen inay gaadiidka kala dagaan dhalinyaradda safarka ah, iyagoo sidookale beelaha gobolada Jubooyinka ku amray in Jufo kasta ay ku soo wareejiso 100 Wiil, si dagaalka ka socda qaar kamid ah gobalada dalka loogu qasbo.

 

Madaxweyne Laftagareen oo qaabbilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada KGS ee Magalaada Baydhabo ku qaabbilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Kulankaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush,Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka KGS.

Kulaankaan ayaa looga hadlay qaban-qaabada shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo Baydhabo ka furmaya maalmaha soo socda,Xaalada El-Niño ee waddankeenna ku soo wajahan taas oo wadata Roob xooggan, sababi kartana fatahaado iyo daadad.

Shirka waxaa ka qeybgalay,Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Wasiiradda Gargaarka Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Wakiillo ka socda Beesha Caalamka.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ka daahfuray wajiga 2-aad ee shirka mideynta farriimaha dowladda & kuwa maamul gobolleedyada

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray wajiga 2-aad ee shirka mideynta farriimaha dowladda iyo kuwa maamul gobolleedyada.

Wasiir Daa’uud oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ugu horreyn waxa uu dulmar guud ku sameeyey qodabadii ugu muhiimsanaa ee diiradda lagu saaray wajiga koowaad ee shirka, isaga u jeedka shirka uu ku sheegay in ay tahay sidii loo mideen lahaa fariimaha dowladda.

“Warbaahinta 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa ku yimid isbadallo badan, taas oo nagu qasabtay in fariimaha dowladda ay noqdaan kuwa mideysay, oo aan isbarbaryaac iyo kala hadal lahayn, taas waxa ay nagu qasabtay diyaarinta safarkii dheeraa ee istaraatiijiyadda,” sida uu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya, mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in xilligaan ay jirto warbaahin xur ah iyo midda baraha bulshada, oo inta badan ku shaqeeya marin habaabin, iyaga oo aan raacin habraaca saxaafadda.

Ugu dambeyn Wasiirka Daa’uud ayaa sheegay in maanta dowladda ay kula jirta dagaal Khawaarijta, kaas uu sheegay in la doonayo si isku mid ah loo wajaho, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago fariimo isku mid ah.

Guddiga Saaxiibtinimada Ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Qatar oo Guddoon Doortay

0

Xubnaha Guddiga saaxiibtinimada Labada Aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Majlis Shuuraha Qatar, ayaa maanta iska dhex doortay guddoonka guddigaas ee dhinaca Somaliya.

Doorashada oo ahayd hab gacan taag ah kana dhacday 𝐕𝐢𝐥𝐥𝐚 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐚𝐲𝐬𝐚 ayay ku doorteen xubnahan kala ah.

Guddoomiye Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Mire
Guddoomiye ku xigeen Senator Axmed Maxamed Saciid (Irbad)
Xoghaye Senator Ayaan Aadan Cabdullaahi

Xubnaha la doortay ayaa balan qaaday in ay ku dadaali doonaan sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Qadar iyo shacabka walaalaha ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta ee  Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi, iyagoo ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii joogteyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada.

Danjire Al Rumaithi ayaa mahadcelin ka dib, wuxuu Xukuumadda #Danqaran ku bogaadiyey horumarrada ay ka sameysay dhinacyada sugidda amniga iyo dowlad wanaagga, wuxuuna adkeeyey sida ay Imaaraadka uga go’an tahay sii joogteynta taageerada uu siiyo Soomaliya.

Danjire Al Rumaithi ayaa ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamsa soo gaarsiiyey casuumaadda shirka isbeddelka cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha  DECEMBER 2023.