Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah 

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa guddiga faahfaahin ka siiyay halka uu marayo qorshaha xulista xubnaha sagaalka ah ee Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika, arintaas oo uu sheegay Guddoomiyaha in ay meel wanaagsan mareyso dhowaanna xubnahaasi la diyaarin doono.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa ka dooday ajendayaasha Golaha ee todobaadka soo socda iyo sida ay horutabinta u kala leeyihiin,waxaana guddoomiyaasha qaar ka mid ah guddiyada ay ka warbixiyeen hindise sharciyeedyada ay gacanta ku hayaan iyo habraacyada ay mareen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha Guddiga Joogtada iyo guud ahaan xildhibaanadda Golaha, waxaana ugu dambeyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ansixiyeen ajendayaasha kulamada Golaha ee todobaadka soo socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...