Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeerka doorashooyinka dalka

Date:

Golaha Wasiirrada, ayaa maanta ansixiyey, Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo Shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirka Golaha Wasiirada, ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo muhiimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ah Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Labadan sharci ayaa hagi doona hanaanka doorasho ee dalka, waxayna shacabka Soomaaliyeed u suurtagelinayaan inay doortaan madaxda matali doonta qaranka.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale oo ka hadlay muhiimada ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin xeerarka maanta goluhu ansixiyey ayaa yiri:

“Xeerka doorashadu waxa uu farayaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah oo dalka oo dhan ka dhaca, muwaadin kastaa waxa uu xaq u siinayaa in uu u codeeyo qofka doonaya in uu qabto hogaanka dalka”.

Afheyeenka ayaa intaa ku daray in xeerarka maanta la ansixiy ay dalka ka gudbin doonaan hanaankii hore ee doorashooyinka ee dadbanaa oo mudada dheer lagu soo caana maaliyay dalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...