Ciidamada Jubbaland oo kusoo biiray howlgallada ay dowladda ka waddo Jubbooyinka 

Date:

Ciidanka Maamulka Jubbaland, ayaa intooda badan si rasmi ah ugu biiray hawlgallada Ciidamada Qalabka Sida ee lagula dagaalamayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan degaanada Jubbooyinka.

Shacabka iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Degaanka Kulbiyow, ayaa soo dhaweeyay hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale shacabka ayaa dhanka kale taageero u muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya,iyagoo ku eedeeyey Eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) in uu dayacay xuquuqda ciidamada iyo baahiyaha shacabka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaan  howlgal rasmi ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ka bilowday deegaanka Raas-Kaambooni,waxaana ujeedku yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo cadowga nabad-diidka ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...