Home Blog Page 284

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda oo kulan Qaahira Wasiirka Arrimaha Barlamaanka dalkaas

0

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar iyo Wasiirka arrimaha Baarlamaanka dowladda Masar, Mahmoud Fawzi, ayaa magaalada Qaahira ku yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xariirka labada Wasaaradood, horumarinta iyo daadejinta federaaleynta dalka iyo in Masar ay dowladda Soomaaliya ka caawiso geedi-scodka dib-u-eegista iyo dhameystirka dastuurka si loo helo dastuur la jaan-qaadaya dunida casriga ah, loona daboolo baahida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale labada Wasiir, ayaa kulankooda uga hadlay isdhaafsiga khibradaha iyo aqoonta, gaar ahaan in dowladda Masar oo kamid ah dowladaha ugu facaweyn dunida ay Soomaaliya usoo dirto khubaro dhinaca sharciga ah oo ka caawiya dib-u-habeynta sharciyada iyo abuuridda sharciya cusub oo la jaan qaadaya hannaanka federaalka ee dalku qaatay.

Wasiir Ilyaas ayaa Maxamuud Fawzi uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran, waxaana wasiirka arrimaha baarlamaanka Masar oo bogaadiyay heerka horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo ka goโ€™naanta hiigsiga hadafka sare, waxaana uu u cadeeyay in Masar ay Soomaaliya ku garab taagantahay xaqiijinta hadafkaas weyn ee qaran.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo hishiis iskaashi la saxiixday dhiggiisa dalka Serbia

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Serbia Mudane Ivica Daฤiฤ‡, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo kor loogu qaadayo xiriirka labada dal, gaar ahaan ahaan dhinacyada amniga iyo tababarrada ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskani uu wax weyn ka beddelayo iskaashiga labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya.

โ€œXiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia, waa mid qoto dheer oo soo jiray sanado badan, tallaabada maanta aan ku saxiixnay heshiiskanina waxa ay sii xoojin doontaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ay wadaaggaan labada waddanโ€.

Sidoo kale, Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, ayaa tallaabo taariikhi ah ku tilmaamay heshiiska ay gaareen labada dal, waxa uuna hoosta ka xarriiqay sida ay uga goโ€™an tahay xoojinta xiriirka labada.

Serbia waxa ay door muhiim ah ka qaadataa dadaallada dib-u-dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidammada iyo horumarinta heyโ€™adaha amniga Qaranka.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo uu kulan mira dhal ah la qaatay dhiggiisa Serbia

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Belgrade ee xarunta dalka Serbia, ka dib markii uu casuumaad uga timid dhiggiisa Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Dalka Serbia Mudane Ivica Daฤiฤ‡.

Booqashadan ayaa muujineysa xiriirka xooggan iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia, kaas oo ku dhisan ixtiraam wadajir ah iyo wada-shaqeynta marwalba si is-daba joog ah, taageeradooda midba midka kale ee ku saabsan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, taasoo ku saleysan sharciga caalamiga ah iyo is-afgarad diblomaasiyadeed oo ay labada dal gaareen 1960kii.

Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa kulamadiisa ku bilaabay wada hadal uu la yeeshay Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, Mudane Ivica Daฤiฤ‡, wada-hadaladan ayaa diiradda lagu saaray mudnaanta iskaashiga dhanka amniga iyo siyaasadda kor u qaadida tababaridda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Serbia waxay door muhiim ah ka qaadataa dadaallada dib u dhiska dowladnimo ee Soomaaliya, gaar ahaan tababarka Ciidamada iyo horumarinta hayโ€™adaha amniga.

Khubarada amni ee Serbia ayaa bixiyay khibrad farsamo oo muhiim ah, taas oo door weyn ka ciyaartay xoojinta waaxyaha amniga ee Booliska Soomaaliya. Labada Wasiir ayaa saxiixay heshiis u dhaxeyn doona Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Serbia oo faa’dooyin badan laga dhaxli doono mustaqbalka dhow.

Inta lagu guda-jiro booqashadan ayaa sidoo kale Wasiirka waxaa uu tababar u soo xiri doonaa Saraakiil Soomaaliyeed oo in muddo ah tababar xirfadeed ku qaadanayay Kuliyadaha ugu sareysa Ciidanka Booliska Serbia ay leeyihiin ee Kula iyo Goฤ‡.

Booqashadan waxay astaan u tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo in Soomaaliya gacan lagu siiyo hanashadda himilooyinkeeda mustaqbalka.

Kulamada Wasiir Fartaag ee Belgrade waxaa ku jiri doona booqasho uu ku tagayo Machadka daraasaadka iyo horumarinta amniga ee Vlatacom.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ay mar walba xoojin doontaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee dalalka saaxiibada ah, gaar ahaan kuwa aaminsan mabaadiโ€™da wadaagga ah ee madax-bannaanida, xasilloonida iyo arimaha horumarinta sharciyada Caalamiga ah.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa u Mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Safaaradda Soomaaliya ee Serbia, oo uu ugu horeeyo Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed iyo Diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade.

Madaxweynaha Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabbilay Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamanada labada dal

0

Madaxweynaha Dalka Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga wadankaasi Turkiga.

Guddoomiye Saadaq Cumar, ayaa Madaxwayne Erdogan gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Wadanka Turkiga Erdogan, ayaa xubnaha wafdiga kaga mahadceliyay booqashada ay ku joogaan Dalkaasi, isaga oo ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay wadaan ee la xiriirta xoojinta xiriirka walaalnimo ee labada baarlamaan.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Wadanka Turkiga Danjire Fatxudiin Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Gudiga Saaxiibtinamada Baarlamaanka dalka Turkiga Mudane Abdirahim Firat.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo cambaareeyay dhibkii loo geestay Askari ka tirsan Boliiska

0

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay falka xadgudubka ah ee ay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u geysteen askar ka tirsan ciidanka boliiska, xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo.

Waa arrin aad loola yaabo in xubno sharci-dejiyaal ah oo metelaya shacabka ay ku kacaan fal noocan ah, oo dhaawacaya sharafta hayโ€™adaha ammaanka iyo ilaalinta sharciga.

Taliska Boliiska Soomaaliyeed wuxuu bogaadin iyo dhiirigelin u dirayaa askarta muujisay dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyagoo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda.Falkaan xadgudubka ah waxa si rasmi ah loogu gudbin doonaa Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xeer Ilaalinta Qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado cid kasta oo ku lug lahayd.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliiska oo Isbitaalka Madiino ku booqday dhaawacyadaa askartaasi oo lala tacaalayo xaaladda caafimaad, isagoo u rajeynaya bogsiin degdeg ah.

Boliiska Soomaaliyeed waa tiirka ugu muhiimsan ee sugaya nabadda iyo amniga, waana saaxiibka muwaadinka, mar walbana diyaar u ah inuu u adeego bulshada si hufan oo sharaf leh.

Dowladda Soomaaliya lo Saxiixday Heshiiska MAKA ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku saxiixay Heshiiska MAKA ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa oo ay wada saxiixeen dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Heshiiskaan muhiimka ah, ayaa lagu xoojinayaa iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, iyadoo sidoo kale lagu dhiirrigelinayo isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo maamulka wanaagsan.

Mudane Xasan Macallin, ayaa sheegay in heshiiskaan ay caddeyn u yahay sida dowladda Soomaaliya ay uga goโ€™an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo horumarinta cadaaladda iyo hufnaanta hayโ€™adaha dowliga ah.

Guddoomiyaha SoDMA oo shir guddoomiyay kulan looga hadlaayo ka hortaga Abaaraha

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta guddoomiyey shirar gaar gaar ah oo looga hadlaayey u diyaar-garowga iyo ka jawaabista abaarta la saadaalinayo ee La-nina kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA.

Shirkaan oo laba qeyb ahaa, ayaa qeybtiisa 1-aad waxaa diiradda lagu saaray ka hortagga abartaan, sidii loo kordhin lahaa wacyigalinta bulshada ee ku aaddan sida looga gaashaaman karo iyo qorshaha nimdaam ay dowladda hoggaaminayso la iskulana shaqeynaayo sidii looga jawaabi lahaa abaartaan, sidoo kale shirkan ayaa si qota dheer looga hadlay hoggaaminta iyo iskuduwidda arimaha ka jawaabidda xaaladaha degdegga ee hayโ€™adda SoDMA iyadoo si dhow ula shaqayneeysa nidaamka Unified Social Registry (USR) ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Kulankaan waxaa ka soo qeyb-galay hayโ€™adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadannimada iyo horumarinta, iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Sederaalka Soomaaliya, sidoo kale, shirka qeybtiisa 2-aad waxa uu Guddoomiyaha SoDMA la qaatay ku xigeenka Ergayga gaarha ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Sooomaaliya Md George Conway oo ay wehliyaan Hayโ€™adda Isku xirka arimaha biniaadannimada ee OCHA. Shirkaan waxaa looga hadlay u diyaar garowga shirka madasha iskuduwidda arimaha biniaadannimada (Country Humanitarian Forum) ee ka dhici doona Magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Md. Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hayโ€™adaha caalamiga ah iyo kuwa ka shaqeeya horumarinta in loo diyaar garoobo abaarta La-nina iyo in ay dhinacayadan iyo SoDMA si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa sameenta ay ku yeelan karto abartaan dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada nugul.

Duqa Caasimadda oo xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alper Akta, iyaga oo kawada hadlay dardargalinta mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Jamhuuriyada Turkiga iyo shacab keeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin ummada Soomaaliyeed gaar ahaan fulinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada dhinaca Amniga, sidoo kale Guddoomiye Madaale ayaa Turkiga uga mahadceliyay kaalinta uu ka qaatay dib usoo kabashada Soomaaliya.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alper Akta ayaa balan qaaday in Dowladda Turkiga ay cusbooneysiin doonto mashaariicda dib udhiska la xariira gaar ahaan dhismaha Wadooyinka, iyo xarumaha danta guud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa ka hadlay muhiimada ay u lee dahay dib udhiska Wadooyinka Caasimadda, shaqa abuurka dhallinyarada iyo hirgalinta xaruma lagu daryeelo caruurta darbi jiifta.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo boggaadiyay ansixinta guddiga Doorashooyinka Qaranka

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalku u jiheystay wadadii Dimuqraadiyadda, isagoo u mahadceliyay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee maanta ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Fariinta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee uu dhigay bartiisa Facebook halka hoose ka Akhriso:-

โ€œDalku wadadii Dimuqraadiyadda ayuu qaaday waxaana maantay albaabada Loo laabay iska daba-wareeggii, is addoonsigii, afduubkii, wax isdaba-marintii iyo hogaamiyaashii shisheeyuhu soo jiscimi jireen.

Barlamaanka Soomaaliya waa ku mahadsan yihiin talaabooyinkii isda-joogga ahaa ee ay ku ansixiyeen saddexdii sharci iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha oo ay maantay ansixiyeen.

Culesysyo iyo xanuun ayay leedahay marka marxalad la soo caadaystey Laga gudbiyo oo Loo tallaabsanayo mid cusub, laakin wanaageeda waxaa la dareemi doonaa marka dadweynuhu si toos ah ay u soo doortaan madaxdooda iyo kuwa ku matalaya golayaasha barlamaanka heerarkoodu kala duwanโ€.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Shir looga hadlayo kobcinta Dakhliga ka furay Muqdisho

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa maanta magaalada Muqdishu si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo lagaga hadlayo ๐†๐š๐š๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐จ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐š๐ง ๐Š๐จ๐›๐œ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐š๐ก๐š.

Shirkaan, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Sederaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha Maaliyadda Dowlad-Goboleed yada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha Maaliyadda iyo horumarinta Dhaqaalaha.

Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay ayaa xaqiijiyay in Dowlada Federaalka ay wado dadaalo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajoodka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda, ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado si loo gaaro horumar dhaqaale iyo adeeg bulsho.

Shirkaan oo socon doona ilaa iyo galinka dambe ee maanta, ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah horumarinta dakhliga Dowladda iyo Heshiiska Bulshada ee horumarinta dhaqaala.

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda oo kulan la qatay Wasiirka Cadaaladda Masar

0

Wasiiru-dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa Kulan Miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Cadaaladda Masar mudane Cadnaan Fanjari

Wasiiru Dowladda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Ambassador Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar oo Qaahira uga qaybgelaya Shirka 40-aad ee Wasiirrada Cadaaladda Carabta iyo Wasiirka Cadaaladda Masar, Mudane Adnaan Fanjari, ayaa yeeshay kulan looga hadlay xoojinta iskaashiga labada wasaaradood, sameynta hannaan wada-shaqeyneed iyo in Masar sii waddo taageertadda Soomaaliya ee masraxyada caalamiga ah.

Ambassador Ilyaas, ayaa Wasiirka la wadaagay sida Soomaaliya ay ugu hanweyntahay iney ka faaโ€™iideysato khibradda Masar ee tababarka shaqaalaha garsoorka, dib-u-habeynta bahda Cadaaladda, dijitaaleynta dhammaan hayโ€™adaha bahda Cadaaladda, waxuuna codsaday in garsoorayaal Masaari ah Soomaaliya loo soo diro si ay uga howl-galaan maxkamadaha, ayna khibarooda ula wadaagaan garsoorayaasha kale ee Soomaaliyeed iyo in taageero laga siiyo bahda Cadaaladda dhismaha maktabad elektaroonic ah iyo machadka sare ee tababarka iyo horumarinta sharciga oo lagu tababarayo garsoorayaasha iyo qareennada si loo xoojiyo shaqada garsoorka qeybihiisa kala duwan iyo in laga taageero arrimaha xeeran dib-u-eegista dastuurka.

Wasiiru dowlaha Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirka Cadaaladda Masar guddoonsiiyay salaan uu madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uga waday Madaxweyne Cabdelfattah Al-Sisi iyo salaan uu Raโ€™iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uga siday dhiggiisa Masar.

Waxuu sidoo kale Ambassador Ilyaas codsaday in wasaaradda laga taageero kor u qaadida xirfadda iyo karaanka howl-wadeennada bahda Cadaaladda, laguna tababaro Machadka Qaranka ee Ka-hortagga Musuqmaasuqa dalka Masar, si looga caawiyo diyaarinta dhaqan-gelinta ka-hortagga musuqmaasuqa ee Soomaaliya, loona fuliyo Heshiiska Caalamiga ah ee ka-hortagga Musuqmaasuqa ee Qaramada Midoobay.

Ambassador Ilyaas, ayaa soo jeediyay in la sameeyo guddi kormeer oo labada wasaaradood ka kooban oo sanadkii laba jeer kulma kana wada hadla arrimaha bahda cadaaladda ee labada dal, dabagalna ku sameeya dhaqan-galka heshiisyada labada Wasaaradood.

Wasiiru dowlaha, ayaa mudane Adnaan Fanjari ku marti qaaday inuu soo booqdo wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya, si uu u dul istaago horumarka ballaaran ee bahda cadaaladdu ku tilaabsaneyso, waxaana wasiirka Cadaaladda Masar oo aqbalay casuumaadda uu muujiyay sida ay Masar ugu faraxsantahay xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood ka dhexeeya iyo xoojinta iskaashiga Wasaaradood.

Wasiirka Cadaaladda Masar oo soo dhaweeyay Ambasador Ilyaas iyo wafdiga uu hoggaaminayo, ayaa bogaadiyay heerka wanaagsan ee horumarka Soomaaliya uuna ku kalsoonayahay in marxaladda wanaagsan ee ay mareyso uu sii horumari doono, dowlaladda Masar-na ay ku taageereyso sidii ay Soomaaliya ku gaari laheyd hadafkeeda hanaanka cadaaladeed ee caalamka, waxuuna ballan qaaday in Masar ay fulineyso dhammaan codsiyada uu Wasiirka ee horumarinta nidaamka bahda Cadaaladda Soomaaliya.

Ambassador Ilyaas, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Caddaaladda Masar marti gelinta wanaagsan iyo jawaab celinta dhammaan codsiyada Soomaaliya ee la soo jeediyay intii lagu guda jiray kulanka oo muujinaysa sida Masar uga goโ€™an tahay inay ka taageerto Soomaaliya dhinacyada kala duwan, gaar ahaan bahda Cadaaladda.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo waajibaadkeeda gudanaysa, kuna howlan horumarinta iskaashiga kala dhexeeya heyโ€™adaha iyo Wasaaradaha wada-shaqeyntu kala dhexeyso ee daafaha caalamka, ayaa sanadkaan dhamaadka ah waxey gaarty guulo waaweyn, waxaana sanadka soo socda qorushu yahay fulinta qorshayaasha hortebinta u leh oo ay kamid yihiin dhammeystirska dastuurka, dib-u-habeynta shuruucda hortebinta leh ee lagu horumarinayo dowladnimada iyo unkidda shuruucda kale ee muhiimka ah u ah ee qeybta ka ah masโ€™uuliyaadka Wasaaradda.