Wasiirka Amniga Gudaha oo Tababar ugu soo xiray Saraakiil Soomaaliyeed dalka Serbia

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia, ayaa tababar xirfadeed ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo la baray Baarista Damniyada, Saraakiishan oo laga soo xulay dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa muddo tababar sare ku qaadanayay kuliyadaha Booliska Serbia ee Goć.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, falanqaynta caddeymaha, maaraynta dambiyada abaabulan, iyo adeegsiga teknolojiyadda sare ee baarista. Wasiirka ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka soo hooyeen tababarka, isagoo uga mahadceliyay Serbia taageerada ay siisay Soomaaliya.

Mudane Fartaag, ayaa uga mahadceliyey dowladda Serbia tababarka iyo taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dalka, taas oo gacan wayn ka geysanaysa sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Amniga Qaranka oo daahfuray Shirka maareynta Hubka iyo Rasaasta ee 2025–2030.

Xafiiska Amniga Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay...

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...