Home Blog Page 23

Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)

0

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u diiwaangelisay Markabkii ugu horreeyay ee ee sita Calanka Soomaaliya ee Joqoraafi ahaan dhacda Geeska Afrika tan iyo markii ay burbureen hay’adihii hore ee dalka dagaalladii sokeeye ee 1991-kii awgood.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 30 sano ah kadib diiwaangalisay markabkii ugu horreeyay ee sita Calanka Qaranka Soomaaliyeed, sida ay qortay Warbaahinta Turkiga laga leeyahay ee TRT. “Diiwaangelintu waxay ka dhigan tahay ‘soo noolaynta hay’adda badda Soomaaliya iyo dib u soo celinta kalsoonida Calanka Soomaaliya,’ ayuu yiri Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamac.

Soomaaliya waxay leedahay dhul xeebeed dhererkeedu ka badan yahay 3,330 kiiloomitir (2069 Mayl), taasoo ka dhigaysa tan ugu dheer badweynta Afrika. “Maanta, waxaan si rasmi ah uga diiwaan gashannay Markabka ‘Guney’ (IMO 8230417) oo ku hoos safraya calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ku yiri hadal uu Khamiistii soo saaray.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in diiwaangelinta Markabkan oo ah markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladnimo in ka badan sodon sano ka hor dagaaladii sokeeye ay muujineyso dib u soo nooleynta maamulka Badda Soomaaliya iyo dib u soo celinta kalsoonida Calanka Soomaaliya.

“Tani waa markii ugu horreysay burburkii dalka kadib ee markab lagu diiwaangeliyo calanka Soomaaliya, taasoo astaan u ah dib-u-soo-nooleynta awoodda iyo sumcadda Calanka Soomaaliyeed. Diiwaangelintan waxay ku timid kadib dhameystirka dhammaan shuruucdii loo baahnaa in dal uu bixiyo Calan. Wasaaraddu waxay soo dhaweyneysaa Milkiilayaasha Maraakiibta iyo Ganacsatada inay ku diiwaangeliyaan Maraakiibtooda Calanka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadd Federaalka Soomaaliya qoraal ay soo saartay ayay ku sheegtay in talaabadaan muhiimka ah ay ku timid kadib markii ay Wasaaraddu hirgalisay dhammaan shuruucda lagama maarmaanka u ah diiwaangalinta iyo Calan siinta Maraakiibta, ‘waxayna muujineysaa go’aanka ku aadan horumarinta iyo casriyeynta arrimaha Badda.

“ Diiwaangalinta ‘Cuney’ waxay fursad cusub u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, Wasaaradduna waxay soo dhaweyneysaa Ganacsatada iyo Mulkiilayaasha Maraakiibta inay ka faa’ideystaan fursadaan cusub, si ay uga qeybqaataan horumarinta dhaqaalaha dalka. Dadaalkaan waxa uu qeyb ka yahay qorshaayaasha Isteraajiyadeed ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliyeed, islamarkaana taageeraya hirgalinta qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP)”,ayaa lagu yiri:- qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.

Mid ka mid ahaa Badmaaxiintii Soomaaliyeed ee bari samaadkii ka howlgali jiray Maraakiibta ayaa yiri:- “Aniga oo og Muhimadda ay leedahay, Talaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya, Bishan April ee sanadkan 2026-ka, gaar ahaan Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee lagu Diiwaan galiyay Markabka Magaciisu yahay ( Cuney) sumadiisuna tahay, IMO. No. 8230417, kaas oo qaadanayo Calanka Soomaaliya, si uu ugu maro Badaha Caalamka, iyada oo Calankeenna Maraakiibta sidata ayna muddo ka muuqan Dekedaha iyo Baddaha Caalamka, ha noqdo Markab Soomaalidu leedahay ama mid looga kireeyay ku meel maridda Calankeena oo muddo Caalamka ka heystay Ceymis raqiis ah, taas oo hore u soo jiidatay Maraakiib badan oo Ajnabi lahaa”. “Hambalyo iyo Guul. Horuumar ayaa u rajeeynaa Wasaaradda”, ayuu ku soo gunaanaday Badmaaxa Soomaaliyeed oo arrintaasi aad ugu farxay.

Wasiirka Difaaca “Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Puntland waxay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan dagaalka Daacish”

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay garab istaagaan maamulka Puntland dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.

Wasiirka ayaa xusay in dowladda Federaalka ay horey u muujisay doonisteeda ku aaddan taageerada dagaalka, balse arrintaas mararka qaar la siyaasadeeyay. Sidoo kale, waxa uu bogaadiyay guulaha laga gaaray howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish.

“Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Puntland waxay diyaar u yihiin inay kuwa maamulka ku garab siiyaan dagaalka Daacish,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa intaas ku daray in ay jiraan ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo horey ugu sugnaa deegaannada Puntland, kuwaas oo leh khibrad dagaal oo ku saabsan la-dagaallanka Daacish, islamarkaana mar walba diyaar u ah inay qeyb ka noqdaan howlgallada socda.

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo la kulantay Ururada Haweenka

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka, kulankaasi oo ku saabsanaa xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka Koonfur Galbeed fursadaha, caqabadaha iyo daruufaha ku xeeran.

Xubno ka mid ah Haweenka kulanka kasoo qeybgalay oo ku hadlay magaca ururrada Haweenka ayaa uga waramay xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka gobollada Koonfur Galbeed ku dhaqan, caqabadaha heysta iyo baahiyahooda waxaana ay dhammaantood bogaadiyeen guullaha baaxada leh ee ay gaartay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa Haweenka warbixin ka siisay guulaha ay Wasaaradda Qoyska gaartay iyo tallaabooyinka ay Wasaaradda u qaaday wax ka qabashada tacadiyada iyo Hormarinta haweenka kuwaasi oo ay ka mid yihiin:- In markii ugu horeysay qoondada Haweenka lagu cadeeyey 30% sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta, Ansixinta Sharciga ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah arrimaha Jinsiga ,Sharciga ka hortagga Gudniinka Fircooniga, Sharciga Arrimaha Qoyska oo waxbadan xuquuq siinaya Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa dhinaca kale Haweenka kulanka kasoo qeybgalay uga warbixisay tallaabooyinka u qorsheysan iney Wasaaraddu u qaado hormarinta Haweenka Soomaaliyeed iyo in guud ahaanba meesha laga saaro tacadiyada ay la kulmaan Haweenka ayadoo ugu dambeynna ku boorisay Haweenka kulanka kasoo qeybgalay isku duubni iyo wadajir iney uga gudbaan daruufaha ku xeeran islamarkaana wadajir looga faa’ideysto fursadaha jira.

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

0

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq u-magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiya koonfur Galbeed oo dhawan dowladda ay magacaawday ayaa magaalada Baydhabo ka wada kulama uu la qaadanay odayaasha iyo waxgaradka degaanka kuwaa oo diiradda lagu saarayo xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulkadir Faarax, oo hoggaaminayay wafdi ka socda Wasaaradda, ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku soo gabagabeeyey kulamo shaqo oo muhiim ah.

Kulamadan ayaa waxaa uu la yeeshay madaxda sare ee Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo sidoo kale madaxda shirkadaha waaweyn ee dhinaca difaaca.

Wafdiga la socday Xoghayaha Joogtada ah ayaa isugu jiray Agaasimayaal Guud, Agaasimayaal Waaxeedyo, Madax-Qaybeedyo, la-taliyeyaal ka tirsan Wasaaradda, iyo mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Turkiga.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga iyo xiriirka dhinaca difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in xaruntan ay door weyn ka qaadan doonto horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan la socodka iyo ka hortagga khataraha ka iman kara biyaha aan nadiifka ahayn.

Sidoo kale, xaruntan Shaybaarka Biyaha ayaa xoojin doonta awoodda farsamo ee gobolka, iyadoo suuragelin doonta in si joogto ah loo sameeyo kormeer iyo baaritaanno cilmiyeed oo lagu hubinayo tayada iyo badqabka biyaha, isla markaana lagu taageero go’aan-qaadasho ku saleysan xog sax ah.

Ugu dambeyn, daahfurka xaruntan ayaa muujinaya dadaallada lagu xoojinayo adeegyada aasaasiga ah iyo ilaalinta deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

WAR SAXAAFADEED

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Howlgalladan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe, iyada oo lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijta u yaaleen matoorro waaweyn oo ay u adeegsan jireen farsameynta miinooyinka iyo qaraxyada. Halkaas waxaa lagu gubay lix matoor, waxaana lagu dilay lix dhagarqabe oo ay ka mid ahaayeen Horjooge Abiikar Nuur oo masuul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka, iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan oo ahaa Makaanigii ugu weynaa argagixisada ee farsameynta baabuurta qaraxyada.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ee isla Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo gabbaad ka dhiganayay goob kayn ah. Seddex dhagarqabe ayaa lagu dilay howlgalkan, waxaana lagu kala firdhiyay maleeshiyaadkii halkaas ku dhuumaaleysanayay, taas oo wiiqday abaabulkii kooxda.

Howlgalladan qorsheysan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo xarumaha iyo abaabulka Maleeshiyaadka ee Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo isku dayada argagixiso. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duleedka Baraawe

0

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgal wadajir ah ka fuliyay deegaanka Xarshanley oo ku yaalla duleedka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalka waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 6-aad ee Qeybta 60-aad, G/Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, halka taliye ku xigeenka Ciidanka Haramcad uu ahaa Bakar Abuukar Cali.

Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd xoojinta amniga magaalada Baraawe, iyadoo magaaladaasi ay isu diyaarinayso martigelinta doorashooyinka soo socda. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sidoo kale la hadlay shacabka deegaanka, iyaga oo ku boorriyay in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta iyo doorashooyin ku dhaca jawi ammaan ah.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudiga

0

Maareeyaha Dekedda Weyn ee Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, Maxamed Abuukar Subeer, ayaa intii uu socday Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee lagu qabtay magaalada St. Petersburg ee Ruushka, waxa ay kulan dooceed la qaateen wafdi ka socday Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay ka mid ahaayeen Naif Saleh Samkari, Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badda, iyo Najla Alfarraj, khabiir ku takhasustay arrimaha deegaanka.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga arrimaha badda, hirgelinta is-afgaradka labada dhinac, iyo istaraatiijiyadda IMO ee ilaalinta deegaanka iyo yareynta qiiqa.

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka

0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta dadaallada nabadaynta, iyadoo hoggaamiyuhu uu Odeyaasha kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta xasilloonida iyo dib-u-heshiisiinta bulshada dhexdeeda.

Hoggaamiye Jabriil ayaa adkeeyay in Koonfur Galbeed ay mudnaan gaar ah siinayso nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka.

Odeyaasha Dhaqanka ayaa dhankooda soo dhaweeyay kulanka, iyagoo ballanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan maamulka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar laga gaaro deegaanka.

Ugu dambeyn, hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyay Odeyaasha kaalintooda muuqata, wuxuuna ku boorriyay inay sii xoojiyaan dadaallada ay ugu adeegayaan bulshada.