Home Blog Page 23

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qeyb galay shir ay isugu yimaaddeen Wasiirrada Dalxiiska ee Waddamada Afrika, iyadoo halkaas uu ka socdo shirweynihii 26-aad ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Dalxiiska (UN Tourism General Assembly).

Wasiirka oo shirkaasi khudbad ka jeediyay ayaa xusay in adeegga dalxiiska ee Soomaaliya uu sameeyay dib usoo kabasho ballaaran, isagoo sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay qeyb ka noqoto hadafka Afrika ee hirgelinta adeeg dalxiis oo baraare leh oo qaaraddu ay gaarto, iyadoo diiradda la saarayo dhowrista deegaanka, xoojinta aqoonta dalxiiska iyo horumarinta dhaqaalaha bulshooyinka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la fududeeyo shuruudaha isku socodka Qaaradda dhexdeeda, sida fududeynta dal ku galka, xoojinta adeegyada duullimaadka iyo is-dhexgalka bulshooyinka isaga tallaabaya xudduudaha si loo abuuro suuqyo cusub oo uu ku kobco adeegga dalxiiska ee Qaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay maalgashiga dalxiiska, iyadoo taasi ka duuleysa ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya hirgelisay cilmi-baaris heer Qaran ah oo la xiriirta arrimaha dalxiiska, taas oo salka ku haysa dib usoo nooleynta adeegga dalxiiska casriga ah, xoojinta adeegyada aqoonta iyo xirfadaha dalxiiska, dib usoo nooleynta iyo casriyeynta goobaha dalxiiska ee dalka.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh uga qeybgelaya Shirweynaha 26-aad ee Ururka Dalxiiska Qaramada Midoobay oo sannadkan ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay ee dalalka Khaliijka ay martigeliyaan shirkan.

Shirweynahan oo labadii sanaba mar la qabto, ayaa ku soo beegmaya sanad-guuradii 50-aad tan iyo markii la aasaasay Ururka Dalxiiska ee Qaramada Midoobay, iyadoo ajandaha laga doodi doono ay ka mid yihiin qorshaha iyo hiigsiga 50-ka sano ee soo socda ee horumarinta dalxiiska caalamka.

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

0

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo xiray 48 Saraakiil Soomaaliyeed ah oo ka tirsan Ciidamada Qaranka.

Askartan ayaa qayb ka ahayd 498 Sarkaal oo tababar heerkiisu sarreeya ku qaadanayay muddo Sanad ah dalka Yugaandha.

Munaasabadda lagu soo xirayay tababarka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Yugaandha, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Yugaandha ayaa horay tababarro kala dwuan ugu fidisay dalkeeda cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka, iyadoo door muhiim ah ka ciyaaraysa howlgallada xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

 

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee isbeddelka cimilada, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Belem ee dalka Brazil, isagoo khudbaddiisa ku adkeeyay baahida loo qabo in tallaabo degdeg ah oo caalami ah la qaado si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ugu nugul isbeddelka cimilada, islamarkaana ay abaaro soo laab-laabtay ka dhaceen, iyada oo aan qeyb ka ahayn wasakhowga hawada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa carrabaabay qorshaha Soomaaliya ee NDC iyo Qorshaha La-qabsiga Cimilada, oo qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo diiradda saaraya afar qodob: la-qabsiga, maalgelinta cimilada, khasaaraha iyo magdhowga, iyo isbeddelka tamarta nadiifta ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa la wadaagay shirka sida ay muhiim u tahay in la iska kaashado la tacaalidda iyo wax ka qabashada khasaaraha isbeddelka cimilada.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in isu-soobaxa kumannaanka kun ee daawanayey ciyaarta ay muujinayso nabadda iyo xasilloonida amni ee caasimadda.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalay furitaanka Matxafka Qaran ee Dhaqanka iyo Taariikhda Masar.

3- Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dodoma uga qeybgaley caleema-saarka Madaxwaynaha la doortay ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabayay cabasho ka timid bulshada ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay mid ka mid ah xarumaha laga bixiyo kaarka aqoonsiga qaranka ee NIRA, isagoo faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Ciraaq, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada,maalgashiga ,kaluumeysiga, tamarta, beeraha, xoolaha iyo adeegyo kale.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay laamiga dheer ee degmada Wadajir ee xaafadda Buulo-xuubeey .

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka (Somali Internet Governance Forum), waxaana uu sheegay in loo baahanyahay nidaam iyo sharciyo cad oo loo dejiyey isticmaalka Internet-ka, si looga hortago xadgudubyada, dembiyada iyo falalka ka baxsan anshaxa dijitaalka ah.

8- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Bare guddoonsiiyey haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta oo ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya qeyb ka aheyd.

9- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) guddoonsiiyey haddiyad gaar ah oo uga timid Guddiga Dhismaha iyo Qalabeynta Matxafka Nabadda Soomaaliya ee Carta oo ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya qeyb ka aheyd.

10- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Dawladda Britain (UK) iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya oo xoojinayo adeegyada daryeelka bulshada iyo taageerada qoysaska nugul.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb-galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha Isbahaysiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Gaajada iyo Saboolnimada oo lagu qabtay magaalada Doha ee dalka Qatar.

12- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalim Caliyow Ibrow iyo Wasiirkii hore Mudane Yuusuf Maxamed Aaden.

13- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Cali Xaaji Aadan ayaa daahfuray mashruuc cusub oo loogu talagalay taageerada hooyooyinka iyo carruurta nugul ee ku nool deegaanada ay abaaruhu saameeyeen ee u baahan gargaar caafimaad iyo nafaqo degdeg ah.

14- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirennimo Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Masar, Danjire Mohamed Salah Hassan Keshtah.

15- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro,iyagoo ka wada hadlay xiriirka u dhaxeeye Midowga Yurub iyo Hay’adaha ee qaabilsan arrimaha garsoorka iyo nidaamka cadaaladda.

16- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Sanduuqa Dawliga ee Shuhaddada dalka Ciraaq, Sarreeye Guud Amjad Al Awadi oo isugu jiray ganacsato iyo maalgashadayaal.

17- Wasiirrada Cadaaladda, Gaashaandhigga, iyo Amniga Gudaha ayaa Muqdisho uga qay- galay shir lagu gorfeeynayey xoojinta hay’adaha amniga iyo cadaaladda Soomaaliya,oo looga dooday iskaashiga hay’adaha amniga , garsoorka , nabadda iyo cadaaladda waarta.

18- Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar ayaa la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Danjire Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abakr Afandi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo adkaynta iskaashiga labada dal .

19- Wasiiru-Dawlaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Nuura Mustaf Mukhtaar ayaa magaaladda Samarkand dalka Uzbekistan kaga qeyb-gashay Shirweynaha Guud ee 43-aad ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka (UNESCO).

20- Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiin Xaaji Maxamed ayaa ka hadlay xiriirka saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Yemen.

21- Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka Cabdiwali Maxamed Timacadde ayaa dadweynaha ku wargaliyay inay kordhinayaan waqtiga shaqada, iyo xarumaha.

22- Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo socdaalka Masar inta uu socday furitaanka Madxafka Masar, iyagoo kawada hadlay arrimaha ciidamada Masar ee ka mid noqonaya Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).

23- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa daahfuray kulan lagu soo bandhigay mashruuca Catastrophe Deferred Drawdown Option (Cat DDO), oo loogu talagalay maareynta musiibooyinka iyo ka hortagga aafooyinka degdega ah.

24- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ololaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha gaarsiiyay deegaanka Warane oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

25- Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidanka.

 

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Sacuudiga Mudane Amiir Abdulaziz Bin Turki Al-Feysal.

Kulanka ayaa lagu kala saxiixday heshiis is-afgarad ah, kaas oo daaran dib-u-dhiska garoomada iyo arrimaha horumarinta xirfad u sameynta dhallinyarada iyo shaqo abuurkooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo lagu xoojinayo xiriirada iyo iskaashiga la yeelan doona qaar ka mid ah wasiirada dhigiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta ee ku sugan dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

0

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeybgalay Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa tilmaamay in isu-soobaxa kumannaanka kun ee daawanayey ciyaarta ay muujinayso nabadda iyo xasilloonida amni ee caasimadda,

Madaxweynaha oo hambalyo u diray labada degmo ee Howlwadaag iyo War-Sheekh ee isugu soo haray dhammaadka Koobkan ayaa sheegay in la xaqiijiyey yoolkii isdhexgalka bulsho iyo adkaynta midnimada shacabka Soomaaliyeed ee ay salka ku hayaan qabashada tartannada ciyaaraha, waxa uuna soo bandhigay sida isu-soobaxa kumannaanka kun ee Caasimadda ku daawanayey ciyaarta ay caddayn u tahay in si nabdoon ay codkooda u dhiiban karaan, markii la gaaro doorashada Goleyaasha deegaanka ee Caasimadda.

“Dhallinyaro sidaad ugu soo baxdeen ciyaarta kubadda cagta ugu soo baxa doorashooyinka dhawaan ka bilaaban doona degmooyinka Gobolka Banaadir, si aad u soo doorataan dadka idiin matali kara danahiinna iyo deegaankiinaba, waxaad haysataan fursad, go’aanka gacantiina ayuu ku jiraa ee doorta hoggaankiinna”.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu hambaleeyey ciyaartooyda, macallimiinta, maamulka iyo taagereyaasha degmada Howlwadaag ee ku guulaystay Koobka, isaga oo bogaadiyey anshax wanaagga iyo hufnaanta tartan ee ay muujiyeen dhammaan ciyaartooyda, macallimiinta iyo taagerayaasha kooxaha oo idil

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos yimaada Wasaaradda.
Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa:
– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale.
– Maareeyaha Guud ee Golaha Murtida iyo Madaddaalada, Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure.
– Maareeye ku-xigeenka Tiyaatarka, Abwaan Maki Xaaji Banaadir.
– Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA), Ismaaciil Cumar Muqtaar.
– Agaasimaha SNTV, Maxamedkaafi Abuukar Maxamed.
– Agaasimaha Radio Muqdisho, Cabdifataax Daahir Jayte.
Wasiirka ayaa masuuliyiintaasi ku bogaadiyay shaqadii hufnayd ee ay qabteen intii lagu guda jiray munaasabaddii xuska 25-aad ee shirka Carta, oo ka dhacday magaalada Jabuuti.
Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys wuxuu si gaar ah u ammaanay fannaaniinta Qaranka ee kooxda Waaberi iyo qeybaha kale ee bahda fanka, bandhigyadii ay ku soo bandhigeen munaasabaddaasi.
Wasiirka ayaa xusay in Warbaahinta Qaranka iyo tan gaarka loo leeyahayba ay muujiyeen dadaal muuqda oo mudan in lagu xusuusto xuska shirkii Carta, wuxuuna ku booriyay dhammaan bahda warbaahinta iyo fanka inay sii labanlaabaan dadaalkooda, ayna door muuqda ka qaataan hawlaha qaran ee ay ka mid yihiin:
– Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta
– Doorashooyinka
– Horumarinta dowlad-dhiska.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa door muhiim ah ka qaadatay qabanqaabada iyo hirgelinta xuska sanad-guuradii 25-aad ee shirka Carta, oo ahaa aas-aaska Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Guddiga Joogtada, kaasoo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa. Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Guddoomiyaha ayaa furitaanka kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsan howlaha Golaha Shacabka, gaar ahaan meelmarinta shuruucda kaabeysa dowladnimada dalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay dhaqangelinta shuruucda horseedaysa doorasho qof iyo cod ah. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaalka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku aaddan diiwaangelinta dadweynaha.

Intaas kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday ajendayaasha mudnaanta u leh kalfadhiga toddobaadkan, iyagoo si gaar ah ajendeyn ugu sameeyay qorshayaasha Golaha ee toddobaadka soo socda.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulanka soo xiray isagoo bogaadiyay howsha ay hayaan guddiyada Golaha, gaar ahaan korjoogteynta wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee ay u xilsaaran yihiin.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir heer qaaradeed ah oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha dhallinyarada Afrika.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Midowga Afrika (African Union), ayaa diiradda lagu saarayaa doorka dhallinyarada ee horumarinta qaaradda, kobcinta hoggaaminta dhallinyarada, iyo ka qaybqaadashada geeddi-socodka nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Afrika.

Ka qeybgalka Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in dhallinyaradeedu ay door muuqda ka qaataan masraxa siyaasadda, horumarka iyo nabadda qaaradda Afrika.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjire El-Hadji Ibrahima Diene, wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxa AUSSOM (African Union Support to Somalia).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda xasilinta ee deegaannada dhowaan laga xoreeyay kooxaha argagixisada, iyo horumarka laga gaaray Qorshaha Qaranka ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka, kaas oo maraya heer gebogebo ah. Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga dooday sidii loo dardargelin lahaa howlaha nabadeynta iyo ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan meelaha laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AUSSOM, si loo gaaro nabad waarta, amni joogto ah, iyo horumar muuqda oo ka dhaca deegaannada la xoreeyay.

Danjire Diene ayaa dhankiisa caddeeyay in AUSSOM ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dadaallada xasilinta, ilaalinta shacabka iyo dib u dhiska, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo u dhaxeysa hay’adaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.