Home Blog Page 22

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta fuliyay hawlgallo duqeymo ah oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay ee gobolka Baay.

Duqeymahan oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay 12 dhagarqabe, halka lagu dhaawacay tiro kale.

Hawlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo awoodda Khawaarijta, laguna xaqiijinayo amniga guud ee deegaannada dalka.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibbada caalamka waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgallada noocaan oo kale ah, si loo ciribtiro khatarta argagixisada, loona sugo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

 

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil C/rashiid Xaaji ayaa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo ay Haweenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku muujiyeen taageeradooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka Qof iyo Cod.

Munaasabadda oo ay soo qabaqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa lagu muujiyey doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ku faahfaahiyey qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah ayaa tilmaamay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu noqon doono deegaanka ugu horreeya ee dalka laga hirgeliyo doorashooyinka Qof iyo Cod, isaga oo xusay in dowladda ay ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashooyinka tooska ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan wada noolaanshaha, is ixtiraamka iyo taageerada geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo caddeeyey in aan wax dambi ah loo haysan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, kuna baaqay in laga gudbo khilaafaadkii hore si loo wada dhiso mustaqbal mideysan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdigu Guddomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalda Baydhabo ku soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee Guddiga, mudane Xuseen Nuunow Cali, oo horey ugu sugnaa magaalada iyo Mas’uuliyiin kale

Ujeeddada Socdaalka Guddoomiyaha ayaa ah kormeerka guud ee howlaha doorashooyinka ee ka socda deegaanada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, dardargelinta hirgelinta qorshayaasha doorashooyinka, iyo hannaanka diyaar-garowga doorashooyinka dalka.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulkadir Cali ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlay dardargelinta hindisaha qaran ee Barashada Nabadda ee Hanaanka Dhab-u-heshiisiinta Qaran (NRF).

Kulankan waxaa ka soo qeybgalay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka, Xoghayaha Guud ee Guddiga Tacliinta Sare iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday hay’adaha dowladda.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday muhiimadda ay leedahay Barashada Nabadda iyo sida ay uga qeyb qaadan karto xoojinta wadajirka bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo dhismaha bulsho nabdoon oo waarta, Ugu dambeyn kulanka waxaa lagu go’aamiyay dhismaha Guddiga Hagidda Barashada Nabadda si loo hoggaamiyo, la isugu dubbarido isla markaana loo dardargeliyo hirgelinta hindisahan qaran.

 

Wasiir Fiqi oo kormeeray fariisimaha ciidamada XD ee Baydhabo

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqday qaar ka mid ah Fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ee magaalada Baydhabo.

Booqashadan ayaa qayb ka ah kormeerro joogto ah oo lagu xaqiijinayo xaaladda ciidanka, dardargelinta sugidda amniga iyo howlgalada dalka looga sifeynayo argagixisada, iyo xoojinta isku-duubnida ciidamada qaranka.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada ku sugan Baydhabo, waxayna sidoo kale si toos ah ula hadleen askarta, kuna bogaadiyeen geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, gaar ahaan Hawlgallada furitaanka waddada istaraatiijiga ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo muhiim u ah isku socodka shacabka iyo ganacsiga dalka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa manata kulan la qaatey dhammaan Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee ku Sugan magaalada Baydhabo Ee caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha ayaa Saraakiisha kala hadlay Xaalada Amni ee magaalada Baydhabo, kadib isbedelkii ka dhacay Koonfurgalbeed. wuxuuna Saraakiisha Boliiska faray in la xoojiyo wada shaqeynta laamaha Amniga, Wuxuuna Si gaar ah Boliiska ugula dardaarmey Amniga Gudaha Magaalada.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa Odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka iyo taageerada dowlad-dhiska dalka, isaga oo adkeeyey muhiimadda wada shaqeynta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo xaqiijiyo horumar iyo xasillooni waarta.

Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku bixinayso nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada Koonfur galbeed, iyaga oo muujiyey garab istaagooda qorshayaasha Qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

0

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada Baydhabo kula hadlay warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyay safarka Madaxweynaha JFS Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ku joogo Baydhabo.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu Baydhabo u joogo xoojinta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah, si shacabka ay codkooda ugu doortaan hoggaankooda.

“Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah, si dadweynuhu codkooda ugu soo doortaan hoggaankooda,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay in Madaxweynaha intii uu joogay Baydhabo uu kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka bulshada. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray sugidda amniga magaalada iyo sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

Waxaa kale oo uu xusay in la dardargelinayo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay Howlgal guuleystay ay ku fuliyeen inta u dhaxeyso Baydhabo Muqdisho halkaa oo ay khawaarijtu ku dhibteen jirtay dadka shacabka,waxana markaa kadib halkaa gaaray Madaxda ugu sarreysa dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada, iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, geerida ku timid S/Guuto Yacquub Maxamed Siyaad, oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Danab iyo TurkSom.

Marxuumka ayaa lagu tilmaamay haldoor qaran oo door weyn ka qaatay dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb qaatay dagaalkii 1977, isaga oo caan ku ahaa khibrad ciidan, hoggaan sare, iyo karti uu ku hogaamiyo ciidanka.

Sidoo kale, waxaa lagu xasuusan doonaa dallacaad taariikhi ah oo uu mar qura ku helay 12 darajo, iyo doorkiisii muuqday ee tarbiyeynta jiilal cusub oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Marxuum S/Guuto Yacquub Maxamed Siyaad waxa uu sidoo kale wax ku bartay culuumta Daraasaadka Difaaca iyo Istiraatiijiyadda ee Jaamacadda Difaaca Qaranka Shiinaha intii u dhaxeysay 2024 ilaa 2025.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelka iyo qarankana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Taliyaha CXD oo dalacsiiyay ciidamadii ku guuleystay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa dalacsiiyay ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Taliyaha oo cutubyo ka tirsan ciidanka kula hadlayay magaalada Baydhabo ayaa ku bogaadiyay guusha ay ka gaareen howlgalkaas, isaga oo xusay in cadowgu dhibaato ku hayay shacabka ku safri jiray waddadaas. Wuxuu sheegay in guushu ay tahay mid ay ku farxeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo amniga deegaannada ay ciidamadu la wareegeen.

Sidoo kale, taliyaha ayaa ciidamada ku abaalmariyay min hal darajo oo dalacsiin ah, taasoo ay ku muteysteen Jabkii ay gaarsiiyeen khawaarijta. Wuxuu intaas ku daray in saraakiishii iyo saraakiil-xigeennadii hoggaaminayay howlgalkaas iyaguna ay heli doonaan dalacsiin la mid ah.

“Waxaan si qalbi ah idiinka mahadcelinayaa. Inta aan awoodo, hal darajo ayaan idin dalacsiiyay, sidoo kale saraakiisha idin hoggaamineysay iyagana ballan la mid ah ayay leeyihiin,” ayuu yiri Taliye Ibraahim Maxamed Maxamuud.

“Waddadaas dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, oo ay isbaaro u tiillay Khawaarijtu tan iyo 2009, inaad ka xoreyseen, aadna sii daba-joogtaan firxadkooda waad ku mahadsan tihiin guushaas weyn ee aad u soo hooyseen Qarankiinna.” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka XDS Ibraahim Maxamed Maxamuud.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u shaacisay in dib loo furay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, kaddib dagaallo culus oo Ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay,halkaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada Oo mudda dhibaata badan ku heysay shacabku ku safra wadadaa.

Ciidamada xoogga dalka ayaa dardargaliyay howlgalada ka dhanka ah khawaarijta ee lagu xaqiijinayo amniga iyo dib u furista waddooyinka muhiimka ah ee dalka.