Home Blog Page 22

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Duhulow ayaa soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES (Personnel Identification Secure Comparison and Evaluation System) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo socday muddo dhowr maalmood ah ayaa lagu kobcinayay aqoonta iyo xirfadda saraakiisha HSJ ee ku aadan adeegsiga nidaamka casriga ah ee PISCES, kaas oo muhiim u ah ilaalinta amniga xuduudaha iyo horumarinta adeegyada socdaalka.

Munaasabadda xiritaanka ayaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin ka qeybgalayaasha, waxaana Agaasimaha Guud uu bogaadiyay dadaalka iyo ka go’naanshaha saraakiisha HSJ ee horumarinta xirfadooda shaqo iyo ilaalinta amniga xuduudaha.

Mudane Mustafa Duhulow ayaa sidoo kale xusay in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha lagu casriyeynayo nidaamka socdaalka iyo isku xirka xarumaha muhiimka ah ee xuduudaha dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay tababarada joogtada ah ee lagu horumarinayo shaqaalaha.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

0

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada Jowhar kusoo dhoweeyay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa magaalada Jowhar u tegay ka qaybgalka Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada ee Soomaaliya (CHF) oo la filayo inuu si rasmi ah u furmo berri.

Kulanka labada mas’uul waxaa lagu gorfeeyay xoojinta iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, ka jawaabista masiibooyinka, iyo hormarinta howlaha bini’aadannimo ee dalka.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Hirshabelle soo dhoweynta diirran, isagoo xusay in Madasha CHF ay muhiim u tahay mideynta dadaallada gurmadka iyo iskaashiga hay’adaha samafalka ee Soomaaliya.

 

 

RW Xamsa oo magacaabay wasiir ku-xigeen cusub

0

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa markii uu arkay khibradda, waayo-aragnimada iyo howsha baaxadda leh ee hortaalla Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, waxa uu u magacaabay Marwo Maryan Cali Abuukar Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka.

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed kasoo saartay, Dilalka iyo Beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka.

Hoos ka Akhriso warsaxafadeedka

 

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen gobolka Bakool ku dilay horjooge ka tirsanaa Khawaarijta.

Horjoogahan oo Khawaarijta u qaabilsanaa saldhigga Abal ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Maxamed (Gofow),waxaana sidoo kale lagu yaqiinay xarig iyo dhibaateynta dadka shacabka ah.

Taliyaha Guutada 9aad ee Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gashaanle Dhexe Yuunis Aadan Xasan, oo howlgalka kadib la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay horjooge Maxamed Cabdi (Gofow).Waxa uu tilmaamay in ciidanka Xoogga ee ku sugan gobolka Bakool ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee weli ku sugan deegannada gobolka.

Ciidamada Guutada 9aad ee Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka ee ka howl gala gobolka Bakool ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howlgallo ballaaran oo ka socda deegaanno hoos yimaada gobolka, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu ka socdo Shirweynaha Dalxiiska ee Qaramada Midoobay, kulan kula yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee UNWTO.

Madaxda uu Wasiirku la kulmay waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Afrika ee UNWTO, Elcia Grandcourt, iyo Agaasimaha Xiriirka Caalamiga, Beka Jakeli.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dalxiiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee dhinaca dalxiiska. Wasiirka ayaa madaxda UNWTO uga warbixiyay koboca adeegyada dalxiiska ee dalka iyo siyaasadda Dowladda Federaalka ee ku wajahan horumarinta dalxiiska, taas oo ku dhisan casriyeynta adeegyada iyo hirgelinta barnaamijyo kor u qaada aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada.

Sidoo kale Wasiir Daa’uud Aweys ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay dhawaan hirgelin doonto machadyo heerar kala duwan leh oo lagu baran doono dalxiiska iyo martisoorka.

Madaxda UNWTO ayaa soo dhoweeyay dadaalka ay Soomaaliya ku waddo dib u soo nooleynta dalxiiska, waxayna ballanqaadeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka si kor loogu qaado horumarinta iyo maalgelinta dalxiiska dalka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa haatan ku sugan magaalada Riyadh, halkaas oo uu uga qeybgalayo Shirweynaha Guud ee 26-aad ee Ururka Dalxiiska Qaramada Midoobay, oo sanadkan ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taas oo noqoneysa markii ugu horreysay ee dalalka Khaliijka ay martigeliyaan shirkan.

 

 

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.

Inta lagu guda jiray kulanka, guddiga waxay wasiirka ka dhageysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan:

Dhacdadii dhawaan ka dhacday iridda hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, oo ay hooyo Soomaaliyeed ku hor umushay; dhacdo taabatay shucuurta shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dalka. Wasiirku wuxuu caddeeyay in isla xisaabtanka iyo baaritaannada la xiriira arrintaasi ay socdaan.

Adeegyada kala duwan ee Isbitaalka, oo ay ka mid yihiin:

Daryeelka hooyada iyo dhallaanka,Cudurrada guud

Qaybta gargaarka degdegga ah

Nafaqo darrida carruurta

La–tacaalida cudurrada HIV iyo Cancer Qayb kasta waxaa ka howlgala dhaqaatiir takhasus gaar ah leh, sida uu wasiirku xusay.

Caqabadaha jira, oo uu wasiirku ku sheegay kuwa ugu waaweyn: shaqaale yaraanta marka loo eego tirada bukaannada badan, taas oo mararka qaarkood keenta in adeegyadu ku dheeraadaan.

Kadib kulanka, guddigu waxay kormeer shaqo ku tageen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, iyagoo booqday qeybaha kala duwan, islamarkaana si toos ah ula hadlay qaar ka mid ah bukaannada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahadcelisay guud ahaan howl-wadeenada caafimaadka, kuna dhiirrigelisay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ballanqaadday in guddigu door muuqda ka qaadan doono horumarinta adeegyada iyo daboolista baahiyaha ka jira isbitaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay xoojinta Wax-soosaarka dalkeenna ayaa xarigga ka jaray Warshadda Banaadir Steel oo ah Warshad cusub oo soo saarta Biraha Shubka ee lagu dhiso Guryaha, iyadoo isticmaaleysa dib u warshadeynta biraha duugoobay.

Madaxweynaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Warshaddan ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirrigelinta, iyo garab istaagga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maalgashanaya dalkooda, si ay door muuqda uga qataan soo kabashada dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo shaqo abuurka dhallinyarada, isagoo ku adkeeyey in kor loo qaado ilaalinta badqabka shaqaalaha iyo tayada wax-soosaarka Warshadda.

“Waxaan hambalyeynayaa dhallinyarada ganacsatada ah ee u istaagay in ay dalkooda maalgashadaan, kuwaas oo fursad shaqo u abuuray in ka badan 400 oo qof iyo qoysaskooda,Warshadaha iyo mashaariicda kale ee waaweyn waxa ay ka mid yihiin kuwa dalkeenna dhowaan ka hano qaadi doona, waxaan dooneyna in qurbajoogtu ay dalka maalgashadan, si aan u soo ceshano wixii inaga lumay 30-kii sanno, waxaan rajeynayaan in warshadaan ay ballaarato oo ay soo saarto wax kasta oo dhismo guri la xiriiro”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey ganacsatada Soomaaliyeed in ay diiradda saaraan maalgelinta hal abuurro ka turjumaya baahiyaha dalka, kuwaas oo faa’iida u leh mustaqbalka jiilalka danbe, si waddanku u gaaro isku filaansho dhaqaale, wax-soosaar dhameystiran iyo Warshado awood buuxda u leh daboolidda ku tiirsanaanta waxyaabaha dibadda laga keenno.

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

0

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad, oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 156 Xildhibaan ayaa ajendihiisu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka, akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale iyo qeybinta warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka dib u eegista Sharciga Ladagaallanka Burcad-badeedda iyo ka hortaga Afduubka ee Sharci LR.36 ee 30-ka Abriil, 1975.

Ugu horreyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana ogolaatay 154 Xildhibaan sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo natiijadda codeynta ku dhowaaqay.

Sidoo kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha u akhriyay Wasiiru Dowlaha wasaaradaasi Mudane Maxamed Cusmaan Naastaro.

Xildhibaanno Golaha ka tirsan ayaa dhowr su’aalood oo ku saabsan mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedkan, inuu waafaqsanyahay shareecada Islaamka iyo dastuurka, saameynta miisaaniyadeed ee uu leeyahay iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay weydiiyay wasiiru dowlaha.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Dib U eegista Sharciga la dagaallanka Burcad-badeedka iyo ka hortaga Afduubka Sharci LR.36 ee soo baxay 30-kii April, sanadkii 1975-kii.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka iyo dadka islamarkaana uu ka mid yahay shuruucda bulshada Soomaaliyeed waxtarka u leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa amray in hindise sharciyeedkan in lagu wareejiyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka, si uu usoo diyaariyo akhrintiisa labaad loogana doodo, wuxuuna sheegay in Baarlamaanka 11-aad, isagoo kaashanaya culimaa’udiinka Soomaaliyeed uu soo saari doono shuruuc looga hortagayo dembiyada iyo tacadiyada ka dhanka haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wakiilka ahna Agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daloum.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, iyadoo loo eegayo waxyaabaha mudnaanta qaran u leh Soomaaliya, gaar ahaan ka jawaab-celinta xaaladaha bini’aadantinimo, amniga cuntada iyo horumarka waara.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagu dabooli lahaa baahiyaha bulshooyinka nugul iyo taageeridda barnaamijyada dhisidda adkeysiga ee dalka oo dhan.