Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo la kulantay Ururada Haweenka

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka, kulankaasi oo ku saabsanaa xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka Koonfur Galbeed fursadaha, caqabadaha iyo daruufaha ku xeeran.

Xubno ka mid ah Haweenka kulanka kasoo qeybgalay oo ku hadlay magaca ururrada Haweenka ayaa uga waramay xaaladaha ay ku sugan yihiin Haweenka gobollada Koonfur Galbeed ku dhaqan, caqabadaha heysta iyo baahiyahooda waxaana ay dhammaantood bogaadiyeen guullaha baaxada leh ee ay gaartay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa Haweenka warbixin ka siisay guulaha ay Wasaaradda Qoyska gaartay iyo tallaabooyinka ay Wasaaradda u qaaday wax ka qabashada tacadiyada iyo Hormarinta haweenka kuwaasi oo ay ka mid yihiin:- In markii ugu horeysay qoondada Haweenka lagu cadeeyey 30% sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta, Ansixinta Sharciga ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah arrimaha Jinsiga ,Sharciga ka hortagga Gudniinka Fircooniga, Sharciga Arrimaha Qoyska oo waxbadan xuquuq siinaya Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa dhinaca kale Haweenka kulanka kasoo qeybgalay uga warbixisay tallaabooyinka u qorsheysan iney Wasaaraddu u qaado hormarinta Haweenka Soomaaliyeed iyo in guud ahaanba meesha laga saaro tacadiyada ay la kulmaan Haweenka ayadoo ugu dambeynna ku boorisay Haweenka kulanka kasoo qeybgalay isku duubni iyo wadajir iney uga gudbaan daruufaha ku xeeran islamarkaana wadajir looga faa’ideysto fursadaha jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...