Home Blog Page 24

Sh/Hoose: Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan khawaarijta

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 203-aad Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa gacanta ku soo dhigay horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu magacaabo Salaad Macalin Cusmaan Cabdiyow, loona yaqaan (Salaad Dheere).

Howlgalkan qorsheysan oo uu hoggaaminayay Taliye ku-xigeenka Ururka, Laba Xidigle Xasan Axmed Gaabow (Xasan Yare), ayaa ka dhacay tuulada Soo-Maray oo qiyaastii 5KM dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliye Xasan Yare ayaa xaqiijiyay in horjoogahan uu ku howlanaa maleegida falal amni darro ah oo uu la damacsanaa shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu Khawaarijta u qaabilsanaa tuulooyinka kala ah Buula Cabdulle, Mudulow, Buula-doonka Ugunji Busley iyo Soo-Maray oo dhammaantood hoostaga deegaanka Mubaarak.

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray, waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taasi oo uu hirgaliyay maamulka Gobolka Banaadir.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saarey ku magacaabay Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi in uu noqdo Hoggaamiyaha Ku-Meel Gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

4- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in si degdeg ah loo qaban doono shir dib u heshiisiin oo ay ku xigi doonto doorashada maamul ay ku qanacsan yihiin shacabka Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

5- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay odayaasha dhaqanka iyo malaaqyada degaannada Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay saraakiisha ciidamadii fuliyey howlgalkii Khawaariijta looga sifeeyey waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira Wasiirro Iyo Xildhibaano uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo.

9- Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin wax mooshin ah oo soo gaaray islamarkaana ay been abuur yihiin wararka lagu faafiyey baraha bulshada.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis iyo isku shaandheyn kooban ku sameeyay Agaasimeyaasha iyo Xoghayeyaasha Joogtada ee Wasaaradaha Dowladda.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”, oo lagu dhiirigelinayo doorka dhallinyarada ee faafinta wanaagga, diinta iyo kheyrka bulshada dhexdeeda.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey Wasiir Ku-Xigeenno cusub oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, taas oo ku saabsan horumar dalka uu ka gaaray dhanka Gaadiidka Badda.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay Madasha Isku-Duwidda Beeraha oo ay hirgelisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, looguna talagalay xoojinta isku-duwidda iyo wada-shaqeynta barnaamijyada horumarinta beeraha ee dalka.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey Madasha Bani’aadanimada Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA).

16- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad ee Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfurayay shirkadda SOMTURK oo ka asaasantay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo saldhig u ah xoojinta iskaashiga Khayraadka Badda iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga.

17- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedyo, heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah oo waxtar u leh tayeynta hey’adaha dowladda.

18- Hoggaamiyaha KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfuur Galbeed.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo faahfaahin ka bixiyay hawlgalladii degaannada Koonfur Galbeed, dagaalka Daraawiishta Puntland kula jiraan Daacish, hawlgalka xoreynta dalka ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyo arrimo kale.

20- Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa diiwaangelisay markab qaatay Calanka Soomaaliya, kaaso lagu magacaabo “Guney” Sumadda tirsigiisuna tahay “IMO 8230417”. Waana markii ugu horeysay ee taariikhda Soomaaliya dagaalkii sokeeye kadib in la sameeyo diiwaanka maraakiibta.

21- Guddiga Madaxbannaan Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa magaalada Dhuusamareeb gaarsiiyay kaararka iyo sanaadiiqda codbixinta doorashooyinka Qof iyo Codka ah.

22- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan (Xaamud), ayaa kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay madaxda hoggaannada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

23- Xulka kubadda cagta qaranka Soomaaliya oo tiigsanaya in ay 69-sano kadib markii ugu horeysay ka qeyb galaan kama dambeysta koobka Qaramada Qaaradda Afrika ka dib markii 4-2 uga adkaadeen xulka dalka Mauritius.

24- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ka fuliyay hawlgalo lagu dilay horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, laguna burburiyay xarumo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay farsameynta qaraxyada, dayactirka hubka iyo abaabulka maleeshiyaadka.

25- Shacabka magaalada Baydhabo ayaa si weyn u soo dhoweeyay Ciidanka Qaranka oo maalmihii la soo dhaafay Khawaarijta ka sifeeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Bay.

26- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Maryam Qaasim ayaa ka qeyb gashay shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI) oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva.

27- Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bay ayaa Shacabka reer Koonfuur Galbeed uga mahadceliyay soo dhaweyntooda, waxaana ugu baaqay inay ciidanka kala shaqeeyaan xasilinta amniga.

28- Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Guutaale ayaa qaabilay Danjirha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane wang Yu.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential Palace the ambassadors and representatives of the international organizations operating in Somalia.

2- President Hassan Sheikh Mohamud cut the ribbon for the main road connecting Dabka Junction and Bakara in Mogadishu, which was implemented by the Banadir regional administration.

3- Prime Minister Hamza Abdi Barre issued a decree appointing Mr. Jibril Abdirashid Haji Abdi as the Interim Leader of the Somali Federal Member State of the South West (South West State).

4- The Speaker of the House of the People of the Federal Parliament of Somalia, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nur (Madobe), said that a reconciliation conference will be held urgently followed by elections for the administration that the people of the South West State are satisfied with.

5- The Speaker of the House of the People of the Federal Parliament, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nur (Madobe), held a meeting in Baydhabo with the traditional elders of the South West State.

6- The Speaker of the House of the People, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nur (Madobe), held a meeting in Baydhabo with the officials of the South West State Ministries.

7- The Speaker of the House of the People of the Federal Parliament, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nur, held a meeting in Baydhabo with the military officials who conducted the operation against the Kharijites that targeted the road connecting Mogadishu and Baydhabo.

8- The Speaker of the House of the People of the Federal Parliament, Mr. Sheikh Aden Mohamed Nur (Madobe), and a delegation including ministers and deputies were warmly welcomed in Baydhabo.

9- The Office of the Speaker of the House of the People said that no motion has been received and that the rumors circulating on social media are false.

10- Prime Minister Hamza Abdi Barre issued appointments and a minor reshuffle of Directors Generals and Permamenet Secretaries in the ministries of the government.

11- Prime Minister Hamza Abdi Barre attended the award ceremony for the “Daaci 2026” program, which promotes the role of youth in spreading goodness, religion, and charity within the community.

12- Prime Minister Hamza Abdi Barre appointed new Deputy Ministers to be part of the Cabinet.

13- Prime Minister Hamza Abdi Barre received a briefing at his office from the Ministry of Ports and Maritime Transport about the progress the country has made in the maritime sector.

14- Deputy Prime Minister, H.E. Salah Ahmed Jama, inaugurated the Agriculture Coordination Platform established by the Ministry of Agriculture and Irrigation, aimed at strengthening coordination and collaboration of development programs in the country.

15- Deputy Prime Minister of Somalia, Mr. Salah Ahmed Jama, chaired the Somalia Humanitarian Platform organized by the Somalia Disaster Management Agency (SoDMA).

16- Deputy Prime Minister Jibril Abdirashid Haji Abdi, participated in a ceremony launching SOMTURK, a partnership for defense and economic cooperation between Somalia and Turkey, which serves as a foundation for strengthening maritime resource cooperation and boosting the blue economy.

17- The Cabinet has approved draft laws, treaties, and key regulatory statutes that will enhance the function of government agencies.

18- The leader of the Interim Administration of South West State, Mr. Jibril Abdirashid Haji Abdi, was warmly welcomed in Baydhabo, the interim capital of the South West State.

19- Defense Minister, Mr. Ahmed Moalim Fiqi, provided details about the operations in the South West states, the war with the Puntland Daacish, the ongoing national liberation against the Kharijites, and other matters.

20- The Ministry of Ports and Maritime Transport registered a ship that has flown the Somali flag, named “Guney” with IMO number 8230417. This is the first time since the civil war that Somalia has registered a vessel.

21- The Independent National Election and Boundary Commission arrived in Dhusamareeb with the voting cards and ballot boxes for “One Person, One Vote” elections.

22- The Commander of the Somali Custodial Corps, Brig. Gen. Mohamed Ahmed Sheikh Hassan, held his first meeting with the leaders of the Somali Prison Service.

23- The Somalia national football team aiming to, after 69 years, participate in the Africa Cup of Nations final tournament for the first time, after defeating Mauritius 4-2.

24- The National Intelligence and Security Agency (NISA), in cooperation with international partners, carried out operations in the regions of Middle Shabelle and Lower Shabelle, killing Kharijites commanders and destroying places they used to produce explosives, weapon maintenance, and organize militias.

25- The people of Baydhabo warmly welcomed the National Army as Kharijites were driven out of areas in Bay.

26- The Chairperson of the Somali Human Rights Commission, Mrs. Maryam Qassim, participated in the annual conference of global human rights organizations (GANHRI) held for three days in Geneva.

27- The Commander of the Bay Regional Police Department praised the people of South West State for their hospitality and urged them to cooperate with security forces to stabilize security.

28- The Permanent Secretary in the Office of the Prime Minister Kamal Gutale, met with the Chinese ambassador to Somalia, Mr. Wang Yu.

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah iyo Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee magaalada Baydhabo ayaa daaran, dardargelinta adeegyada bulsho ee loo hayo shacabka deegaanka, xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doonaa hoggaanka KMG ah ee dowlad goboleedka, Odayaasha Dhaqanka, Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Daraawiishta iyo qeybaha bulshada, iyada oo diiradda la saaridoono adkeynta amniga, socodsiinta adeegyada dowladnimo ee bulshada loo hayo iyo hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod, si loo xaqiijiyo himmilada shacabka soomaaliyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara.

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid ah diblomaasiyiinta Safaaradda ayaa ka qayb galay munaasabad casho sharafeed diblomaasiyadeed ah oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Ardayda Caalamiga ah ee Jaamacadda Daystar (International Students Association).

Munaasabaddan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo ay ka soo qaybgaleen arday iyo marti sharaf kala duwan oo ka kala yimid dalal kala duwan, taasoo muujinaysa is-dhexgalka iyo wada noolaanshaha bulshooyinka caalamiga ah.

Xoghayasha 1aad, Mudane Abdullahi Mohamed Siyat iyo Mardiya abdi Mohamed ayaa si gaar ah u amaanay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Daystar, isagoo bogaadiyay dadaalkooda waxbarasho iyo ka qaybgalka firfircoon ee ay ku leeyihiin hawlaha ardayda. Wuxuuna tilmaamay in ardaydu ay yihiin mustaqbalka dalka, isla markaana looga baahan yahay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa ka faa’iideystay fursaddaas si uu u dhiirrigeliyo ardayda Soomaaliyeed, kuna boorriyay inay ka faa’iidaystaan waxbarashada, kana shaqeeyaan horumarinta naftooda iyo dalkooda.

Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi wanaagsan oo ay ka muuqatay is-faham, is-ixtiraam iyo xiriir wanaag u dhexeeya ardayda iyo martida kale.

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga hoggaamiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wasiirro ka tirsan xukuumadda, siyaasiyiin deegaanka ah, saraakiil iyo qeybaha kale ee bulshada.

Socdaalka hoggaamiyaha KMG ah ayaa la xiriira dhammeystirka qorshaha dhisidda nidaam maamul oo ku yimaada rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, taas oo ay ballan qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah oo waxtar u leh tayeynta hey’adaha dowladda, iskaashiga iyo horumarka dalka, waxa ayna kala yihiin.

1- Hindise-Sharciyeedka Hey’adda Maamulka Garoommada Diyaaradaha Soomaaliyeed.

2- Siyaasadda-Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Howlgallada Ciidan iyo Colaadaha.

3- Hindise-Sharciyeedka La-dagaallanka Tahriibta iyo ka Ganacsiga Dadka

4- Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shaqada Arrimaha Dibadda.

5- Heshiiska Caalamiga ah ee ka Hortagga Falalka Sharci-darrada ah ee ka dhanka ah Bad-qabka Socdaalka Badda 2005 (Heshiiska SUA ee 20025).

6- Baratakoolka 1992 ee wax ka badalaya Heshiiska Caalamiga ah ee Masuuliyadda Madaniga ee wax-ka beddelka Wasakhowga Saliidda.

7- Heshiis Is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya kuna saabsan Wadatashi Siyaasadeed.

8- Qaraarka Hirgalinta Hannaanka Tartanka Furan.

Kulanka Golaha oo uu Guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed oo deegaanno hor leh maalmahan ka xoreeyay kooxaha Khawaarijta isla markaana dadaal ugu jira sidii ay uga sifayn lahaayeen guud ahaan dalka.

Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga XFS, ayaa Golaha warbixin ka siiyey dadaallada dowladda ay waddo ee lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo dhowaanna la qorshaynayo howlgallo lagaga sifaynayo deegaannada yar ee ay wali ku suganyihiin.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada Xukuumaddu waxa ay bogaadisay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed iyo caasimadd KMG ee Baydhabo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen ciidamada qalabka sida. Golaha ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidanka qaranka sidii mas’uuliyadda iyo taxadarka ku jirey ee ay u maareeyeen hawlgalkii la isugu furey waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo.

Ugu dambeyntii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag ugu baaqaysaa dhinacyada ay colaaddu u dhexayso inay si bilaa shuruud ah u joojiyaan xabbadda, qaataanna nabadda, iyadoo lagu dhiirigelinayo inay khilaafaadka ka dhashay deegaanka ku xalliyaan hab wadahadal iyo is-afgarad ah. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa maamulka Somaliland in uu qaataan mas’uuliyadda kaga aaddan xallinta dhibaatadan, door hogaamineedna ka ciyaaro deminta iska horimaadyada sokeeye, iyo xasilinta deegaanka.

Xukuumaddu waxay codsi u diraysaa hoggaanka dhaqanka, culimada diinta, aqoonyahanka iyo dhammaan waxgaradka deegaanka, iyadoo ka sugaysa inay u istaagaan daminta colaadda iyo xoojiyaan walaaltinnimada, kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa xal waara oo meesha ka saaraya sababaha keena iska horimaadyada soo noqnoqda.

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo Soomaaliya ay markii ugu horreysay ka qayb gashay. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Drs Maryan Qaasim Axmed, oo hoggaaminaysay wafdiga, ayaa shirka ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray saameynta ay xuquuqda aadanaha ku leeyihiin teknoolojiyadda casriga ah, gaar ahaan garaadka gacmeedka (artificial intelligence) iyo aaladaha dhijitaalka ah. Guddoomiye Maryan Qaasim Axmed oo hadal ka jeedisay shirka, ayaa si gaar ah uga hadashay horumarrada Soomaaliya ay ka gaartay dhinaca xuquuqul aadanaha, iyo dhismaha Guddiga Qaran ee loo idmaday inuu ka shaqeeyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha iyo Wafdiga ay hoggaamineysay ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Berhanu Adelo, waxayna si gaar ah u falanqeeyeen sii xoojinta iskaashiga labada Hay’adood.

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii u dhexeysay 30-ka Maarso ilaa 1-da Abriil, 2026.

Aqoon isweydaarsigan waxaa uu qayb ka yahay dadaallada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo habraacyada ka hortagga musuqmaasuqa.

Hirgelinta aqoon isweydaarsigan waxaa ay ku timid iskaashi u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNODC, iyada oo UNODC ay bixisay taageero farsamo, halka Xafiiska Hantidhowrka Guud uu lahaa hoggaaminta iyo jihaynta aqoon isweydaarsiga.

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo “Guney”, sumadda tirsigiisuna tahay IMO 8230417.

Tani waa markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya in si rasmi ah loo sameeyo diiwaangelinta maraakiibta qaata calanka Soomaaliya, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta aqoonsiga iyo maamulidda maraakiibta Soomaaliyeed.

Tallaabadan muhiimka ah waxay muujinaysaa dadaalka wasaaradda ee ku aaddan horumarinta iyo casriyeynta gaadiidka badda, si loo xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta ganacsiga badda ee dalka.

Diiwaangelinta markabka “Guney” waxay fursad cusub u abuureysaa kobaca dhaqaalaha badda iyo abuurista shaqooyin.

Wasaaradda ayaa ku boorrisay ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iideystaan fursaddan, si ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn, dadaalladan waxay qeyb ka yihiin qorshaha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo siyaasadda Xukuumadda Dan Qaran, iyagoo taageeraya hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah.