Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Date:

WAR SAXAAFADEED

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta. Howlgalladan waxaa lagu dilay sagaal dhagarqabe, iyada oo lagu burburiyay lix matoor oo waaweyn oo kooxdu u adeegsan jirtay farsameynta miinooyinka iyo walxaha qarxa.

Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijta u yaaleen matoorro waaweyn oo ay u adeegsan jireen farsameynta miinooyinka iyo qaraxyada. Halkaas waxaa lagu gubay lix matoor, waxaana lagu dilay lix dhagarqabe oo ay ka mid ahaayeen Horjooge Abiikar Nuur oo masuul ka ahaa matoorada iyo gaadiidka, iyo Cabdifitaax Maxamed Xasan oo ahaa Makaanigii ugu weynaa argagixisada ee farsameynta baabuurta qaraxyada.

Sidoo kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Tugaareey ee isla Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo gabbaad ka dhiganayay goob kayn ah. Seddex dhagarqabe ayaa lagu dilay howlgalkan, waxaana lagu kala firdhiyay maleeshiyaadkii halkaas ku dhuumaaleysanayay, taas oo wiiqday abaabulkii kooxda.

Howlgalladan qorsheysan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo xarumaha iyo abaabulka Maleeshiyaadka ee Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo isku dayada argagixiso. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...