Home Blog Page 204

Soomaaliya oo heshiis deyn cafin ah la saxiixatay dowladda Denmark 

0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa maanta si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.

Heshiiskaan, ayaa daba socda wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, go’aankaas oo sidoo kale waajibinayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha kulahaa.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.

Wasaaradda Cadaaladda oo furtay tababar la xariiro mamulka Xabsiyada 

0

Agaasimaha Waaxda Asluubta ee wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Mudane Mohamud İsak Hassan, ayaa maanta daah furay tababar la xiriira maamulka xabsiyada iyo xuquuqda aadanaha oo loo labaatan howlwadeen oo ka mid ah Asluubta Soomaaliya.

Ujeedka tababarkaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta hawlwadaneeda Asluubta iyaga oo fulin doona waxyaabaha lagu tababaray si wax looga qabto baahiyaha cadaaladeed ee ka jira Xabsiyada dalka.

Ugug danbeyn Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa ku howlan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha howlwadeenada ka shaqeeya bahada Cadaaladda dalka.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo gacanta kusoo dhigtay dhagar-qabe ka tirsan khawaarijta 

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar- qabe ka tirsan Khawaariijta oo u qaabilsanaa hubinta badqadka gaadiidka ay Khawaariijta u adeegsadaan qaraxyada.

Dhagar-qabaha oo lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Xasan (Xaaji) ayaa xubin ka ah Shabakadda Qaraxyada iyo Naftood- haligayaasha Khawaariijta, isaga oo u qaabilsanaa hubinta iyo sameynta gaadiidka kahor inta aan loo adeegsan Ismiidaaminta, maadaama uu yahay xirfadle Makaanikiiste ah.

Dhagar-qabahan waxa uu ku lug-lahaa cilad bixinta ilaa Sagaal gaari oo loo adeegsadey gummaadka Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, kaas oo ugu dambeeyay gaarigii Harrier-ta ahayd ee lagu qarxiyey SYL Hotel, isaga oo deegaanka Ceelasha Biyaha uga soo dhiibay dhagar-qabe Cabdinaasir Daahir Nuur Jimcaale (Guri ma leedahay) oo xukunsane ah.

Hay’adda NISA waxaa ka go’an ciribtirka cadowga khawaariijta ah ee beegsanaya dadka Shacabka ah iyo cid walba oo kaalin ku leh la shaqeyntooda.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka oo kulan la yeeshay wafdi ka socda Hay’adda Duulista ee ICAO

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md. Cabdikariim Cabdow Xeydar oo uu wehliyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Ahmed Moallin Hassan, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Caalamka ee ICAO.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Cabdikariin Cabdow ayaa faahfaahiyey qorshaha safarka isgoo sheegay in dhinacyado ay kawada hadleen sidii garoonka Aadan Cadde loo hormarin lahaa si uu ula jaan qaado garoomada caalamiga ah.

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii lagu horumarin lahaa iskaashiga farsamo ee labada Hay’adood iyo qiimeeynta sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay baarista farsamo (Audit) ee dhawaan Hay’adda ICAO ku sameeyn rabto Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale Kulanka lagu faaqiday siyaabaha lagu xoojin karo awooda farsamo ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo hubinta waafaqsanaanta Howlaha Hay’adda ee shuruucda iyo heerarka Duulista Caalamiga. Wafdiga ayaa booqasho qiimeeyn ah ku tagay xafiisyada iyo kaabayaasha tijnoolojiyeed ee Hay’addu ku howlgasho.

Maareeyaha Hay’adda ayaa rajo fiican ka muujiyay natiijada shirka isagoo tilmaayay muhiimada ay leedahay iskaashiyadda caalamiga si loo hormariyo majaalka Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Booqashada wafdigan ayaa ka dhigan tilaabo horumar leh oo loo qaaday dhanka xoojinta khibradda farsamo iyo heerarka howlgelinta shaqooyinka Hay’adda, waxay jidka u xaareeysaa in Duulista Rayidka Soomaaliya ay bixiso addeeeg leh badqab la hubo isla markaana heerkiisu sareeyo.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ka qeygalay shir-weynaha (COP29)

0

Wafdi uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ), Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada ee Qaramada Midoobay (COP29) oo lagu qabtay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, iyagoo soo bandhigay doorka Soomaaliya ee adeegsiga teknoolojiyadda si wax looga qabto caqabadaha cimilada.

Maareeyaha ayaa ka qeybgalay dood cilmiyeedyo ku saabsan “Garaadka Macmalka ee Digniinta Degdegga ah ee Dhammaan” (AI for Early Warnings for All – EW4All) oo diiradda lagu saaray sidii garaadka macmalka loogu adeegsan lahaa yareynta nuglaanta cimilada iyo badbaadinta nolosha, iyo “Hawlaha Dhijitaalka ee Cagaaran” (Green Digital Action) oo xoogga lagu saaray isku-darka hal-abuurka dhijitaalka ah iyo xeeladaha cimilada si loo yareeyo saameynta deegaanka loona dhiso kaabayaal adkeysi leh.

Intii shirku socday, Soomaaliya waxay taageertay Baaqa Hawlaha Dhijitaalka Cagaaran, taas oo muujinaysa dadaalka ay ugu jirto horumar waara, sinnaanta dhijitaalka ah, iyo dhisidda kaabeyaasha adkaysiga leh.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uga tacsiyeeyay Guddoomiye kuxigeenka koowaad Gariddii ku timid walaasheed 

0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar uga tacsiyeeyay geerida ku timid walaasheed Faadumo Cali Samatar.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa marxuumadda Alle SWT uga baryay inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan qoyskeeda oo ay ugu horeyso Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka iyo eheladeedana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay wafdi ka socda dalka Norway 

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Danjire Ahmed Moalim Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Norway, oo uu hoggaaminayey Safiirka Norway ee Soomaaliya, Mr. Einar Rystad. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka labada dal iyo ka wada-hadlidda arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka.

Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Geeska Afrika. Wuxuu sheegay guulaha laga gaaray dib-u-habaynta dastuurka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, oo ay ka mid tahay ansixinta Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo maamul wanaagga dimuqraadiga ah.

Wafdiga Norway ayaa bogaadiyey guulahan, iyagoo ammaanay sida Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha dowladnimo inkastoo ay jiraan caqabado.Doodda ayaa sidoo kale diiradda saartay qorshaha istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee xilliga kadib ATMIS, iyadoo dalka uu u diyaargaroobayo inuu si buuxda ula wareego masuuliyadda amniga qaranka.

Wasiir Fiqi ayaa faahfaahiyey dadaallada lagu tayeynayo ciidamada amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo ku booriyay iskaashiga caalamiga ah ee taageeraya yoolalkan.Waxaa sidoo kale laga hadlay mowqifka Soomaaliya ee ka dhanka ah heshiiska sharci-darrada ah (MoU) ee Itoobiya ay ku doonayso dhul Soomaaliyeed. Wasiir Fiqi ayaa ku adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Kulanka,ayaa muujinaya iskaashiga sii kobcaya ee Soomaaliya iyo Norway, oo ku saleysan danaha wadaagga ah iyo qiyamka wadajirka ah, iyagoo ka shaqeynaya xalinta caqabadaha gobolka iyo horumarinta nabadda waarta.

Arday Soomaaliyeed oo Bandhig dhaqameed uga qeyb shay Jaamacad ku taalo dalka Shiinaha

0

Waxaa Todobaadkan magaalada Changsha ee dalka Shiinaha lagu qabtay Bandhig dhaqameed, kaas oo ay ka qeyb galeen arday badan oo Ajaaniib ah oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliya ee wax ka barta dalka Shiinaha.

Bandhig dhaqameedkan ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Central South University (CSU), ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta jaamacadda,marti sharaf iyo arday badan oo ka kala socda 40-Dowladood oo Soomaaliya ay ku jirto.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta  dalka Shiinaha ayaa madasha ku soo bandhigay cunto dhaqameedkeenna noocyadooda kala duwan iyo ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanka, taas oo si weyn u soo jiidatay dhammaan dadkii munaasabadda ka soo qeyb galay.

Dhallinyaro ku lebbisan dharka hiddaha iyo dhaqanka, isla markaan lulaya Calankeenna Soomaaliyeed ayaa goobta wacdaro ka muujiyay, iyadoo qiimeeyn la sameeyayna ay Soomaalidu ka gashay kaalimaha ugu ho bandhig dhaqameedka ka dhacay magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.

Guddoomiyaha ardayda Soomaaliya ee wax kabarata magaalada Changsha ee dalka Shiinaha Axmed Cabdirahmaan Ibraahim ayaa aad u bogaadiyay hannaanka hagaagsan ee ardayda Soomaaliyeed ay u soo bandhigeen hiddaha iyo dhaqankooda hodanka ah, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyay gabdhaha Soomaaliyeed doorka wanaagsan ay ka qaateen bandhiga.

Madaxdii bandhig dhaqameedka ka soo qeyb galay iyo ardaydii kale ee ajaaniibta ayaa u riyaaqay bandhiga cajiibka ah ee ardayda Soomaaliyeed ay uu muujiyeen, iyagoo ku tilmaamay mid kaalin muhiim ah kaga jiray habsami u socodka munaasabadka,waxaana ay ku bogaadiyeen inay xoojiyaan dhaqanka Soomaaliyeed.Bandhig dhaqameedkan oo ah mid sanadkii, mar la qabto ayaa sanadkan hal ku dhig looga dhigay isku xirka dhaqamada iyo isku-duubnimada adduunka.

Wasiir Fiqi oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Madaxa cusub ee IOM ee Soomaaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira. Kulankan ayaa lagu lafa guray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntu waxay muhiim u tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaaradda waxay sii wadaysaa iskaashiga dhow ee IOM si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay oo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay, Axmed Maxamuud Muxumed, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.