Home Blog Page 204

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo martigeliyay dood cilmiyeed ku saabsan kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

0

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dood cilmiyeed cinwaankeedu yahay “muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya markale ka mid noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay” ku qabtay Caasimadda Muqdisho.

Dood cilmiyeedkan oo sidoo kale ahaa af-fur wadareed ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda, Danjire Yuusuf-Garaad Cumar Axmed, aqoonyahanno iyo wakiillada bulshada rayidka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa furay dood cilmiyeedka , isagoo ka hadlay kaalinta Soomaaliya ee matalidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka iyo ka go’naanshaheeda nabadda iyo ammaanka caalamiga.

Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda, Mudane Maxamed Maxamuud Guure, ayaa sheegay inuu horumarinayo howlaha iyo barnaamijyada machadka si uu uga dhabeeyo qorshayaasha deggan,

Ka qeybgalayaasha ayaa is-dhaafsaday aragtiyo ku qotoma xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka oo muddo xileedkeedu yahay labo sano, iyaga oo xusay muhiimadda ay arrinkaasi leedahay.

Intii madashu ka socotay doodda ayaa kaqeyb galayaashu ay ku tabaruceen 560 buug oo wax ka taraysa ballaarinta Maktabadda Machadka .

Wasiir Daa’uud Aweys’’ Shacabka haka fogaadaan goobaha ay joogaan Khawaarijta,’’

0

Dowladda Federaalka ayaa shacabka Soomaaliyees ugu baaqday in ay ka fogaadaan goobaha fara ku tiriska ah ee ay ku harsan yihiin Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo ku soo koobmay in ay shacabka dhibaateeyaan.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in any Dowlasdu kordhisay duqeymaha cirka ee ay ka fulineyso goobaha ay joogaan Khawaarijta, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aysan ka agdhawaan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in duqeymo dhacay Saacadihii la soo dhaafay lagu dilay horjoogayaal ku sugnaa degmada Jilib.

‘’ Waxaan markale shacabka Soomaaliyeed la wadaageynaa howlgalo ballaaran oo lagu beeraha carpets Khawaarijta, kuwaas oo ka dhacay degmada Jilib, markale, waxaan shacabka Soomaaliyeed uga dogma in ay ka fogaadaan goobaha carpets ka soo abaabulayo dhagarta ama ay rabaan in ay ka sameeyaan carqalado dhinac nabadda la xiriira, dowladda federaalka waxaa ka go’an in ay sii waddo howlgallada oo waliba u badan duqeymoDhanka cirka ah, marka si loo yareeyo khasaaro soo gaaro shacabka waa in ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan Cadowga,’’ ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys oo shir jiraa’d ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta.

Howlgalka Jilib laga fuliyay oo ku soo dhammaaday guul ayaa lagu bur buriyay xarumo muhiim u ahaa Khawaarijta oo ay ku jiraan labo guri oo ay deganaayeen labo horjooge oo la kala yiraahdo Xasan Yacquub iyo Amiin oo intaba ku yaalo degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA LA-TALIYENIMO KA QAADAY MAXAMED XASAN IBRAAHIN (QOONE)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa uga mahadceliyay Mudane Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay duqeymo iyo dagaallo lagu naafeeyay Qawaarijta

0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed ayaa ka warbixiyay duqeymo iyo dagaallo toos ah oo saacadihii lasoo dhaafay Khawaarijta lagu naafeeyay, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Galgaduud

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ku sheegay deegaan si tooska ay oga dhaceen duqeymaha iyo weerarada lagu naafeeyay Kooxaha Qawaarijta in ay kala yihiin Owdheegle, Boos-hareeri,Sumadaale, Geerile, Doonka Shabeeloow, Ceel-buur iyo Laba-garas oo ka wada tirsan Gobollada Galgaduud, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar ayaa oga mahadceliyay ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka sida dagaal ay ugu naafeeyeen Kooxaha Argixisada ee caadeytay daadinta dhiiga dadka muslimka ah.

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa xalay ka jeediyay khudbad xaflad af-fur ah oo Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda ay soo qaban-qaabisay oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, isaga oo sheegay kaalinta wax ku oolka ah ee Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib-u-kabashada iyo horumarka qaran ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay kaalin wacan ku leeyihiin dadaallada dib-u-kabashada, maalgeshiga iyo dib-u-dhiska dalka , isaga oo xusay in dhismaha Xarunta Maamulka Arrimaha Qurbajoogta Soomaaliyeed la guda-galay, bilooyin gudahooda ay ku idlaan doonto.

Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta, Dr. Maxamed Xuseen Gaas, inuu dardargeliyo wadashaqaynta dhow ee qurbajoogta iyo dadka ku soo guryo-noqday dalka ay la leeyihiin waaxda si loo adkeeyo kaalintooda muuqata ee horumarka leh.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo tilmaamay fadliga soonka iyo ka shaqaynta adeegga bulshada inta lagu gudo-jiro bishani fadliga ah.

Nidaam casri ah oo isku xiraya shaqo bixiyaasha iyo shaqo doonayaasha oo la daahfuray

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon.Yusuf Mohamed Adan ayaa si rasmi ah u daahfuray Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka (Somali National Job Portal), kaas oo wax weyn ka tari doona fududeynta helitaanka fursadaha shaqo ee dalka.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka soo qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, wakiillo ka socda Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Nidaamkan cusub ayaa wax weyn ka beddeli doona habka shaqo-doonayaashu u helaan fursadaha shaqo, isaga oo xoojinaya xiriirka ka dhexeeya loo shaqeeyayaasha iyo shaqo-doonayaasha. Wuxuu yareyn doonaa caqabadaha hor taagan in dhalinyarada Soomaaliyeed helaan shaqooyin ku habboon xirfadahooda iyo khibraddooda.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, oo ka hadlay munaasabadda daahfurka, ayaa xusay muhiimadda uu nidaamkan u leeyahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka waara ee dalka. “Tallaabadan waxay muujineysaa sida ay dowladda uga go’an tahay xallinta caqabadaha shaqo la’aanta, iyada oo la dhiirrigelinayo in fursadaha shaqo ee dalka si cadaalad ah loogu qeybiyo dhammaan muwaadiniinta,” ayuu yiri Wasiirka.

Nidaamka Casriga ah ee Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin: Fududeynta Shaqo-helidda, Isku Xirka Loo Shaqeeyaha iyo Shaqo-doonka, Kor u Qaadista Horumarka Dhaqaale iyo Hufnaan iyo Cadaalad.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa horey u qaaday dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo shaqo-abuurka, gaar ahaan dhalinyarada. Nidaamkan cusub ayaa qeyb ka ah qorshayaal ay wasaaraddu waddo si loo abuuro jawi shaqo oo casri ah, loona fududeeyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed helaan fursado ay noloshooda ku horumariyaan.

Dhammaan shaqo-doonayaasha iyo loo shaqeeyayaasha waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay si buuxda uga faa’iidaystaan nidaamkan cusub si loo hormariyo fursadaha shaqo ee gudaha dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hay’adaha ku shaqada leh u gudbiyey in ay soo buuxiyaan kursiga Hop#201

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in mudane ka tirsanaa golaha shacabka uu lumiyay xubinimadiisii Golaha, sidaasi daraadeedna looga baahanyahay hay’adaha ku shaqada leh in ay soo buuxiyaan kursiga lambarkiisu yahay Hop#201.

Maareeyaha SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray jalalaqsi

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo oo uu qeyb ka yahay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed, daqaatiir ka tirsan Hay’adda SoDMA iyo Isbitaal Madiina ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Safarka Guddoomiyaha ayaa daarran xoojinta dadaallada bani’aadannimo ee dalka iyo u kuur-galidda xaaladda nololeed ee degmada iyo degaannada ku xeeran, isagoo gargaar loogu tala-galay dadka nugul oo daawo iyo cunno isugu jira ku wareejin doona maamulka degmada iyo hoggaanka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka, Guddoomiyaha degmada Md. Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) Agaasimaha Guud ee Wasaaradd Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle Md. Cabdifitaax Maxamed Yuusuf iyo masuuliyiin kale ayaa waftiga Guddoomiyaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Jalalaqsi.

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo jab xooggan gaarsiiyey khawaarijta

0

Ciidamada Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka mar kale cashar lama illaabaan ah u dhigay Khawaarijta nafla caariga ah, kadib markii ay isku dayeen inay weeraraan fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Qaranka.

Degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose iyo aaga deegaanka Buursha Sheekh ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa Khawaarijta saaka si wayn loogu jabiyay, iyadoo la gaarsiiyay khasaare badan.

Dhanka kale, Ciidamada Qaranka ayaa xalay howlgal qorshaysan ku burburiyay goob Khawaarijtu ay isku aruursanayeen oo ku taalla deegaanka Laba-Garas ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaasi lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii cadowga ahaa ee joogay.

Goor dhow la soco faah-faahino dheeraad ah oo ku saabsan howlgaladaan.

Xubno ka socda Golaha Warbaahinta oo soo dhaweyn sare loogu sameeyay magaalada Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb, Maarso 15, 2025- Xubno ka socda Gowlaha Warbaahinta Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa xalay halkaas loogu sameeyay afur si heer sare ah loo soo agaasimay, kaas oo lagu qabtay guriga Boqor Bashiir Ciise.

Munaasabadda afurka soo dhaweynta xubnaha Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Maamulka Galmudug, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Ganey, agaasimayaal iyo Ururrada bulshada, kuwaas oo dhamaan Golaha ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee dalka u hayaan oo ay ugu horeyso garaad dhiska bahda Warbaahinta Soomaaliyeed.

Wasiirada, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Boqor Bashir Ciise ayaa dhankooda tilmaamay muhiimadda Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed u leeyahay dalka guud ahaan, kaas oo dhisaya garaadka aqooneed ee bahda Saxaafadda, islamarkaana horseedeya isku-xirka dhamaan Warbaahinta Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada.

Madaxa Tababarrada Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed Hinda Jaamac iyo Lataliyaha sare ee Golaha Abdiqani Cabdullaahi ayaa dhankooda ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay iyagoo ku sheegay in ujeedka u yimaadeen Dhuusamareeb tahay Tababar la xiriira horumarinta aqooneed ee bahda Saxaafadda Galmudug, taas oo qeyb ka ah qorshaha Golaha garaad dhiska suxufiyiinta soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta ka socda Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu wadaa inay magaalada Dhuusamareeb ka furaan tababar la xiriira xoojinta xirfadaha suxufiyiinta, kaas oo socon doona muddo 3 maalin ah. Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu howlan sidii sare loogu qaadi lahaa tayada Warbaahinta dalka, si kor loogu qaado wacyiga bulshada Soomaaliyeed.