SAWIRRO: Degmooyinka Kaaraan iyo Hodan oo ay ka socota diiwaangelinta codbixiyaasha

Date:

Degmooyinka Gobolka Banaadir gaar ahaan Kaaraan iyo Hodan ayaa saakay looga dareeray diiwaangelinta cod bixiyeyaasha doorashada qof iyo cod ee Golaha Deegaanka, iyadoo boqolaal dadweyne ay safaf u galeen is-diiwaangelinta.

Dadka saakay safafka dhaa-dheer ku jira ee isdiiwaan-geliyay ayaa waxaa kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si ay marka la gaaro doorashada qof iyo codka codkooda ugu ciil baxaan unq doortaan madaxdii ku hoggaamin lahayd mustaqbal wanaagsan.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ilaa hadda dadkooda fursad u heleen diiwaangelinta codbixiyaasha ayaa kala ah Kaaraan iyo Hodan, Shangaani, Shibis, Cabdicasiis, Boondheere, Xamarwayne, Xamar-Jajab, iyo Waabari waxaana lagu wadaa in dhawaan la soo afjaro diiwaangelinta codbixiyaasha si bisha June dadka Muqdisho ay ugu dareeraan doorashooyinka Golaha deegaanka Magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....