Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeygalay shir madaxeedka dalalka Ciidamada AUSSOM

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shir-madaxeedka dalalka qaybta ka ah howlgalka taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo saaxiibbada caalamiga ah, kaas oo lagu qabtay Madaxtooyada dalka Uganda ee magaalada Entebbe.

Madaxweynaha ayaa shirka ka jeediyey khudbad uu ku muujiyey guulaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira argagixisada, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed lagu garab istaago dagaalkaas, lagana taageero dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay madax ka kala socotay dalalka; Kenya, Jabuuti, Masar, Itoobiya, iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Dowladda Mareykanka.

Madaxda shirku waxay isla qaateen qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

• In shirku bogaadiyay guulaha ay xaqiijisay DFS oo ay ka mid yihiin; ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), xubinnimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, qaadista cunaqabtaynta hubka, dib u habaynta dhaqaalaha iyo billaabista diiwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada tooska ah.

• In la dardargeliyo taageerada tababarka, qalabaynta, iyo tayeynta ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

• In la xoojiyo taageerada dhinaca diyaaradaha, sirdoonka, iyo garab-istaagga cirka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

• In la dhiirrigeliyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, si loo sugo xasilloonida dhulka la xoreeyey.

• In la dhaqan geliyo istaraatiijiyadda dhaqaale-ururin ee howlgalka AUSSOM iyo taageerada la siiyo ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalalka qeybta ka ah howlgalka AUSSOM dadaalkooda ku aaddan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka dhismaha ciidanka qaranka iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...