Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo saaka ka bilaabantay lix degmo ka tirsan gobolka Banaadir

Date:

Degmooyinka Hodan, hawlwadaag, Kaaraan,Yaaqshiid, Warta Nabada, Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa waxaa saakay ka bilaabay is diiwaangelinta codbixiyaasha ,kuwaas oo la qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan doorashada golaha deegaanka dhacaysa bisha June.

Kumanaan shacab ah oo ku dhaqan degmooyinkan ayaa si weyn isugu soo baxay goobaha isdiiwaan-gelinta, iyagoona safaf dhaa-dheer u galay sidii ay isku diiwaan-gelin lahaayeen,una heli lahaayeen xuquuqdooda codbixin.

Guddoomiyayaasha dagmooyinka ay is diiwaangalinta ka socoto ayaa soo dhaweeyay in shacabka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u siiyaan cidda ay rabaan.

Qaybo kamid ah shacabka degmooyin ay ka socoto diiwaangalinta ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mudda 50-sano ka badan ay maanta ay isugu soo baxaan in ay is diiwaangaliyaa oo ay qataan gaarka doorashooyinka golaha degaanka.

Diiwaangelinta codbixiyaha ayaa hore uga socotay toddoba degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir waxayna hadda noqonaysaa in diiwaangelintu si rasmi ah uga socoto 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...