Home Blog Page 205

Wasiirka degaanka iyo isbaddelka Cimilada XFS oo kulan la qaadatay Madaxa COP29

0

Wasiirk wasaaradda degaanka iyo isbaddelka cimilada JFS Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa kulan muhiim ah la yeelatay Madaxa COP29 Danjire Iskandanov, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay waddooyinka lagu gaari karo guusha hannaanka socda iyagoo mar kale adkeeyey ballanqaadkooda ah in la xoojiyo wada shaqeynta si loo gaaro heshiisyo macno leh oo dhammaan bulshada saameeya.

Kulankan waxa uu qeyb ka yahay ajandayaasha muhiimka ah sida Hadafka Cusub ee Isku dhafan (NCQG) isbeddelka caddaaladda ku saleysan iyo arrimaha kale ee mudnaanta leh. Wasiirka ayaa uga mahadcelisay martigalinta #COP29 ka Dowladd ahaan Azerbaijan soo dhoweyntooda diirran iyo qabanqaabada heerka sare ee #COP29.

Wasaaradda Arrimaha dibadda XFS oo yeertay safiirka Danmark u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda u yeertay Safiirka dowladda Danmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen, kaas oo ku xadgudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Runtii waxaa ayaan daro ah in safiirro halkaas hadallo ka jeediyeen oo qarinayo dalka uu Safiirka ka yahay uuna leeyahay Ambassador hebel ayaan ahay, qaarkoodna ayba ku tilmaameen dal, waxana u yeernay Safiirka Danish-ka markuu arintaasi ku dhawaaqay, wuuna noo balansanyahay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Mudane Axmed Macallin Fiqi oo shalay ka hadlayay munaasabad tababar loogu xiray safiirrada cusub ee dhowaan Golaha Wasiirrada ansixiyee ayaa sheegay in safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya qaarkood dhawaan tageen Hargeysa, halkaas oo ay ka socotay doorashada maamulka Somaliland,kuwaas oo qariyay halka ay safiir ka yihiin.

“Safiirrada ajanabiga ah ee dalkan ku sugan qaarkood waxay tageen Hargeysa oo doorasho ka socotay, dowladda Soomaaliya mowqifkeeda way cadeysay oo ku saabsan doorashada, Soomaaliya waa hal dal, waxii dhaxdeenna aan isku haysaneyno aan isku heysano, laakiin nin safiir ah oo dowlad u soo xilsaaratay inuu safiir ka noqdo halkan,kama yeeleyno inuu dal ku tilmaamol, kama yeeleyno inuu qariyo dalka Safiirka uu ka yahay” ayuu yiri Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa uga digay safiirrada qaarkood ee ajanabiga ah ee Soomaaliya jooga inay soo saaraan qoraallo ka dhan ah midnimada dhuleed ee JFS marka ay soo baxdo natiijada doorashada maamulka Waqooyiga Soomaaliya (Soomaalind), isagoo tilmaamay waxii dhaxdeena ah inay Soomaali u taalo.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay rajeyneynaan in wadahadalladii dib u bilowdaan hadii meesha isbadal ka dhaco, dowladdana go’antahay xal u helidda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in hadda xooga saarayaan sidii dalka guud ahaan uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah, taas oo hadda uu u fadhiya Baarlamaanka JFS.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag udirtay qofkii ku xadgudba midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

0

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa ansixiyay Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xubnaha Baarlamaanka Federaalka ka hor akhriyay Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan iyo soohdimaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana dib u eegis ku sameeyay guddiga KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka u qaabilsan diyaarinta xeerarka doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow ansixiyay Hindise xeereedka dhisidda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo soohdimaha, waxaana ogolaatay 173 Mudane, wax diiday ama ka aamusay majirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in toos loo gada-galay dhameystirka howlaha haray ee ansixinta xubnaha iyo xeerarka xisbiyadda Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishan horaanteedii labada gole ee Baarlamaanka ka codsaday inay bil ku darsadaan kalfadhigan si loo meelmariyo xeerarka muhiimka u ah doorashooyinka Qaranka si shacabka Soomaaliyeed u soo doortaan madaxdooda.

Ciidanka Danab ee XDS oo daawooyin gaarsiiyey shacabka ku nool Balidoogle

0

-Ciidanka kumaandooska Danab XDS gaar ahaan ururka 161’aad ayaa daawooyin gaarsiiyey qaar ka mida dadka shacabka ah ee ku nool Deegaano Hoos Taga Degmada Walaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dawooyinka dadka shacabka ee la gaarsiyey ayaa wax ay isugu jiraan haween iyo caruur ku dhaqan tuulada Balidoogle iyaga oo Sidoo kale ka mahad celiyey daawooyinkan ay soo gaarsiiyeen ciidanka sida gaarka u tababbaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed .

Ciidanka kumaandooska danab ee XDS ayaa ah kuwa u taagan hiilka dadka shacabka Soomaliyeed iyo dabar gooynta khawaarijta arxanka daran .

Soomaaliya ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Glotel Awards

0

Munaasabad heerkeedu sareeyo oo ka dhacday dalka Ingiriiska ayaa Soomaaliya waxa ay ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee Glotel Awards, iyadoo tartanka ugu guuleysatay Mareykanka, Ingiriiska, India iyo Kuuriyada Koonfureed

“Waxaan ku faraxsannahay in aan Soomaaliya guul uga soo hooynay abaalmarinta caalamiga ah ee 𝗖𝗼𝗻𝗻𝗲𝗰𝘁𝗶𝗻𝗴 𝘁𝗵𝗲 𝗨𝗻𝗰𝗼𝗻𝗻𝗲𝗰𝘁𝗲𝗱 𝗔𝘄𝗮𝗿𝗱 oo ay bixiso madasha 𝗚𝗹𝗼𝘁𝗲𝗹 𝗔𝘄𝗮𝗿𝗱𝘀 ee Warbaahinta 𝐓𝐞𝐥𝐞𝐜𝐨𝐦 ee dalka Ingiriiska” ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay Shirkadda Hormuud Telecom.

 

Xafladdan oo ka dhacday magaalada London ayaa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyay abaalmarintan caalamiga ah, taas oo ay muteeysatay kaalinta Shirkadda ee isku xirka ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Abaalmarinta waxaa ku tartamayay Shirkado badan oo ay kamid yihiin Wifinity ee dalka Ingiriiska, Zayo Group ee Mareykanka, HFCL ee India, iyo Shirkadda SK Telecom ee Kuuriyada Koonfureed. Waxaa sidoo kale madasha abaalmarinno lagu guddoonsiiyay 24 shirkad oo hoggaamiya isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda adduunka sida Intel, Huawei, Vodafone, Saudi Telecom, Ericsson, ZTE, iyo China Mobile.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku bogaadisay Shirkadaha iyo hay’adaha kale ee guulaha ka soo hooyay caalamka oo ay ugu horeyso Shirkadda Hormuud Telecom, iyadoo tani qeyb ka tahay guulo taariikhi ah oo ay Soomaaliya ka gaareyso fagaarayaasha caalamka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Somaliland Allaha ha u naxriistee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa.

“ Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun rabi SWT naxriistiisa jano haka waraabiyo marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland,waxaana xanuunka geerida marxuumka la qeybsanayaa qoyskiisa, eheladiisa iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed,rabi naxriistiisa jano ha siiyo dhamaan umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo “ ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sidoo kale sheegay in Allaha ha u naxriistee marxuumka uu ahaa oday Soomaaliyeed Sidoo kalena uu ahaa Astaan ummaddeed, indheer garad bulsho oo tariikh ku leh dowlad dhiska.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida Madaxweyne Siilaanyo

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Marxuum Siilaanyo inuu ahaa siyaasi kaalin weyn ka soo qaatay nidaamka dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Siilaanyo wuxuu door muhiim ah ka qaatay maamul dhiska, nabadeynta, iyo dimuquraadiyeynta Gobollada Waqooyi ee Somaliland, burburkii kadib, isaga oo kaalin hormuud ah ku lahaa billowgii wada xaajoodkii Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida madaxweynihii hore ee Somaliland

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeeggidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada Somaliland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada Somaliland iyo DFS”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowso, sabar iyo iimaanna uu ka siiyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has returned back home after attending an extraordinary summit in Riyadh in the Kingdom of Saudi Arabia to discuss the humanitarian crisis facing the people of Palestine and Lebanon.

2- President Hassan Sheikh Mohamud gave a speech at the Summit of Arab and Islamic countries in Saudi Arabia, which was discussing the crisis facing the people of Lebanon and Palestine.

3- Prime Minister Hamsa Abdi Barre received a delegation from Kenya in Mogadishu.

4- Prime Minister Hamsa Abdi Barre has appointed Abdimalik Abdullahi Abdi as the Director General of the National Security Office.

5- The Council of Ministers has approved the appointment of the new Commander of the Somali National Army Major General Odowaa Yusuf Rage.

6- The Speaker of the House of the People, Sheikh Aden Mohamed Nur Madobe has travelled to UK for an official visit.

7- The Ministry of Endowment and Religious Affairs of the Federal Government of Somalia has a new name, the Ministry of Endowment and Islamic Affairs.

8- The Deputy Prime Minister of Somalia Mr. Salah Ahmed Jama delivered a speech at the International Conference on Climate Change, COP29, in Baku, Azerbaijan.

9- The 2nd Deputy, Prime Minister Mr. Abdisalam Ali Dhay has visited the center for the preparation of the National Transformation Plan, where he was briefed on the comprehensive strategies outlined for the plan, which is set to unfold from 2025 to 2029.

10- The Federal Parliament of Somalia has approved the procedure that will be used by the Transitional Commission in charge of preparing the rules for the elections.

11- The Minister of Interior Mr. Ali Yusuf Ali (Hoosh) has presented and read before the two Houses of the Federal Parliament of Somalia, the Bills of Organizations and Political Parties, Elections, and the Independent Commission for Elections and Boundaries.

12- The President of Galmudug State Mr. Ahmed Abdi Kariye (Qor Qor) said that his administration is determined to conduct direct elections of One Person One Vote in a transparent manner in accordance with the agreement of the National Consultative Council.

13- The Ministry of Interior, Federal and Reconciliation of Somalia said that the indirect election committee appointed by Jubbaland is illegal, and violates the country’s rules and the agreements of the National Consultative Council.

14- A public consultation meeting on the revision of the Draft Constitution of Somalia was held in of Las Aanod, the headquarters of SSC-Khatuma administration.

15- The Minister of Health, Dr. Ali Haaji, inaugurated a new CT Scan unit at Banadir Hospital in Mogadishu.

16- The Minister of Environment and Climate Change, Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, gave a speech at an important meeting discussing the restructuring of the global financial system and the role of the Green Climate Fund.

17- The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Mr. Ahmed Macallin Fiqi presided over an important meeting to discuss the ministry’s strategy for the National Transformation Plan for the year 2025-2029.

18- The Minister of Defense, Mr. Abdiqadir Mohamed Nur, who spoke to the national media, confirmed that Ethiopia has been officially excluded from the countries participating in the operation to support the stabilization of Somalia by the African Union, which will begin in 2025.

19- The Ministers of Foreign Affairs, Interior Affairs, Information, Acting Special Envoy of the Secretary General of the United Nations, participated in the launch event of the new United Nations Mission in Somalia (UNTMIS).

20- The meeting related to public consultation on the review of the Constitution was held in Ari Addeye area of Khatumo administration.

21- The Ministry of Interior has praised the elections of the northern regions of Somaliland.

22- The Ministry of Education has launched a scholarship for 3,000 girls.

23- Minister of Health Dr. Ali Haji, Members of Parliament and other officials in Mogadishu attended the commemoration of the 11th anniversary of the reopening of the Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer Hospital.

24- The Minister of Foreign Affairs, Mr. Ahmed Macallin Fiqi, had a bilateral meeting with the Minister of Foreign Affairs of Sudan, Mr. Ali Yusuf Al Sharif, in Riyadh, to strengthen the relationship and brotherly cooperation between the two countries.

25- The National Security and Intelligence Agency (NISA) killed 23 members of the Khawarij Al Shabab, in an operation that took place in Dharaarweyn area under Galcad city in Galgaduud region.

26- The Commander of the Somali Police Force, Brigadier General Asad Osman Abdullahi, held a meeting with the Somali National Women’s Organization, discussing the role of women in peace and security.

27- The National Army and the Darwish forces of the South West State have killed 6 members of Al Shabab terrorists, in an operation that took place in the village of Weel-Manas in Qansaxdhere district.

28- At least 19 members of the Kharijites Al Shabab were killed in an operation by the National Security Service (NISA) in Yaaqle area of the Middle Shabelle region.

29- The Somali government has brought back to the country 24 young people who were rescued from groups harassing migrants, operating on the coast of Tunisia.

30- The Somali National Army has killed 8 members of the Kharijites al-Shabab who tried to attack Masagaway area in Galmudug.

31- The National Intelligence Service (NISA) has arrested a suspect accused of participating in the recent killing of two citizens in Dharkeynley district of Banadir region.

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu magaalada Riyad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga soo qeyb galey Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo waddamada Carabta iyo Islaamka uga arinsanayeen xasaradda bani’aadamnimo ee haysta shacabka reer Falastiin iyo Lubnaan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedka Carabta iyo waddamada Islaamka ee ka dhacaya Sacuudiga, loogana arinsanayay arrimaha Lubnaan iyo Falastiin.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Kenya.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi u magacaabey inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka.

5- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage.

6- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur ayaa socdaal shaqo ku tagey dalka Britain.

7- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo yeelaneysa magaca cusub oo ah Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

8- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad ka jeediyay Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada, ee COP29, kaas oo ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

9- Ra’iisul wasaare ku xigeenka Labaad ee XFS Mudane Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025 ilaa 2029.

10- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay habraaca uu ku shaqeyn doono Guddiga KMG ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka.

11- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada Gole ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedyada Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, Doorashooyinka iyo Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha.

12- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay qabashada doorasho toos ah oo qof iyo cod ah una dhacdo qaab hufan si waafaqsan heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka.

13- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddiga doorashada dadban ee uu magacaabay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Jubbaland in uu yahay sharci darro, kana soo horjeeda xeerarka dalka iyo heshiisyadii Golaha wadatashiga Qaranka.

14- Kulan wadatashi ah oo dadweynaha looga talo galinayay dib u eegista Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Laas Caanood ee xarunta maamulka Ku Meel Gaarka ah ee SSC-Khaatuma.

15- Wasiirka Caafimaadka Mudane Dr Cali Xaaji ayaa xariga ka jaray qayb cusub oo ah casri ah (CT Scan) oo lagu kordhiyey Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

16- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad ka jeedisay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dib u qaabeynta nidaamka maaliyadda adduunka iyo doorka Sanduuqa Maalgalinta Cimiladda (Green Climate Fund)

17- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlaayey istaraatiijiyadda wasaaradda ee Qorshaha Isbeddelka Qaran ee sanadka 2025-2029.

18- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa u xaqiijiyey in Itoobiya si rasmi ah looga reebay dalalka ka qayb qaadanaya hawlgalka taageerada xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,.

19- Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa ka qeyb galay munaasabadda daahfurka hawlgalka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

20- Kulanka la xiriira la-tashiga dadweynaha ee dib u eegista Dastuurka ayaa lagu qabtay deegaanka Ari Caddeeye ee maamulka SSC-Khaatumo.

21- Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bogaadisay doorashooyinka maamulka gobollada woqooyi ee Somaliland.

22- Wasaaradda Waxbarashada ayaa daahfurtay deeq waxbarasho oo la siinayo 3,000 oo gabdhood.

23- Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer.

24- Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Mudaner Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee labada dal.

25- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa dilay 23 xubnood oo ka tirsaan Khawaarijta Al Shabab, hawlgal ka dhacay deegaanka Dharaarweyn ee hoos taga magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud.

26- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kulan la yeeshay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo kala hadley kaalinta haweenka ee nabadda iyo amniga.

27- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa dilay 6 xubnood ka tirsan argagixisada Al Shabab, hawlgal ka dhacay tuulada Weel-manaas ee degmada Qansaxdheere.

28- Ugu yaraan 19 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay hawlgal ay Ciidanka Nabadsugidda (NISA) ka fuliyeen meel deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

29- Dowlada Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 24 dhalinyaro oo laga soo badbaadiyey kooxaha dhibaateeya dadka muhaajiriinta ah ee ka hawlgala xeebaha DalkaTunisia.

30- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dilay 8 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku dayday in ay weerar ka geysato Masagawaay ee Galmudug.

31- Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.